“Dawladda Ingiriisku Waxay Naga Saartay Wal-Wal Badan Oo Naga Haystay Shirka London, Waxaanu Ethiopia Kala Hadalnay Dareeno Aanu Qabnay Oo Saamayn Ku Yeeshay Xidhiidhkeena”Dr. Maxamed C/Laahi

 

 



Hargeysa,  (TNN) – Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa faah faahin ka bixiyey kulano ay kula garnaqsanayeen Dawladda Britain, kaas oo sheegay inay Masuu liyiintaas culays ku saareen in loo cadeeyo meeqaamka S/land shirkaas kaga qaybgalayso iyo dan aha siyaasadeed ee ugu jira.

D. Maxamed C/laahi waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo shalay galab Haatuf khadka tilifoonka ku siiyey isaga oo ku sugan Magaaladda Hargeysa oo shalay soo gaadhay, ka dib markii uu ka soo guryo noqday Magaaladda Adis-ababa oo uu shirar kaga qaybgalay.

Wasiirka khaarajigu waxa uu tilmaamay in wal-wal badan xukuumada ahaan ka haystay shirka London ka furmaya dabayaaqada bishan, kaas oo tibaaxay inay kalsooni badan u muujiyeen masuuliyiin ka tirsan dalka Ingiriiska, isla markaana ay u cadeeyeen inaanu shirkaasi wax sumcad xumo ah aanu u horseedi doonin Madaxbanaanida iyo xasiloonida Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa kale oo uu ka hadlay kulamo uu Mag aaladda Adis-ababa kula yeeshay Masuuliyiinta ugu saraysa dawladda federaalka Ethiopia, kaas oo sheegay inay kala hadlayeen kooxda Buuhoodle dagaalada ka wada ee la sheegay inay Ethiopia ku sugan yihiin. Wasiirku waxa uu tilmaamay inay soo afjareen tuhuno laga qabay xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia inuu xumaaday, waxaanu sheegay inay isla qaateen labada dhinac in laga wada hawlgalo sidii loo ilaalin lahaa danaha labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia. Ugu horayn isaga oo ka hadlaya kulamo uu la yeeshay Wasiiro iyo Diblomasiyiin Ingiriis ah, waxaa uu yidhi “Mudadii koobnayd ee aanu joognay Magaalada Adis ababa waxaanu wada hadalo toos ah la yeelanay Madaxbadan oo ka tirsan dawladda Ingiriiska, taas oo ay ku jiraan xubno Wasiiro ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan arimaha Afrika iyo Wasiirka u qaabilsan xaga horumarka, waxa kale oo masuuliyiintaa ka mid ah Safiirka iyo ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Adis ababa. Wada hadalkayaguna waxa uu ku saabsanaa shirka dawladda Ingiriisku ay qabanayso 23-ka bishan, waxaananu ka hadlaynay maadaama oo ay hore dawlada Britain ay hore noogu marti qaaday shirkaas, inkasta oo arinta shirka talo qaran laga yeelanayo oo ay socoto hadana xukuumad ahaan waxaanu doonaynay inaanu Ingiriiska arimo badan oo cadayn u baahan aanu Ingiriiska kala hadalno. Waxyaabaha aanu xooga saarnay ee aanu Madaxdaas kula gorgortanay waxa ka mid ah ugu horayn Ujeedooyinka dhabta ah ee shirkaa laga leeyahay, isla markaana hadii Somaliland shirkaa ka qaybgasho sifaha ay kaga qaybgalayso iyo waxyaabaha hadii Somaliland tango shirkaa u suurta galaya waftiga xukuumadda Somaliland ka socda, markaa arimaha aanu xooga saaraynay arimahaas ayey ahaayee”.

Dr. Maxamed isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Wada hadaladii aanu Madaxda dawladda Igiriiska aanu kula yeelanay Magaalada Adis ababa waxay naga saareen wal-wal badan oo naga haystay Shirka bishan dhamaankeeda ka dhici doona London, isla markaana aanaan ka wal-walin ujeedada laga leeyahay shirkaas, waxa kale oo aanu ka wada hadalnay meeqaamka ay dawladad Britain rabto inay Somaliland kaga qaybgasho shirkaas, waxaanay noo sheegeen inaanay Xasiloonida iyo Madaxbanaanida Somaliland gor-gortan iyo wada hadal ku jirin, isla markaana waxa shirkaas lagaga hadlayaa aanay wax saamayn ah ku yeelan siyaasada iyo amniga ka jira Somaliland. Hase yeeshee waxay Madaxdaas Ingiriiska ahi noo sheegeen in shirku uu Somaliland uu siinayo Fursad aanay wali hore u helin oo ay hogaamiyayaasha caalamka ugu sheegto qadiyada Madaxbanaanida Somaliland iyo danaheeda. Madaxda Ingiriiska ah ee aanu la kulanay waxa kale oo ay noo cadeeyeen in shirkaasi aanu waxba u dhimaynin sumcada iyo himilooyinka Somaliland, waxaanay noo sheegeen inaanay na khusaynin arimaha xaga siyaasada ee arimaha Soomaaliya, arintaasina sida xaqiiqda ah wax na khuseeya maaha”.

Wasiirka khaarajigu isaga oo ka jawaabaya inay dawladda Ethiopia kala hadlay kooxda Somaliland diidka ah ee la sheegay inay ku sugan yihiin gudaha Ethiopia, waxaanu yidhi “Waxaanu dawladda Ethiopia kala hadalnay dareeno aanu qabnay oo saamayn ku keentay xidhiidhka labada dal, isla markaana dhiiri galisay kooxihii dhawaan qalalaasaha ka sameeyey Magaalooyin ka mid ah bariga Somaliland sida Buuhoodle, dhamaan arimahaas oo dhana waxaanu ka yeelanay is-fahan, waxaananu isku afgaranay in dawladaha Somaliland iyo Ethiopia ay meel uga soo wada jeedsadaan wixii amniga labada dal wax yeelanaya”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Waxaanu gaadhsiinay dawladda Ethiopia ee aynu saaxiibka nahay in wixii ka soo baxay Shirkii Taleex ka dhacay ay amni daro iyo xasilooni daro ka abuuri karaan Somaliland iyo mandaqada-ba, waxaanay dawladda Federaalka Ethiopia noo cadaysay inaanay taageerayn cid ala cidii falal amni daro ka abuuri karta gudaha Somaliland iyo nabadgalada mandaqadaba”.
 

 

source:haatuf