
KU: Dhamaan Saxaafada Somaliland
Ujeedo: Warsaxafadeed (Press Release)
Anigoo tixraacaya maqaal ku soo baxay wargeyska Waaheen maalintii
Khamiistii hore ee taa riikhdu ahayd 11/08/2011, cinwaankiisuna ahaa
“Komishanka AID-ka oo fasaxay Kondhamka iyo Itoobiya oo dhinaca
Somaliland u soo mustaafurisay dad fidinaya HIV/AIDS,” isla markaa
na wax ka sheegay culimada shafarta leh ee Somaliland.
Ugu horreyn, waxaan ka raalligelinaya dadweynaha, culimaa’udiinka
iyo cid kastoo ka xumaa tay maqaalka ku soo baxay wargeyska WAAHEEN
oo ahaa hadal la dhalan-rogay, kana fog xaqiiqda dhabta ah.
Komishanka xakamaynta AIDS-ka ee dawladda Itoobiya iyo dawladaha
kale ee aannu jaarka nahayba waxa naga dhexeeya xidhiidh wanaagsan
oo ku saabsan dawaynta iyo ka hortagga HIV/AIDS-ka, taas oo aannu ka
wada shaqayno xuduudaha aynu wadaagno dawladaha jaar ka, sidaa
darteed ma jirto cid cudurka qabta loo soo mustaafuriyey dalkeenna.
Culimada Somaliland iyo komishanka xakamaynta HIV/AIDs-ka waxaa ka
dhaxeeya wada sha qayn iyo xidhiidh wanaagsan, taas oo
culimaa’udiinkeena aan looga maarmayn kaalintooda wacyigelineed ee
bulshada Somaliland.
Wargeyska Waaheen iyo dhammaan saxaafadda Somaliland waxaan kula
talinaynaa inay ka qaybqataan barnaamijyada wacyigelineed ee ku
saabsan hakinta cudurka HIV/AIDS-ka ee waxtarka u leh bulshada reer
Somaliland.
Alla Mahad leh
Maxamed Dahir Kaire
Agaasimaha Fulinta
Komishanka Qaranka ee Xakamynta AIDS-ka
|