Madaxweyne Rayaale: Soo Guryo Noqos hadiisa ,Darxum adii Dadka Ee
Indhuhu Ku Basaaseen, Weji-Gabaxii Wax-Qabad
La’aanta Xukuumadiisa Iyo Isku Shaandhaynta Wasiiradiisa
Madaxweyne
Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay maq-ribkii wax-yar ka hor ku soo
guryo-noqday aqalka madaxtooyada ee caasumadda Hargeysa, ka dib ma
rkii uu muddo laba toddobaad ka badan socdaal ku galaabixiyey
degaamo aad u taf-dheer oo ka bilaabma xeebta galbeed ilaa hawdka
Togdheer, isagoo socod dhulka ku maray min Bulla-xaar ilaa
Balli-dhiig.
Sida ay rumaysan yihiin dad badan oo arimaha siyaasadda hoos u ogi
ujeedada socdaalka madaxweyne Rayaale uu buraashadda u dhaansaday
waxa uu nuxu rkeedu ahaa arimo siyaasadeed oo uu ugu
gogol-xaadhayey ololaha doorash ada soo fool leh,
hase yeeshee baahidiisii iyo baahidii uu
meesha ugu tegay aya a noqday Kaaf iyo
Kala-dheeri, waayo dadka uu u tegay waxay xaaladoodu ahayd “nafta
igu qabo”.
Madaxweyne Rayaale waxa uu muddo toddobaad ka badan ku sugnaa
gobolka Saaxil, isagoo jiho walba uga baxay gobolka Saaxil, hadii ay
tahay xeebta bari iyo hadii ay xeebta galbeed iyo hadii ay tahay
degaamada dhinaca oogadaba, ka dibna waxa uu uga gud-bay dhinaca
gobolka Togdheer, wuxuuna socdaal ku maray degaamo tiro badan oo ka
mid ah gobolka Togdheer, halkaas oo uu maalin socod iyo habeen-dhax
ku dhex-jibaaxay, isagoo socdaal ku maray dhul aanu intooda badan
arag, hadii ay jiraan qaar uu arkayna aanu garanayn goor ugu
dambaysay.
Madaxweyne Rayaale oo ay inta badan weheliyeen raxan ka mid ah
golihiisa wasiirada meel kasta oo uu tago si wanaagsan ayaa looga
soo dhowaynayey, aadna waa la isugu xilqaamayey, degma-kasta iyo
tuulo-kasta oo lagu yidhaahdo madaxweynihii baa idinku soo fool leh
ayey fadhiga ka kacayeen oo sooryo iyo soo dhowayn xaam-xaamanayeen.
Degaamada uu madaxweyne Rayaale booqday waxay u badnaayeen meelihii
wararka dhiilla-saarreenka leh looga keeni jiray ee lagu odhan jiray,
halkaa col iyo cadaawe ayaa jooga, hase yeeshee si xushmad iyo
qadderin leh ayaa meel walba looga soo dhoweeyey, wuxuuse madaxweyne
Rayaale u muuqday nin la kulmay sawir ka duwan kii uu markii hore
maskaxda ku hayey, waayo geed iyo gel-gellin meeshii uu istaagoba
waxa kaga soo butaacayey cabashooyin uu xammilli kari-waayey, kuwaas
oo nuxurkoodu ahaa wax qabad la’aanta xukuumadda uu madaxweynaha ka
yahay iyo dayaca nololeed ee haysta dadka meelahaa ku dhaqan.
Madaxweyne Rayaale waxa fir-kanax iyo weji-gabax aanu filanayn ku
noqotay heerka uu gaadhsiisan yahay wax-qabad la’aanta iyo xajmiga
maamul ee xukuumaddiisa. Tusaale ahaan meelaha uu socdaalka ku tegay
waxa ka mid ahaa ilaa tobbaneeyo magaalo oo dhamaantood ah meelihii
uu degmooyinka u magacaabay iyo qaarkood oo ka mid ah meelihii uu
gobollada u magacaabay, hase yeeshee arimaha uu kala kulmay waxa ka
mid ah, inaanay intooda badani lahayn, xafiis degmo, saldhig bilays,
rug caafimaad iyo xafiisyo shaqaynaya, sidaa darteed iska daa
adeegyo ijtimaaci ah oo la fuliyee waxay xukuumadda madaxweyne
Rayaale tahli kari-wayday inay xafiiskii maamulka ee degmada ama
gobolka ka shaqaysiiso ama ugu yaraan ka shaqaysiiso saldhig yar oo
bilays.
Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu indhihiisa ku soo arkay
busaaradda iyo darxumada dhinaca nolosha ee ka muuqda dadweynaha ku
dhaqan degaamada uu booqday, kuwaas oo ay abaarro riiq-dheerraaday
beriinsadeen, sidoo kale dadka ku dhaqan degaamada uu madaxweyne
Rayaale booqday waa dad ay noloshoodu ku xidhan tahay jeeniga
ceedhiin ee neefka, miyi iyo magaaloba, sidaa darteed waxyaalaha
xusuustooda horyimi ee ugu waaweyn ama ay uurka iska waydiinayeen
waxa ka mid ahaa, Carabkii Al-jaabiri ee kootada loogu xidhay iibka
xoolaha, taasina ay noqotay cuna-qabatayntii ugu xummayd ee abid soo
marta ganacsiga xoolaha.
Waxyaalaha kale ee uu madaxweyne Rayaale weji-gabaxa kala kulmay
waxa ka mid ahaa lacagta giinbaarta ah ee Burco ceegaagta, taas oo
ay reer Burco markiiba u qadimeen madaxweyne Rayaale, iyada (lacagta)
iyo xoolaha kootada loogu xidhay Al-jaabiri, iyadoo ay dadka reer
Burco ka dheregsan yihiin in dhaqaalihii lagu bedelli lahaa lacagta
giinbaarta Burco uu ugu yaraan saddexdii sannadood ee u dambeeyey ku
jiray miisaaniyadda dawladda, laakiin aan la garanayn meel uu ka
baxay dhaqaalahaasi, taasna waxay dad badani rumaysan yihiin inaanay
xukuumadda madaxweyne Rayaale dan iyo muraad toona ka lahayn
fuuq-baxa dhaqaale iyo dhibaatooyinka kale ee ay lacagtaasi ku hayso
dadweynaha ku dhaqan gobollada bari .
Dadka qaar baa rumaysan inaanu madaxweyne Rayaale socdaalka intaa
le’eg ku talaabsadeen hadii ay qaar ka mid ah ragga firfircoon ee
wasiiraddiisa ka mid ahi wadanka joogi lahaayeen.
“Hadii uu wasiirkiisa maaliyadda Cawil joogi lahaa waxaa filayaa
inaanu madaxweyne Rayaale u baxeen socdaalkan ay hortiisa yimaadeen
intaas oo fadeexad iyo weji-gabax ahi”, sidaa waxa yidhi qof ka mid
ah dadka faallada ka bixiyey socdaalka madaxweyne Rayaale.
Dad qaarkood, gaar ahaan dad ku sugan jiidaha uu madaxweyne Rayaale
booqday ayaa ku tilmaamay dareenkiisa inuu ahaa nin ku arbushmay
jawigii baahida badnaa ee uu la kulmay iyo diihaalkii nololeed ee
dadka, oo ay wax waliba ku noqdeen fir-kanax iyo sheeko aanu filayn.
Dabadeedna madaxweyne Rayaale markii uu ku haftay baahiyihii iyo
dhibaatooyinkii xad-dhaafka ahaa ee ay dadku ka dal-banayeen inuu
wax ka qabto, ayuu isaguna dhiniciisa ku asqaysiiyey ballan-qaadyo
kale oo tiro badan, iyagoo xusuusan inuu kuwiisii hore ee badnaaba
aanu wax ka qaban.
Sida ay wararka qaarkood tibaaxayaan madaxweyne Rayaale markii hore
ku tallo-galkiisu wuxuu ahaa inuu socdaalkiisa ku simo ilaa
gobollada Sool iyo Sanaag, hase yeeshee wuxuu ku daallay duruufaha
ba’an ee uu kala kulmay labada gobol ee uu booqday, isagoo aan wax
jawaab ah u hayn cabashada iyo baahida sida togagga ugu soo
rogmaaday, markaas ayuu is yidhi intan ayaabad aragtaaye meelaha ka
sii fog-fogna maxaad kala kulmi doontaa. Sidaa darteed ayuu Hargeysa
dib ugu soo noqday, si uu maalmona ugu yara nasto, iyadoo ay wararka
qaar leeyihiin wuxuu mar kale bilaabayaa socdaal uu ku tegayo
gobollada Sool iyo Sanaag iyo meelo kale. Hase yeeshee wararka
qaarkood ayaa tibaaxaya inuu madaxweyne Rayaale inta aanu bilaabin
socdaalkiisa dambe inuu wax ka bedel weyn ku samayn doono
xukuumadiisa, taas oo uu doonayo inuu wejiyo cusub dadka ka iibiyo,
oo uu ku micneeyo inay dawladda cusub ee uu dhisay wax ka qaban
doonto dhibaatooyinka sannadaha badan yaalley, hadii kale aanay
jirin wax uu la noqdaa, mase jiraan warar xaqiijinaya inuu
madaxweyne Rayaale sidaa yeelayo iyo inkale. Hase yeeshee hadii uu
madaxweyne Rayaale qaado talaabo caynkaas ah oo wax ka bedelka
xukuumaddiisa ah waxay taasi u egtahay inuu xanuun baabi’iye (Pain
killer) ka dhiganayo intaa.
Haatuf
|