Wakiilkii Shirkada Oomar.Co. ee Bariga Somaliland oo shil Baabuur ku geeriyooday

 

Wakiilada Shirkada Oomaar.Co. ee Gobolada Bariga Somaliland Marx uun Maxamuud Axmed Warsame(Luqanta Toosi)ayaa ku geeriyo oday shil baabuur oo galabta ka dhacay Tuulada ina Afmadoobe oo 60Km dhinac bari ka xigta magaalada Burco,waxaana ku dhaawacmay afar qof oo kale magacyadoodu kala yihiin.

Idiris Ciise Xasan,Muuse Macalin Qaasin,Aadan Ibraahin  Mire C/ras hiid  SheekhCali Askar,kuwaasoo dhamaantood lagu daweynayo cisbitaalka guud ee Magaalada Burco.

Sida ay noo sheegeen Masuuliyiinta caafimaadka Cisbitaalkaasi. inkastoo aan si dhaba loo ogeyn sababta keentay shilkan baabuur,ayaa hadana la tilmaamaya inuu ka dhashay ka dib markii Taayir u qarxay baabuurkaasi.

Gaadhigan ayaa la sheegay inuu ka yimi dhinaca Bariga,kaasoo ay la socdeen culimada tabliiqiyiinta ka mid ah.


 


Togdheernews