Wafdi Balaran oo u Hogaminayo Murashaxa Madaxwaynaha Jamaal Cali Xuseen oo Soo Gadhay Uk


 


London (TNN)-Wafdi Balaran oo uu Hogaminayo Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid Jamal Cali Xuseen Ayaa goor dhawayd soo garay caasimada wadanka uk ee london wafdigan oo ay soo dh aweyeen jaaliyada reer somaliland ee uk .Wafitagan aya waxa ka mid ahaa gudoomiyaha xisbiga ucid Faysal Cali Warabe xoghayaha Maliyada Marwo Fadumo Siciid iyo xubno ka tirsan xisbiga ucid waxa kale oo ka hortagay xoghaya xisbiga ucid kayse gurey ,gudoomiyaha uk Mohamed jamac k odbuur shiine Siciid Jamac Xoghayaha Xiriirka Dibada iyo Saynab Xaaji Gaydh Xoghayaha Qarada Yurub ee Xisbiga Ucid Xoghayaha Waxbarashada Foosi xaji Yusuf iyo Xoghayaha Siysada Abokor Maxamed Ismaciil iyo Garabka Haweenka Nuura iyo Amran oo iska xil saray soo dhawayntan oo ah ayd mid aad u saraysay . Wafdiga aya Bari ka Qayb Galaya Xaflad aad u balaran oo ay soo qaban qabiyey tageerayasha xisbiga ucid ee uk xafladan oo noqonaysa tii u horaysa oo xisbi siyasded ku qabsado iyada oo la filayo maalinta Axada 23/9/2012 logu qaban doono xaflad kale oo tageerayas ha reer biristo ku soo dhawaynayaan.

halkan ka aqriso goobta xafladahu


Maalinta :Sabtida
Taarikhda :22/9/2012
Saacada: 07:00PM-1AM
Goobta: Copland Community School
Cecil Avenue
Wembley, HA9 7DU
Buses:18,182,79,204,224,206,223,92,83,297
Train: Wembley Park & Wembley Central
Waxii Faahfahin ah Kala Xadhiidh : Saynab Xaaji Gaydh 00447507691986
Maxamed Jama Koodbuur (Shiine):07958
 


Biristol

Maalinta :Axda
Tariikhda:23/9/2012
Trinity Community Arts Ltd
Trinity Centre
Trinity Road
Easton (opp Police Stiton)
Biristol BS2 0NW
Kala sii xidhiidh Abdilaahi Maxamed Axmed (Mahabe) 07535104902
07415362001
 

 


Xafiiska Wararka Ucid Media
Uk London