Wafti Balaadhan oo uu Hogaamayo Wasiirka Arimaha Dibada S omaliland oo Kormeer ku soo Maray Dhismeyaasha Cusub ee Dawlada hoose ka hirgalisay Gabiley, kulanna la yeeshay Maayarka Gabiley.

 

 


Waftiga Wasiirada ayaa si wayn ugu Riyaaqay Waxqabad ka Maayarka Gabiley ku soo dhawaysay
Daawo Sawiradda

 


Gabiley (TNN)-Wafti balaadhan oo uu Hogaaminay Wasiirka Arimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr.Maxamed C/laahi Cumar oo ka kooban Afar Wasiir oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Qorshay nta Qaranka Dr.Sacad Cali Shire, Wasiirka Ganacsiga C/risaaq Khaliif, Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole) ayaa kormeer ku soo maray Xarunta Dawlada hoose ee Degmada Gabiley, halkaasi oo ay ku soo dhawaysay Maayarka Gabiley Marwo Kayhadra X.Ismaaciil Yoonis.

Maayarka Gabiley Marwo Khadra X.Gaydh ayaa Waftiga soo marisay goobo Badan oo ay Wax ka qa batay intii ay Xilka haysay kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Dhismaha Dawlada hoose ee ay ka hirgali say Gabiley iyo Cagafyada Beeraha ee ay dib u habaynta ku samaysay. Maayar khadra ayaa Warbi xin halkaasi ku siisay Waftiga taasi oo ay si kooban uga warrantahay hwaxqabadkeedii seddexda bil ood ee ay joogtay degmada iyo Qorshayaasha ay hadda Gacanta ku hayso.

Marwo Khadra waxay ku dheeraatay isbedelka ay ku talaabsatay intii ay gabiley Xilka maayarnimo ka haysay iyada oo sheegtay in ay fulinayso balan qaadyadii kulmiye ee Wakhtigii doorashada, sidoo kale waxay Amaan usoo jeedisay Dadwaynaha reer gabiley oo ay sheegtay inay Marwalba garab taaganyihiin oo aanay la,aantood waxba u qabsoomeen.

Badhasaabka Gobolka Gabiley Cali Aw Aadan Meecaad oo isaguna kulankaasi ka hadlay ayaa sheeg ay in Gobolku yahay Gobolada ugu khayraadka badan, kaasi oo uu xusay in waxyaabo badan ay ka maqanyihiin oo tabayaan sida Wasaaradihii Dawliga ahaa oo Gobolku yeesho, Wasaarad walibana Xafiis ka hirgaliso.

Wasiirka Arimaha dibada Dr.maxamed C/laahi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu hambalyaynayaan Maayarka Gabiley Mudadii yarayd ee ay joogtay waxyaabihii u qabsoomay, isaga oo balan qaaday in ay Tabashooyinkaasi Cidii ku haboon u gudbindoonaan waxwayna laga qab an doono wakhti dhaw.

Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Geedoole ayaa isaguna sheegay in gabiley tahay Gobolka ugu beeraha badan, Wasaaradiisuna Ahmiyada koowaad siiso wakhti walba.

Waftiga Wasiirada ayaa si wayn ugu Riyaaqay Waxqabad ka Maayarka Gabiley ku soo dhawaysay iyaga oo xusay in maamulka Golaha deegaanku ku amaananyahay Horumarka ay ku talaabsadeen, waxaanay sheegeen in ay gudbin doonaan fariinta badhasaabka Wasaaradaha ay khusayso ka hawl gali doonaan Gobol ahaan wixii tabasho ah ee jira.


 


Mustafe C/kariin Cali
(Mustafe Future)
Timacade News Reporter
Gabiley Office
mccfuture@hotmail.com