Xaflad Balaadhan oo Loogu Wanqalayay Gobolka
Cusub ee Gabilay oo Maanta La Qabtay

 

Halkan ka dhageyso weriyaha BBC
Axmed Siciid Cige oo Isagu goob Joog ka ahaa

Wanqalka Gobolka Gabiley

 
Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo loogu dabaal dagayay Gobolka cusub ee dhawaan la magacaabay ee Gabilay ayaa Maanta si heer sare ah loogu qabtay Magaalo Madaxda Gobolka Gabilay ee Gabilay.


Gabiley (TNN) :- Xafladan oo si weyn loo soo agaasimay waxa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Marwo Huda Barkhad Aadan , Shirgudoonada Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada , Gudoomiyayaasha Xisbiyada KULMIYE iyo UCID , Wasiiro , Xildhibaano , Madaxda Saddexda Xisbi Qaran iyo Dadweyne aad u tiro badan oo ka kala yimid dhamaan gobollada dalka Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu hadalkiisii ku bilaabay ‘’Maanta halkan waxa aynu isugu nimid, in aynu hambalyayno oo aynu dhiiri gelino gobolkan cusub ee Gabilay oo mudo dheerna soo halgamayay gobolnimo , waa gobolkii ugu dheeraa ee lagu halgamo inuu noqdo gobolnimo, Maanta waxa farxad ii ah in aan idinkala soo qayb galo farxadan aad maanta ku jirtaan , haddaba maadaama la dajiyay gobollo badan , dabcan gobolladu ha ogaadaan waxa looga baahan yahay , gobol marka la qiimaynayo , waxa lagu qiimeeyaa dadkiisa iyo inta uu xukumo dalkiisa iyo wax soo saarkiisa , shacabkiisu inta uu leeg yahay , waa saddexda shay ee hadda lagu qiimayn doono gobolladii la dajiyay’’.


Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin isaga oo hadalkiisii sii wata waxa kale oo uu yidhi ‘’Rasuulka ayaa waxa uu galay jihaad dheer , markii jihaadkii uu ka soo noqday waxa uu ummadiisii ku yidhi waxa aynu soo galnay jihaadkii yaraa , waxa aynu galaynaa jihaadkii weynaa , haddaba maanta maxaa looga baahan yahay reer Gabilay , reer Gabilay waxa lagu yaqaanay wax soo saar , jihaadkii weynaa ayaad galay saan , waa inaad horumarisaan gobolka , waxa aan idinku dhiiri gelinayaa cidii alle iyo cidii tegaysa ee wax gashanaysa soo dhaweeya , waxaan xusuusnahay dagaalkii labaad ee adduunka marka aad oda yaasha ka waraysato ee ay baddu xidhan tay ee Berberi xidhan tay halkan ayaa loo soo doontay hadhuudhkii maanta reer Gabilay waxa aad ku xisaabtantaan , berrigaasi dadku wuu yaraa , waxaa laga yaabaa in ay idiin yimaadeen Toban kun ama 20 kun oo qof , maanta waxaad ogaataan in ay idiin imanayso gawaadhi waaweyn oo doonaysa raashinkii, sababta oo ah ummadeenu waxa ay baratay Bariis , Bariiskiina ma beerano , waxa aanu ugu bedelaynaa Galay dadkeena , imika waxa la cunaa waxa weeyi waa intii Raashin ee taalay badda ku jirtay , cid kastaba raashinkoodii way xidhatay , inagana wax a inagu waajib ah in aynu wax beerano , markaa reer Gabilayoow cuntadii idinka ayaa la idinka sugayaa, dawladana waxa aan ugu baaqayaa in Mishiinadii lagu ridqayay Galayda la keeno , idinkuna ridiqda an’’. Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo dadweynaha reer Gabilay la sii dardaarmaya, waxa uu yidhi ‘’waxa aan leeyahay Reer Gabilay marka hore quluubtiina mideeya , oo kalmadiina mideeya oo shaqadiina mideeya’’.


Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , isaga oo la hadlaya Somaliland waxa uu yidhi ‘’Somaliland dhul ma kala laha , Magaalo ma kala laha , arrin aan maqlay ayaan ka jawaabayaa oo aan tallo ka bixinayaa , ni nka Somaliland meesha uu doono ayuu degi karaa, ninka fidnada wada ayuunbaa la iska qabanayaa, ilaahay waxa uu yidhi Fidnadu way hurudaa, dad walba cayaan ayay leeyihiin , wax garad bay leeyihiin , kaas uunbaa marka la soo qabto la odhanayaa adeer fidnimada naga jooji , laakiin yaan la odhanin , weliba caasimada ayaan ku dhufanayaa caasimada waxa soo degaya khalqi oo dhan ayaa soo degaya , ninka yidhaahda hadhow ka bax waa in la xidhaa weeyi , ninka fidnada wada ayuunbaa la iska qabanayaa oo la xidhayaa , laakiin caasimada waa la camirayaa , waa la imanayaa , in yar cidi ma laha waa na la wada degayaa , cid walba soo dhaweeya’’. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu dadweynaha ugu bushaareeyay in dhawaan la dabaal dagi doono wadankeena oo la ictiraafay.Madaxweyne ku xigeen ka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu hadalkiisii ku soo gaba gabeeyay ‘’Waxaan ku soo gunaanadayaa Fariin iyo mahad naq balaadhan oo aan idiinka sido Madaxweynaha Soma liland Mu dane Daahir Rayaale Kaahin oo uu idin leeyahay Kor u soo kaca , noolaada , Bash Bash iyo Barwaaqana ku noolaada’’.


Marwada Koowaad ee Madaxweynaha JSL Marwo Huda Barkhad Aadan, ka hor intii aanay hadalka bilaabin lagu soo dhaweeyay Caleemo qoyan iyo Mashxarad , ayaa iyaduna halkaasi ka hadashay , waxa na ay hadalkeedii ku bilowday ‘’Waxa maanta sharaf noo ah in aanu idinkala qayb galno , xaflada dabaal daga gobolka gabilay oo aad aanu ugu faraxsanahay , waxa aanu leenahay Mabruuk , waxa anaga sharaf noo ah oo aan idinku mahad naqayaa ilaaha qadaray anaga oo joogna Madaxtooyada in gobolkii Gabilay lagu dhawaaqo , aad iyo aad ayay noo taabanaysaa gaar ahaan , waxaanan leeyahay ilaah ay ha ka dhigo gobol khayr qaba , waan hubaa gobolka Gabilay waa gobol is bixinaya , dhinac walba ha ahaato dhinaca Dhaqaalaha dhinaca Beeraha , dhinaca Xoolaha aad iyo aad ayaan ugu faraxsanah ay , insha allaahu waxa uu noqonayaa gobol hir gala’’.


Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyayaasha Xisbiyada KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ‘’Siilaanyo’’ , Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Xoghayaha Guud ee Xis biga UDUB , kuwaasi oo dhamaantood u hambalyeeyay Dadweynaha reer Gabilay Gobolnimada cusub ee uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin u magacaabay.Dhamaan Salaadiintii iyo Dadweynihii ku h adlayay Afka dadweynaha reer Gabilay , waxa ay dhamaantood u hambalyeeyeen Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo gobol cusub u magacaabay , iyagoo dadweynaha reer Gabilay ay sugayeen muddo 40 sanadood ah.

Source: SN

 

 

HAMBALYO  HAMBALYO  HAMBALYO  GOBOLKA  GABILEY

HAMBALYO  DADWEYNAHA  GOBOLKA  GABILEY