Wakiilada iyo Wacdarihii kala qabsaday Masuuliyiinta Maaliyada

 

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo hortegay fadhigii maanta ee Wakiillada, ayaa gebi ahaanba laga diiday in

goluhu wax su’aalo ah ka weydiiyo miisaaniyadda 2009, kooxdaas oo Wasiir Maaliyaddu u wakiishay su’aalaha mudanayaasha, waxaannu goluhu cod aqlabiyad ah ku meelmariyey in Md. Cawil uu horyimaad si isaga su’aalaha loo weydiiyo.

Fadhigii Wakiillada ee maanta oo loo ballansanaa in xildhibaannadu Wasiirka Maaliyadda weydiiyaan su’aalo la xidhiidha tabashooyin uga soo baxay odoraska miisaaniyadda, ayaan suurtogelin, kadib markii Md. Cawil ka baaqsaday inuu golaha hortago, isagoo hawshaas u wakiishay saraakiil ka tirsan wasaaraddiisa oo ka mid yihiin Wasiir-ku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo masuuliyiin kale, si ay uga jawaabaan su’aalihii isaga la weydiin lahaa. Haseyeeshee, waxa arrintaas waxba kama jiraan ka dhigay mudanayaasha oo sheegay in aanay aqbalayn in su’aalo ka weydiiyaan miisaaniyadda cid aan Wasiirka ahayn.

Markii fadhigu furmay ayaa Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku wargeliyey mudanayaasha inay marti u yihiin saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaaminayo Wasiir-ku-xigeenka oo wakiil ka ah Wasiir Cawil, kuwaas oo sheegay in Wasiirku safar ugu baxay magaalada Berbera, sidaa daraadeed iyaga xildhibaanadu iyaga weydiiyaan wixii su’aalo qabaan. Hase ahaatee waxay arrintaasi keentay buuq iyo sawaxan mudanayaashu ku kala aragti duwanaayeen, iyaga oo qaarkood ku doodayey in wasiirka ay u baahan yihiin, halka kuwo kalena u ololaynayeen in masuuliyiinta wasaaradda ka socday su’aalaha la weydiiyo.

Intaa kadib Guddoomiyaha Golaha Md. Cirro ayaa go’aansaday inuu dhawr mudane u ogolaado inay ka doodaan arrintaasi.

Xildhibaan Faarax Maxamed Cali oo ka tirsan mudanaasha xisbiga UDUB uga soo baxay Gobolka Togdheer oo ugu horreyn dooda bilaabay, ayaa waxa uu yidhi; “Waxa laga hadlayaa waa miisaaniyaddii qaranka, waxaana Wasaaradda Maaliyadda dalka uga masuul ah wasiirka, goluhuna wuxuu u yeedhay Wasiirka Maaliyadda ee halkan ka akhriyey miisaaniyadda, horena umay dhicin in wasiir-ku-xigeen la keeno, way mahadsan yihiin Wasiir-ku-xigeenka iyo saraakiisha kale ee wehelinaysaa, laakiin ummaddu waxay xaq u leedahay in ninkii dalkan loo dhaariyey inuu halkan yimaado oo wax laga weydiiyo, wixii kale waa buuq iyo qaylo.”

Xil. Axmed Ibraahim Daahir (Axmed-weyne) oo ka soo baxay xisbiga KULMIYE ayaa isna ku dooday, “Guddoomiye sidan aad sheegayso sharcigu wuu ogolyahay in ninka masuulka ahi cid kale soo dirto, laakiin waxa su’aalaha la doonayo in laga waydiiyo wasiirka waxa weeye khudbadii uu halkan ka jeediyey, nimankani waa farsamoyaqaano iyaga wixii loo baahdo ayaa la weydiin doonaa, wasiirka weeye ninkaynu u baahanahay in aynu khudbadiisii wax ka weydiino. Markaa waxaan soo jeedinayaa in miisaaniyadda aynu dedejinaa waa muhiim, ee aynu iska sugno oo berri dib inoogu riixa.

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil oo ka tirsan Mudanayaasha Xisbiga UDUB uga soo baxay Gobolka Togdheer oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa doodiisa ku bilaabay, “ Waa dhab in Wasiirku halkan ka akhriyey miisaaniyadda, kambani uu leeyahay xisaabtiisa muu akhriyin, miisaaniyaddana raggii sameeyey oo isaga uga aqoon badan baa meeshan jooga, iyaga ayaan xaq loogu leeyahay in wax laga weydiiyo.”

Xdilhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah mudanayaasha xisbiga UCID uga soo baxay Gobolka Hargeysa oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dooday, “ Run bay ahayd waxa loo yeedhay waxa uu ahaa Wasiirka Maaliyada, sharcigu waxa uu dhigayaa maadaama oo uu wasiirkii Maaliyaddu dalka gudihiisa joogo oo aanu ka maqnayn hawl qarana loogu yeedhay Golaha Wakiilada xil ka culus oo uu ku maqnaan karaa ma jirto, sidaa darted looma baahna cid kale oo mateli karta, maadaama uu dalka gudihiisa ku sugan yahay.”

Xildhibaan Xamse Gaada-weyne oo ka mid ah Mudanayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE uga soo baxay Gobolka Sool oo aragtidiisa ka dhiibtay arrintan ayaa waxa uu yidhi “U jeedadu maaha in Wasiir ku-xigeenka iyo raggan kale ee khubarada ah in la yaraysanayo, xaasha waanu naqaanaa dhamaantood, waa rag muxtarima oo aqoon leh wax alaale wixii la weydiiyana way ka jawaabi kaaran, balse meesha qodob baa ku jira , Wasiirku xaq uma laha inuu Berbera qabto isaga oo ogsoon inuu golahan la leeyahay ballan, waxa laga hadlayaana waa miisaaniyaddii ummadda, markaa waxa meesha ku jirta inuu Wasiirku ku mar-marsoodo Berbera ayaan tagayaa.”

Ugu dambayntii Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka mid ah mudanaayasha xisbiga UDUB ee Gobolka Maroodi-jeex, kana tirsanaa Golihii hore ee Wakiillada oo khibrad u leh, ayaa hadal kooban oo uu halkaa ka yidhi waxa uu u soo jeediyey Shirguddoonka, “Guddoomiye marka ay arrinta noocan oo kale ahi timaado adiga oo iga raali ah rayiyada la keenay inaad cod na geliso si loogu kala baxo arrintan oo loo qaato mudanayaashu fikirka ay u bataan weeye.”

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu go’aamiyey in labadaas aragtiyood ee mudanayaashu kala qabaan cod la geliyo, waxaana fadhiga joogay 45 mudane, kuwaas oo 27 ka mid ahi u codeeyeen in aan wax su’aalo ah la weydiin saraakiisha ka socotay Wasaaradda Maaliyadda, isla markaana loo yeedho Wasiirka, halka 15 mudane u codeeyeen firkaas hore mid ka soo horjeeda oo ah in aan Wasiirka loo yeedhin, 2 mudana way ka aamuseen. Sidaa daraadeed waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in la isku raacay in Wasiirka Maaliyaddu golaha horyimaad.

Fadhiga kadib ayaa warbaahintu warbaahintu wax ka weydiisay go’aanka goluhu qaatay Wasiir-ku-xigeenka Maaliyadda, waxaanu sheegay in aannu wax dhib ah u arag go’aankaasi, isla markaana goluhu uu xaq u leeyahay fikirkiisa.

“Walaahi barlamaanku iyaga ayaa arrintan xaq u leh ceebna maaha haddii ay dalbadeen inuu wasiirku horyimaado,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenku.
 

 



TogdheerNews