Waftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Jaaliyada Ku Dhaqan Dalka Ireland

 


 


Dublin (TNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxmaed Maxmauud (Silaany o) iyo waftigii uu hoggaaminaayay ayaa kulan ballaadhan la qaatay Jaaliyada Somaliland eek u dhaq an Wadanka Ireland.

Madaxweynaha iyo Waftigiisa oo booqasho ku jooga dalka Ireland, waxay munaasibad ballaadhan la qaateen bulsho weynta Somaliland ee ku dhaqan dalka Jamhuuriyadda Ireland.Jaaliyada ku dhaqan dalka Ireland oo laga dheehanaayay jeelka Wadaniyadeed ee ay u qabaan Madaxda Somaliland la kul an keeda, waxaa kulan kaas ka soo qayb galay Dadweyne tiro badan oo isugu jira Waxgarad, Hawe en iyo dhalinyaraba.

Wasiirada Arrimaha Debadda, Warfaafinta, Caafimaadka iyo Madaxtooyadda oo Madaxweynaha ku wehelinaayay Safarka ayaa Jaaliyada hadalo u jeediyay, Waxayna ugu xogogaal warameen Xaalada dalkii hadda maraayo iyo Safarka Waftigu ku yimi Dalka Jamhuuriyada Ireland, kaas oo ay ku tilamaa meen in midho dhal fiican ay isla gadheen Dawladda Ireland.

Gebo Gebadii Xaflada Waxaa hadal ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axm ed Maxamed Maxmauud (Silaanyo) Madaxweynuhu wuxuu si weyn ugu mahad naqay soo dhawaynta ballaadhan ee ay Jaaliyada Ireland ku qaabileen Waftiga uu hoggaaminaayo.
Sidoo kale wuxuu Madaxweynaha Somaliland, sheegay inay dadaal ugu jiraan goob kastana u maraya an sidii Qaranka Somaliland u gaadhilahaa una helilaha aqoonsiga beesha Caalamka, wuxuuna Madax weyne Axmed Silaanyo ugu baaqay guud ahaan Shacbiga debadda ku dhaqan iyo kuwa gudaha dalkii joogaba inay isku duub nadaan una midoobaan danta dalkooda.

Madaxweynaha Somaliland iyo Waftigii uu hoggaaminayay oo maal mihii u danbeeyay ku sugnaa dalk a Ireland oo ay booqasho rasmiya ku jogeen, waxaa maanta u soo dhammaaday kulamadii kala duw anaa ee ay la lahayeen Madaxda Xukuumadda Ireland, waxaana la filayaa in Waftiga Madaxweynuhu uga sii gudbaan dalka Ireland dhinaca Waddanka Ingiriiska.

 

Muniir Axmed Cigaal
Weriyaha wefitiga Madaxweynanaha JSL