WAKHTIGA DOORASHADA SHACBIGU WUU QEYBSAMAA HASE YEESHEE SIYAASIGA FIICANI DIB BUU U MIDEEYAA QALINKII CALI XARUURI

 



Waa caadi in XUMMADDA doorashadu ay saameyn weyn ku yeelato dadweynaha
dhexdiisa oo siyaasiyiintu kala qeybiyaan shacbiga. Waxay cadiifaddaa siyaasadeed
ay muddo shaqeysaba oo ay heer gaadhaba ugu dambeyn marka la gaadho xilliga
NATIIJADA doorashada waxa sida SOODHAHA/XUMBADA iska soo gudha casabiyaddii
doorashada.

Waxaa arrintaa ka qeyb qaata oo dadweynihii isku soo jiidada dibna u mideeya
SIYAASIGA fiican ee waddaniga ah oo QANCIYA taageerayaashiisa, sababtoo ah
si kasta oo wax u dhacaanba waxa wax kasta ka muhiimsan QARANIMADA iyo
MIDNIMADA ummadda.

Waxaa mar walba muhiim ah in la xusuusnaado in TARTANKA macnihiisuba yahay in
la kala HADHO/BADIYO oo qaarna soo baxaan qaarna hadhaan. Haddii Tartamayaashu
arrinkaas Maankooda/Maskaxdooda geliyaan waxba ma xumaadaan.

maahmaah english ah baa tidhaa:
The best horse doesn't always win the race

Waa arrin la dareemi karo oo XAASAASI ah marka dhibco isku dhow dhow lagu
kala badiyo, hase yeeshee waxa habboon in mar walba DAMACA la xakameeyo
oo haddii natiijo soo baxdo lagu wado qanco.

Murti somaliyeedba tidhaa NIN baa lagu yidhi "HEBELOW inankaagii gartii waa laga helay",
NINKII baa ku werceliyey " oo inankeygii gartii ma qaatay?'' NINKII baa loogu jawaabay
"Haa inankaagii gartii wuu qaatay." NINKII markaasu yidhi "Wallee wuu igu bannaan
yahay".
 


Wa billaahi tawfiiq

Cali M. Adam (CALI XARUURI)