Wafdigii Gudoomiye Ciro oo soo gaadhay London

 



Waxaa goordhaweyd ka soo degay gegada diyaaradah eecaalamiga ah Heathrow Airport . Wefdi balaadhan oo uu hogaaminaya Gudoomiyaha golaha wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Isla markaasna ah Musharaxa jagada Madaxweynaha . Wefdigan oo Ujeedada socdaalkoodu yahay marti qaaday ay Ka heleen dawlada Ingriiska kulamana ay kula yeelan doonaan Chacham House oo ah guriga looga arimiyo siyaasada arimaha dibada ee dalkan UK.
Sidoo kale waxay wefdigani u socdaan xaalada gurmadka Abaaraha baahsan ee dalkeenii halakeeyay oo ay caalamka Iyo Jaliyada Somaliland ba qaadhaan u weydiinayaan sidii dadkaasi loogu gurman lahaa.
Ugu dambeyntii waxay la kulmi doonaan madaxdani masuuliyiinta Jaliyada Somaliland Iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani .
Wixii war ah ee wefdigaas Gudoomiyaha Iyo hawl maalmeedkiisa inta uu joogo dalkan Ingriiska waxaad kala socon doontaan war baahinta Xisbiga Waddani Uk.
 


Mataan M Omar

Xoghayaha warbaahinta Waddani UK.
Sheffield