Wakiillada Al-jaabiri oo Shaaca ka Qaaday in la Kordhiyey Qiimaha iibka Xoolaha la Dhoofinayo

 

Shirkadda Saleebaan Al-jaabiri ee qandaraaska ku haysata ganacsiga dhoofinta xoolaha Somaliland, ayaa dib u bilowday iibsiga xoolaha nool ee sayladaha dalka iyo dhooftooda ee moosinka xilliga xajka.

Markii la soo afjaray khilaaf hakiyey dhoofkii xoolaha Somaliland oo ka dhashay, kadib markii shixnado xoolo ah oo ka dhoofay dekedda Berbera ay shirkadda Al-jaabiri ka dejisay dekedaha dalka Eritrea, si ruqsadaha caafimaadka xoolaha iyo dukumentiga ganacsi ee Eritrea lagu dhoofiyo xoolaha Somaliland ee loo dirayo Boqortooyada Sucuudiga ee ka dhoofay Berbera lagu sharciyeynayo in ay yihiin xoolo ka dhoofay Eritrea, qorshahaas oo ka soo horjeeday heshiiska Al-jaabiri lagu siiyey in xoolaha Somaliland ee Berbera laga dhoofiyo si toos ah shirkaddu uga dejiso Sucuudi Carabiya.

Arrintaas oo keentay in xukuumadda Somaliland hakiso xoolihii ka dhoofi jiray Berbera ee loo duwayey dalka Eritrea, isla markaana mamnuucday in xoolaheenna loo safrinayo Sucuudiga lagu sii guul-dhixiyo Eritrea, taas oo aan waafaqsanayn heshiiska ganacsi ee qandaraaska lagu siiyey shirkadda Al-jaabiri oo dhigayey, in xoolaha Somaliland ee ka dhoofaya dekedda Berbera ay shirkaddu si toos ah u geyso waddanka Sucuudiga, iyada oo aan la sii marin dekedo kale iyo in dukumenti macmal ah oo meelo kale lagu sameeyey aan lagu dhoofin.

Warsaxaafadeed ay Sabtidii shalay magaalada Hargeysa ka soo saareen wakiillada shirkadda Saleebaan Al-jaabiri oo kala ah Aadan Axmed Diiriye (Baradho) iyo Cali Ibraahim Ciise (Cali-waraabe), ayaa waxay ku wargeliyeen ganacsatada xoolaha iyo bulshada xoolo-dhaqatada ahba in uu dhammaaday khilaafkii dhowaan hakiyey dhoofka xoolaha, lana bilaabay iibka xoolaha ee sayladaha dalka.

Wakiilladu waxa ay intaa ku dareen in markabkii ugu horreeyey ee qaadaya xoolaha loo dhoofinayo dalka Sucuudiga habeennimadii Axaddii laga raray dekedda Berbera, kaas oo sii mari doona Jabuuti.

Waxa kale oo wakiilladu sheegeen in shirkadda Al-jaabiri diyaar u tahay qaadashada tiro kasta xoolo nool ah oo la heli karo xilligan moosinka xajka iyo in ay kordhinayso qiimaha ay ku iibsan jirtay xoolaha.

“Waxa ay shirkadda Al-jaabiri diyaar u tahay inay qaadato tiro kasta [xoolo ah] oo aynu heli karno xilliga xajka. Sida oo kale waxa shirkaddu diyaar u tahay qiimo-kordhin, iyadoo laga shidaal-qaadanayo sicirka sayladaha dalka gudihiisa,” ayuu wakiillada Al-jaabiri warsaxaafadeedkooda ku soo gunaanadeen.

Xukuumadda Somaliland ayaa heshiis dhinaca dhoofka xoolaha nool ah kula jirta shirkadda Saleebaan Al-jaabiri, heshiiskaas oo saldhiggiisu ahaa in Al-jaabiri magaalada Berbera ka dhiso maxjar weyn oo lagu baadho caafimaadka xoolaha, kaas oo aan ilaa hadda dhaqan-gelin, iyadoo muddadii shanta bilood ahayd ee hore loogu qabtay dhammaystirkiisu haatan gebagebo ku dhow yihiin.



 


 

 



Jamhuuriya Online