WADDANI TORONTO : ISNIIN MADOW “BLACK MONDAY” 11TH MAY,2015

 


Maanta oo taariikhdu tahay 11th May,2015, waxay ku astaysantahay ISNIIN MADOW “BL ACK MONAY “ .Waa maalin loogu tallo galay in god madow lagu rido nidaamkii dimuqraadiga ahaa , laguna bedello hab beeleed. Waa maalin loogu tallo galay in Somaliland la geliyo kha l-khal siyaasadeed , burbur dhaqaale iyo xasilooni daro.
 
Maanta waxa la laalay go’aanki Guddiga Doorashooyinka Qaranka. Waxa lagu beddelay mu ddo kordhin xaaraan ah oo baalmarsan shuruucda iyo distoorka dalka , waxaana loo adeeg saday awood ciidan iyo hanti qaran.
Maanta waxa albaabada loo xidhay dhamaan xafiisyadda Xisbigga WADDANI min heer deg mo ilaa heer gobol. Waxa xabsiga loo taxaabay in ka badan lixdan mas’ool oo oo ay ku jira an lamanayaal isqabaa “ spouses “. Awood ciidan iyo xukun qarqoosh la adeegsada waxay astaan u yaheen talis ciirciirayaa oo cimrigeesi dhamaaday.
Hadaba waxaanu bulshada Somaliland ugu bushaaraynaa inaanay talaabooyinkaasi waxba u dhimaynin nidaamka dimuqraadiga aha ee Somaliland ku caano maashay ,rabitaanka sha cbiguna oo ka awood badan yahay cabudhin, cago-juglayn iyo ciidan la adeegsado.

 


WA BILAAHI TOWFIIQ.
PROF. ALI SUGAAL, AFHAYEENKA WADDANI ,TORONTO