War Deg Deg Ah: Agaasimihii Iyo Xafiiskii HCTV Ee Magaalada Hargeysa Oo La Xidhay.

 


Shaqaalihii iyo Hawl wadeenada Xafiiska ayaa laga soo dareeriyey, waxaana lagu amray....



Hargeysa,14 Jan,2012 (TNN) -Xafiiskii iyo Agaasimihii Telefishanka Horn Cable Tv Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) ayaa la xidhay goor dhawayd, waxaana laga soo amray Xadhigooda xaru nta Madaxtooyada sida ilo xogogaal ah u xaqiijiyeen Shabakada Timacade News, waxaana X afiisyadii Telefishanka laga dareeriyey dhamaan Shaqaalihii ka shaqaynayey.


Maanta ayey ahayd markii Madaxweyne Siillanyo Khudbadiisii Sanadlaha ahayd ku soo daray Telefishanka oo uu si adag u weeraray.
 

 

 


Sacad Muse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland