Wadanka Imaaraadka Carabta oo la Sheegay inay Martiqaad u Fidiyeen Madaxweynaha Somaliland

 


Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo ka Xogwaray Natiijadda Socdaal uu ku Joogo Dalka Im aaraadka Carabta


Dubai (TNN)- Wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa ka  xog wa ray socdaal oo muddooyinkii u dambeeyey ku joogay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo  kula mo kala duwan oo uu la yeeshay masuuliyiin ka tirsan Imaaraadka, iyada oo la sheegay in dalka  Im aaraadku martiqaad u fidiyey madaxweyne Siilaanyo.

Wasiirka macdanta iyo biyaha oo 27 jsnusry 2011 magaaladda Dubai kulan kula yeeshay jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadanka Imaaraatka Carabta, ayaa ka hadlay hawlihii uga  qabsoom ay intii u safarka ku joogay wadanka Imaaraadka, wuxuu warbixin kooban ka bixiyey wixii uga  qab soomay safarkiisii.

Md. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa sida lagu baahiyey shabakada wararka ee Ramaasnews, wuxuu sheegay in uu kulamo la yeeshay Shuyuukh iyo masuuliyiin badan oo ka tirsan Dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta oo ay ka mid ahaayeen hay’adaha gargaarka sida: Bisha Cas ee Imaaraatka iyo Hay’adda Skeikh Khalifa ee Samafalka iyo kuwo kaleba.

Waxa uu wasiirku u sharxay masuuliyaanta Imaaraatka abaaraha iyo biyo la’aanta ka taagan  Som aliland, isaga oo adeegsanaya warbixino cilmiyeysan oo qeexaya xaalada abaaraha.

Waxaa kale oo uu usoo bandhigay wasiirku masuuliintaas fursadaha ganacsiga iyo maalgashiga ee ka jira soomaaliland.

Xukuumada Imaaraadku waxa ay ka aqbashay wasiirka, in loo fidiyo marti qaad rasmi ah  Madaxwe ynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, iyada oo sida la filayo wasiirka macdanta iyo biyuhu dalka dib ugu soo laaban doono maalinta Isniinta.

Booqashadan wasiirka ayaa ahayd mid ay Jaaliyada Reer Somaliland aad ugu diirsatay, marka la e ego guulaha ka soo hoyday socdaalkiisa, iyada oo ay u arkaan guulweyn oo u soo hoyatay  Som aliland. Marka la eego maqaamka sare ee lagu qaabilay wasiirka, taas oo muujinaysa sida ay  dawl ada Imaaraadku u danaynayso arimaha Somaliland iyo xidhiidh dhex mara labada wadan ee walaalaha ah.

Source: Jamhuuriya Online