Wafti Wasiirro ah oo Maanta Dhagax Dhigay Dhismaha Bi riijka iyo Dooxa Wayn ee Dumiyay Xabaalaha Maga alada Arabsiyo oo Madaxwaynuhu Damaanad Qaaday Fulintiisa.

 

 


Wasiiradda Madaxtooyada, Maaliyada iyo Waxbarashada ayaa si wada jir ah uga Qayb qa atay..... Daawo Sawiradda


Arabsiyo (TNN)- Wafti Balaadhn oo uu Hogaaminayo wasiirka wasaarada Maaliyada somalil and C/casiis Maxamed Samaale oo ay wehelinayaan Wasiirka wasaarada waxbarashada So maliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi X.Cali Xasan ayaa Maanta Dhagax dhigay Dayr Biyo Xidheen ah oo Biyaha lagaga hor joogsanayo Xabaalaha Magaalada Arabsiyo ee Dooxu Baabiiyay.

waftigani ayaa Saaka soo gaadhay magaalada arabsiyo si ay uga qayb galaan xaflada lagu dhagax dhigayey dayr balaadhan oo lagu sameynayo xabaalaha doox magaalada Arabsiyo oo mudooyinkii ugu danbeeyayba Qayladhaantiisu socotay, horena madaxwayne Siilaanyo iyo Waftiyo ka Socda xukuumadiisu kormeero ugu soo mareen.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadley Badhasaabka gobolka gabiley Axmed cali nuur sh.maxamed,waxaanu waftiga si diiran ugu soo Dhaweeyey gobolka gabiley isaga oo ka warbixiyey xaalada guud ee uu Ku sugan yahay gobolku mahadnaqna ujeediyey Madaxweyne Siilaanyo. waxaana hadaladiisii ka mid ahaa‘’ mashruucan maanta ay bilaabayno wuxuu noqdoonaa Mid qiime weyn yeesha,dadweynaha gobolka gabileyna aad bay usoo Dhaweynayaa waayo mudo badan loogu soo hawlanaa oo aanu Sugayney. dayrkani waxa uu daryeelayaa xabaalihii hore oo maydadkii Uu daadku banaanka keeney, oo iilalkiiiyo lafihii dadku wada Muuqdaan,marlabaadna inuu daryeelo iskuulka hoose dhexe ee Arabsiyo ‘’

Waxa kale oo halkaasi ka hadley maayarka magaalada gabiley shucayb Maxamed muuse oo aad ugu mahad naqay madaxweynaha somaliland Axmed maxamed maxamuud (Siilaanyo) sida uu marwalaba iskaga xilsaaro Baahiya muuqda ee ka jira Gobolka Gabiley oo ah Gobolkii uu Codadka badan ka helay wakhtigii Doorashada madaxtooyada iyo Deegaankaba,Maayar Shucabay waxa kale oo uu umahad celiyey waftiga wasiirada ah ee Booqashada ku yimid gobolka gabiley,waxaanu maayerku ku dheeraadey sida ay ugu baahnaayeen sidii waxa looga qaban lahaa dooxan oo dhibaato laxaad leh ugaystay Xabaabaha iyo dugsiga la jaarka ahba.

wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland marwo samsam cabdi aadan oo iyaduna halkaasi hadal kooban ka jeedisay ayaa ku dheeraatey inay Aad ugu dadaalayeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen xabaalaha Daadku qaado oo ay aad uga damqadeen iyada iyo marwada Madaxweyanaha Aamina Waris. waxaan hadaladeedii ka mid ahaa ‘’runtii hawshani waa hawl cusub oo u baahan in gacamaha la is Qabasado oo wada jir lagu dhameeyo hadii illaahay yidhaahdo aan guul Ku dhameyno,oo aynu waxa ka qabano beeraha,wadada iyo Xabaalahaasi si daadka soo socda looga qabto,waxaan rajaynayaa in Hawshaasi bilaabantey reer arabsiyo iyo reer gabileyba ay ka qayba Qataan dhismahaasi’’

wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji xasan ayaa isaguna maamulka gobolka gabiley uga mahad celiyey soo Dhaweynta diiran ee loo sameeyey watiga waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ‘’aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inay maanta inoo dhabowdey Mashruucii uu madaxweynuhu balanqaadey ee uu nagu Amrey inaanuu Halkan ka fulino,oo aan ka qayb qadano sidii loo joojin lahaa Xabaalahaasi dumaya. runtii haddii ay sidaa ku sii socotana ciqaabteeda leh, oo uu baabuurtii xayiro, inlooga sameeyon qorshihii biyahaasi lagu Jooojin lahaa,runtiina waa mashruuc adag hadda madaxweynuhu uu ka Dabaashay sidii u daboolo baahida halkaas taala,dadweynaha reer Gabileyna haka qayb qaataan ‘’

Gabogabdii waxaa xafladaasi dhagax dhig ah soo afmeerey wasiirka Wasaarada maaliyada somaliland c/casiis maxamed samaale,waxaanu Sheegay inuu u mahadcelinayo madaxweynaha somalilnd oo amarkiisi
bixiyey waxaanu yidhi’’ inbadan ayey dadweynaha reer arabsiyo tabayeen ina xabalahaas wax laga qabto,waxaan umahad naqayaa madaxweynaha somaliland oo lacagta ku baxaysa bixinaya, anaga noo xilsaarey hawshaasi dhaqaajinteenda iyo dabo galkeeda,wasiirka waxbarashada iyo wasiirka madaxtooyada oo qayb libaaxleh ka qaatey hawshaasina way mahadasan yihiin, waxaan rajaynayaa mashruucaasi inuu noqdo mashruuc gobolka iyo degmadaba wax uqabta,dadweynaha gobolka daganna waxaan leeyahay gacmaha isqabsada oo ka shaqeeya horumarka gobolka ’’ ayuu yidhi Wasiir Samaale

Mashruucan ayaa haddii uu Guul ku dhamaado noqon doono kii ugu horeeyay ee ay si Rasmi ah Xukuumadda Dhexe uga Fuliso Gobolka Gabiley iyada oo Dhibaato ba'ani ka haystay Baabuurta iyo Dadwaynaha kale ee magaalada Arabsiyo.
 


Cabdiraxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Arabsiyo,Somaliland