Wakiilka Somaliland Ee Dalka Ingiriiska Oo Casho Sharaf Ku Casumay Qaar Ka Mid Ah Madaxda Reer Somaliland Ee Dalka UK Ku Sugan
 

 

London (TNN)-Waxa hebeenimadii xalayto ka dhacday Hotel kuyaala Bariga magaaladan Lo ndon xaflad aad u qurux badan oo si wanagsan losoo agaasimay, Xafladaas oo wakiilka Som aliland u fadhiya dalkan Ingiriiska Axmed Cumar Sangoore uu ka danbeeyey ayey ujeedadee du ahayd is wareysi iyo talo bixino ku saabsan hore marka dalka iyo sare u qaadida bulsha
weynta reer Somaliland ee dalkan degan, waxa kulanka kasoo qayb galay Agaasimaha Was aarada Warfaafinta iyo wacyi galinta Faysal Cali Sheekh, Wakiilka TV qaranka Somaliland ee Cabdi Daahir Cabid (Cabdi Bacow) Gudoomiyaha SSUK Cabdiraxmaan Aleel, Gudoomiyaha U rurka Somaliland Women Association SLWA Caasha Cumar, wariyayaal caana oo ay ka mid ahaayeen Mijir Qaadi, Sheekh Dalmar, odayaal, Haween iyo dhalinyaro.


Kulankaas oo uu xidhiidhinaayey xubin muhiima oo ka tirsan ururka SSUK Cabdale Salim waxa aad ugu mahadnaqay sida aad uga soo qaybgasheen kulankan quruxda badan ee uu inoo fid iyey safiirka Somaliland ee dalkan Ingiriiska Axmed Cumar Sangoore aadna waanu ugu maha dnaqaynaa,intaas ka dib waxa uu kusoo dhaweeyey Wakiilka Somaliland ee dalkan Ingiriiska Axmed Cumar Sangoore oo aad ugu mahadnaqay sida aad uga soo qaybgasheen kulankee nan idinka oo ka kala yimid meelo aad u fog-fog,inataas ka dib waxa uu sheegay in uu kulank ani ku saabsan yahay is wareysi iyo sagootin aanu u qabanay Agaasimaha Wasaarada Warf aafinta iyo wacyi galinta Faysal Cali Sheekh oo in mudo ahba halkan u joogay hawlo muhiim ah sida furitaanka TV qaranka Somaliland oo aad la wada socotaan waxa uuna kula dar- dar may in had iyo jeer gacmaha lays qabsado oo loo guntado danta guud.


Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta iyo wacyi galinta Faysal Cali Sheekh oo isna hadalo aad u qiimo badan shirka ka sheegay waxa uu ka waramay taabo galinta TV qaranka Somaliland oo sida aad wada ogsoontihiin xafladii lagu furaayey ay dhawaan ka dhacday dalkan Ingiriis ka gaar ahaan Magaalada London waxa uu kaloo sheegay in dhawaan ay TV kusoo kordhin doonaan waxyaalo cusub oo bulsha weynta Somaliland ay aad uga faaŽideysan doonaan sid asoo kalena aad dhawaan arki doontaan TV qaranka oo si toosa ama LIVE ah loo daawado, waxa kale oo uu sheegay Agaasimahu in ay la kulmeen intii uu joogay London qaar ka mid ah
madaxda dawladan dalka Ingiiriska ayna wax weyn nala qaban doonaan sida inay naga cawi naay furitaanka RADIO aanu dalka ka hirgalin doono iyo mareeg ama website dadka oo dhan ka dhexeeya,ugu danbeyntii waxa uu kula taliyey in TV qaranka la taageero oo guno la siiyo si uu u noqdo taabo gal.


Gudoomiyaha SSUK Cabdiraxmaan Aleel oo isna hadalo wax ku oola kulanka kasoo jeediyey a yaa sheegay in Somaliland ay marayso meel wacan oo SSUK ay aad ugu faraxsan tahay hor umarkaa,sheegayna in ururkoodani ay wax weyn ka qabteen horemarka xaga bulshada wa xa kale oo uu aad ugu amaanay odayaasha had iyo jeer marka dhibaato dhacda arimaha si
nabadgalyo ah ku dhameeya ugu danbeyntii waxa uu sheegay in ay u taagan yihiin ka shaq eynta arimaha Somaliland iyo iskuduubnaanta shacabka reer Somaliland iyo jiritaankaba.


Waxa dadkii ka hadlay oo aad u badnaa ay dhamaantoon usoo jeediyeen amaan wakiilka So maliland ee dalkan Ingiriiska Axmed Cumar Sangoore inuu isugu yeedho dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan qaarada Yurub, Waxa madasha sidaasoo kale hadalo waxa ku oola soo jeediyey dhamaan dadkii madasha joogay oo aad ugu faraxsanaa kulankan
sidaa soo kale waxa markii danbe la gudoonsiiyey qaar ka mid ah Wariyayaashii caanka ahaa ee uu ka mid ahaa Mijir Qaadi Maxamuud iyo Maxamuud Sheekh Dalmar waxa kale oo shahaa dooyin la gudoonsiiyey Wakiilka Somaliland iyo Agaasimaha Wasarada Warfaafinta.

Waxa marti sharafkii hadlay kaloo ka mid ahaaa. Yasmiin Abokor (SLWA), Gudoomiyaha TV Qaranka Cabdi Bacow, Siciid Xasan Shekeeye Gudoomiye ku xigeenka SSUK, Mijir Qaadi Maxa muud, Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar iyo qaarka mid ahaa odayashii marti sharafka ahaa oo qaar ka mid ahi ay ka yimaadeen dalalka dibada.

 

 



Xamse Axmed Salaan
London
hamse100@gmail.com