Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminaayo Safiirka Somaliland Ee South Africa Oo Saaka Booqasho kuyimid Somaliland Iyo Booqashadoodii Xarunta Hayada Wadaniga ah Ee ODHA…..

 


Hargeysa (TNN)-Wafti balaadhan oo uu horkacaayey safiirka Somaliland u fadhiya dalka South Africa Prof Iqbal Jhazbhay oo ay weheliyaan xubno kasocdey waasarada Arimaha Dibadda Ee South Afrika Ayaa Maanta kasoo dagey garoonka Diayaaradaha ee Egal Internationla Airport Ee Magaalada hargeysa. Waftigani uu  Hogaamina ayey Iqbal Jhazbhay Oo ah Aqoonyahan South African ah oo mudooyinkii ugu dambeeyeyba ahaa sxb ay  Som aliland ku leedahey dunnida gaar haan South Afrika Qorey Buug iyo qoraaalo kalla duwan oo uu kaga hadlaayo Somaliland ayaa waxay booqasho kutageen xafiiska hayada wadaniga ah ee ODHA,iyo Xarunta ciyaaraha ee Safari centerka Hayada ODHA,Waxaa safiirka iyo waftigiisan si diiran ugu dhaweeyey xarunta hayada  ODHA ,Masuuliyiinta Hayada Wadaniga ah Ee ODHA Oo Hurmood ka aheyd Gudoomiyaha Hayada ODHA Marwo  Faadu mo Siciid Ibraahim, iyo shaqaalaha xafiiska iyo xarunta ciyaaraha iyo dhallinyarada ee Hayada ODHA .waxay gudoomiyaha hayada ODHA Marwo Faadumo Siciid Ibraahim ay Iqbal Jhazbhay iyo waftiga uu hogaaminaaaye y ba soo marisey qaybaha kalla duwan ee xafiiska hayada ODHA,Xarunta Dhallinyarad iyo ciyaaraha Ee  ODHA ,Waxayna waftigu soo arkeen qayb aha kala duwan ee xarunta sida qaybta ciyaaraha fudud ee jimicsiga,oo ay kamuuqdeen qalabyo kalla duwan oo loogu tallo galley jimicsiga,qaybta labka computerada ee internetka  ,qa ybta Lapka Buugaagta oo ay yaaleen buugaag kalla duwani,qaybta nashashada iyo qaybo kalla duwan.

Waxaaa gudoomiyaha Hayada ODHA Marwo Faadumo Siciid Ibraahim ay waftiga uga xogwarantey hawlaah  ka lla duwan ee ay qabtaan Hayada ODHA,Waxayna Faadumo Siciid Sheegtey in ODHA Barnaamijyo kalla duwan Oo Horumarka Bulshada ah ay qabato,sida iyagoo kugu dajira yagleelka xarun lagu daryeelo caruurta  darb ijiifka ah,sidoo kalle waxaayabaha ay Odha Mudooyinkii ugu dambeeyey ay qabateywaxaa kamid ahaa Tartankii Hafe Maratonka ee 20/01/2011 ay hayadu u qabatey in kabadan 180 dhallinyarao somaliland oo oo ka kalla socdey gobolada somaliland tartanakasi oo noqdey kii ugu abaal marinaha sareeyey uguna xiisaha badnaa ee somaliland kadhaca.waxaana gabogabadii tartankaasi soo baxay seddex oradyan oo noqdey oradyahano heer qaran ah oo matali doono Somaliland Tartanka Orodka Hafe Maratonka Ee Bisha Marchka ka qabsoomi doona Dalka Jabuuti}ayey tidhi Marwo faadumo Siciid.

Waxaana Prof Iqbal Iyo Waftigiisu ay aad ugu bogeen Gudoomiyaha Hayada ODHA IYO Dadaalka dheer ee ay ugu jirto horumarinta bulshada somaliland waxaa sidoo kalle waftigu isla goobta ay ku arkeen iyagoo kugu  da jira Maalmihii Tabobarka Seddexdii orodyahan ee ugu sareeyey Tartankii Hafe Maratonka Ee Dhawaan laqabtey kuwaasi oo maanta ay u aheyd maalintodii 6aad Ee Ay kujiraan Tabobarka ay ugu diyaargoroobayaan  Tartan ka Hafe amaratonka ee jabuuti kadhici doono iyadoo ay Hayada ODHA Ay muddadaa Tabobarka ay xaruntooda ku tabobaran doonaan orad yahanadu iyadoo sidoo kalle mudadaa tabobarka ay qaadan doonoo orad fudud iyo cunto dheelitiran oo loogu talal glay oradyahanada.. seexan doonana goobo loogu diyaariyey xaruntaasi.

Waftigan oo ah kii ugu balaadhnaa ee ka socda dalka South Afrika Ayaa Gabagabadii booqashadooda maanat ee xafisika hayada ODHA ,Balanqaadey iney wada shaqeyn iyo xidhidh fiican yeelan doonaa ODHA ,Kuna soo taageeri doonoo qalab iyo buugaagaba wixii ay u helaan si loo horumariyo xarunta oo kamid ah xarumaha fara kutiriska ah ee kuyaaala Somalland…





Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland