Waftigii iyo Oradyahanadii Kasocdey Somaliland Ee Ka Qayb Galley tartankii Oradka 21km{Hafe Maratonka} Ee Dhawaanta lagu qabtey Jabuuti oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtey Sibaaladhana Loosoo Dhaweeyey.....

 



Hargeysa (TNN)-Waftigii isku jirey Oradyahanada iyo masuuliyiintii kasocdey somaliland ee kaqayb galey tartankii oradka 21 km ee Lagu Qabtey jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey .

Wafigan oo ay 07/03/2011 ka dhoofey Garoonka Caalamiga ah Ee Egal ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay kalla ahaayeenAgaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhallinyarada Dhaqanka iyo Ciyaaraha Somaliland Md Mustafe Maxamuud Qodax,.Gudoomiyaha Hayada Wadaniga Ee ODHA Faadumo Siciid Ibraahim, Maareyaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye,Gudoomiyaha iyo kuxigeenka Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland Cumar ,Siciid Mire Iyo Xoghayana Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud iyo waliba Seddexda ciyaartoy ee somaliland uga qayb gellay tartankii oradka 21km[Hafe Maratonka}ee dhawaanka kaqabsoomey Dalka Jabuuti oo kalla ah Maxamed Maxamuud Maxamed ,Jimcaale Axmed, C/laahi Muuse Shaqalle ayaa Maanta kasoo dagey Garoonka Diyaaradaha Ee Egal.

Waftigan waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey oo kaga hortagey Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa Dadweyne farabadan oo ay horkacayeenWasiirka Wasaarada Dhallinyarada ,Dhaqanka iyo Ciyaaraha Somaliland ,Dallada Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO iyo Kooxda Dhaqanka Ee Ururka SOCSA .

Wafigan oo Abaaro 9 Subaxnimo Ee Saaka Kasoo dagey Garoonka Diyaaradaha Ee Egal ayaa waxaa ay qolka nasashada ee garoonka kula hadleen Warbaahinta iyagoo kaxogwaramey Tartankii Oradka 11/03/2011 Ay kaga qayb galeen dalka jabuuti kaasi oo ay Somaliland kaalin fiican ka gashey.

Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada .dhaqanka iyo ciyaaraha Somaliland Md Maxamed Ibraahim Madar Ayaa ugu horeyn waftiga uga mahad celiyey tartanka fiican ee ay kaqayb galeen Somaliland magaceedii sare ugu qaadeen waxaa wasiirku sheegey in wasaarad ahaa ay xooga sarayaan in laga qayb gallo dhamaan tartankasta oo kadhaca wadamada aynu xidhiidhka fican leenahey laynugu soo martqado.waxaa sawiirku ugu dambeyntii u maha dnaqey dhamaan dadkiiqaybqaatey Hirgellinta in tartankan laga qayb agllo oo ay ugu horeyso Marwo Faadumo Siciid Ibrahim..

Agaasimaha Dallada Dhallinyarada Somaliland Ee Sonyo Md Siciid Maxamed Axmed oo isna kahadley soo dhaweyntaasi ciyaartoyga ayaa sheegey iney aad ugu faraxsan yhiin kaqayb galka ay dhallinyaradaa ciyaartoyga ahi ay kaqayb galeen tartankaasi,ayna umahad naqayaan dhamaan dadkii gacanta kagaystey kaqyab galka tartankaasi waxaa siciid dhallinyarada kula dardaarmey iney xoojiyaan horumarin ciyaaraha kalla duwan.

Agaasimaha Wasaarada Dhallinyarada Dhaqanka iyo Ciyaaraha Somaliland Md Musafe Qodax oo isagu ugu horey kahadley Waftigii uu hogaaminaayey iyo socdaalkoodii jabuuti iyo waxay kalla soo kulmeen ayaa ugu horeyn waxaa uu mahad naq balaadhan u direy dadweynaha reer jabuuti iyo dawlada jabuuti oo sidiiran noogu soo dhaweeyey jabuuti .Md Qodax waa uu sheegey in aheyd markii ugu horeysey ee ay somaliland ka qayb gasho tartan oradka ah oo heer caalami ah Inamadii Somaliland U Ordaayeyna Ay Galeen Kaalmaha 13aad ,15aad .Agaasimaha W/dhallinyarada dhaqanka iyo ciyaaraha Md Mustafe ayaa sheegey in tartankan oo ay ka qayb galeen 72 ciyaaryahan ay somaliland kaalmo fiican kagashey.waxaanu agaasimuhu ugu dambeyntii u mahad naqey Jaaliyada Somaliland Ee Jabuuti iyo shacabka iyo dawlada jabuuti..

Mareeyaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo sidoo kale kahadashey safarkodii jabuuti ayaa umahad anqdey Madaxweynaha Jabuuti iyo dhamaan shacabka reer jabuuti sida fiican ee ay usoo dhaweeyeen .waxaaney Marwo Aamina sheegtey iney maanta sumcad balaadhan u tahey Somaliland iney kaqay galaan tartankaasi waxayna ugu dambeyntii umahad naqdey dhamaan ciyaartoygii kaqayb galey tartanka iyo dadkii kale ee gacanta ka gaystey ka qayb galid tartankaasi .

Gudoomiyaha Hayada Wadaniga ah Ee ODHA Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo laheyd fikirka ka qayb gellida tartankani ayaa waxay kawarbixisey safarkoogii jabuuti iyo tartankii balaadhnaa ee ay ciyaartoyga matalaayey Somaliland ay kaqayb galeen.

Waxay Marwo Faadumo Siciid sheegtey in ay aheyd tartan aad uqiimo leh o Somaliland u ahaa fursad aad ubalaadhan oo ay markii ugu horeysey kaga qayb gashey tartan caalami,

Marwo Faadumo Siciid waxay Umahad Naqdey dhamaan Dadkii ka qayb qaatey soo dahweyntood aiyo kaqayb galida tartankaasiba iyadoo sigaara ugu mahadnaqdey dadweynaha iyo dawlada reer jabuuti.iyo jaaliyada reer Somaliland ee jabuuti.

Gudoomiyaha Hayada ODHA Marwo Faadumo Waxay ugu baaqdey xukuumada iyo dadweynaha Somaliland in dhallinyarada kaalinta fiican ka aglley tartankaasi ee Somaliland magaceedii sare uqaadey iiney hiil iyo hooba agarab galaan oo ay taageeraan.

C/laahi Muuse oo kamid ahaa oradyahandii reer Somaliland ee kaqayb galley tartankaasi ayaa isaguna sheegey iney uaheyd fursad dahabiya oo ay Somaliland kaqayb agshey tartankaasi ,ayna rajeynayaa iney halkan iyo meel ksareysaba ay ciyaartoyga Somaliland agadhi doonaan.

Waxaanu C/laahi umahad naqey dhamaan dadkii kalla duwanaa ee kasooqaybqaatey sood ka qayb galida tartankaasi waxanu sigaara ugu mahad naqey Marwo Faadumo Siciid oo laheyd fikirka tartankaasi ay Somaliland ka gashey.

Soodhawynta baladhan ee loosameeyey saaka waftigan Ciyaartoyga iyo masuuliyiintaba isku jirey ayaa aheyd mid aad u balaadhneyd waxay tani kadambeysey kadib markii waftigani ay ciyaartoyga mataalaayey Somaliland ay kaga qayb galeen dalka jabuuti tartanka 21km ee oradka oo ay kasoo qayb galeen wadamao badan oo Afrika ahi..


Axmed Maxamed Shaqalle

Shaqale_88@hotmail.com

Hargeysa Somaliland