Wafti balaadhan oo ka socda dalka Fransiiska oo Somaliland Booqasho ku yimid

 


Wax maanta soo gaadhay dalka wafti balaadhan oo ka socda dalka Faransiiska, waftigaasi oo ka soo degay garoonka diyaardaha ee Egail Intranational Airport ee magaalada Hargaysa waxa gegdaasi ku soo dhaweeyay wasiiro ka tirsan xukumada Somaliland iyo madax kale oo fara badan.

Waftigani ma aha kii ugu horeeyay ee ka socda dalka Faransiiska tan iyo intii uu madaxweyyne Rayaale booqdauy dalka Faransiiska lakiin waxa dhawaan iyana dalka yimid laba wafti oo kal danbeeyay oo ka socday dalka Faransiiska.

Bangiga sadexaad ee ugu balaadhan dalka Faransiiska ayaa dhwaan ku dhawaaqay in ay bank-ka furanayaan magaalada Hargaysa, iyada oo wasaarada maaliyada ee Somaliland dhawaan saxaafda caalmka u sheegtay in dalkeeda ay yimaadaan dadka qurba jooga ah ee reer Somaliland oo sanadkii walba ay soo galaan kana noqdaan dad lagu qiyaasaayo boqlaal kun, kuwaasi oo badidoodu isticmaali lahaa VISA CARD, iyo iyada oo ganacsatda Somaliland ay aad u badanyihiin markaasi ay iyaguna isticmaali karaan adeegyada bangiyada caalamiga ah hadii dalka ay yimaadaan sida kan Faransiiska oo kale iyo kuwa la midka ahiba, sidoo kale waxa dalka yimaada dalxiisayaal shisheeye ah iyo ganacsato ajaanab ah oo iyana ay faa'iido u noqonayso bank caalmi ah oo laga hirgaliyo dalka.

Sida ay doontaba ha ahaatee ilaa hada lama shaacinin waxa uu waftigani u socdo iyo ujeedada socdaalkooda lakiin waa waftigii sadexaad ee dalka yimaada mudo 6 bilood gudahood ah, waxana waftigaasi la dajiyay Hotel-mansoor oo la sheegay in ay xagaasi kula hadli doonaan saxaafda.
 

 


Somalilandnation