Waftiga
balaadhan oo u hogaaminaayo G/Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada
JSL C/Casiis Maxamed Samaale oo booqday
Allaybaday
Waftiga booqday Allaybaday ee uu
hogaaminaayo G/Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada JSL C/Casiis
Maxamed Samaale waxa ku wahelinaayay masuuliyiin sare uu ka mid
yahay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Duulista hawada Amed Cumar
Cagadable , Maayar kuxigeenka degmada Gabiley Khadra X Gaydh iyo
Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Gabiley C/risaaq Sh Aadan Cali waxayna
ujeedada safarkoodu la xidhiidhay laba arimood oo kala ah qiimaynta
dab shalay qabsaday Maherado ku yaala badhtamaha magaalada
Allaybaday oo khasaare wayni kasoo gaadhay ganacsatadii maheradaha
ku lahayd iyo dhismayaashii meheradahaasi kuyaaleen iyo olole
balaadhan oo ay dadka deegaanka degmada allaybaday kuwacyigalinayeen
sidii ay ugu diyaargaroobi lahaayeen diiwaangalinta.
Waftigaasi waxa ay soo mareen tuulooyinka hoos yimaada Degmada
allaybaday waxaanay dadwaynaha deegaanadaasi ku nool kala hadleen
meelo fagaarayaal ah waxaanay u sharaxeen faaidada ay diwaangalinta
iyo kaadhka muwaadinimadu ay u leeyihiin,iyagoo dadka u sheegay in
ay usoo baxaan oo ay qaataan labada kaadh ee lasiin doono si ay ugu
codeeyaan doorashooyinka soosocda .
Markii ay soo gaadheen Xarunta Degmada Allaybaday waxa ay booqdeen
goobtii shalay dabku qabsaday waxaanay indha-indheeyeen baaxada uu
leegyahay khasaarihii shalay uu dhaliyay dabkii qabsaday Meherado
Ganacsi oo gaadhaya 14 maheradood kuwaasi oo dhamaantood shufbeelay
wixii hanto hoos taalayna ay ku baaba’day.
Gudoomiyaha degmada Allaybaday warbixin uu waftiga goobtaasi
kusiiyay waxa uu ku sheegay khasaaraha goobtaasi ka dhacay in ay
degmo ahaan ku qiyaaseen lacag gaadhaysa 480200 dollarka maraykanka
ah waxaanu baaq usoo jeediyay in la caawiyo loona gargaaro dadka
khasaarahaasi soo gaadhay oo dhibaato wayni haysato .
Gudoomiye kuxigeenka golaha wakiilada JSL C/casiis Maxamed Samaale
iyo Wasiir kuxigeenka oo dadwaynaha allaybaday kala hadlay burburkii
goobta uu dabku qabsaday ayaa dadwaynaha ka tacsiyadeeyay
khasaarahaasi soo gaadhay waxayna u balan qaadeen in ay gaadhsiin
doonaan baaq caalamiya Hay’adaha iyo Xukuumada somaliland si wax
loogala qabto khasaaraha soo gaadhay ganacsatadaas, sidoo kale waxa
ay dadwaynaha ku wacyigaliyeen in ay usoo baxaan diiwaangalinta .
Ismaaciil Cabdi Hilqad
Allaybaday
|