WADANIYADU YAANAY KU LUMIN HIRDANKA DOORASHADA

Wadiniyiinta Somaliland,saxaafada iyo inta lexo jeclo ka
hayso dadka iyo dalka Somaliland waxan u dirayaa salaanta
islaamka.

Waxan hore uga hadlay muwaadiniyiintu inay leedahay
awooda diiwaan gelinta iyo codbixinta doorashooyinka,
waana labada jeer ee ay go´aanku gacantooda ku jiro.

Maantana waxan ku eegi doonaa qormadan habsocodka
diiwaan gelinta oo wadaniyiintu ka baxiyeen cabashooyin
iyo sidii looga gudbi lahaa.

Habkan diiwaan gelintu waa hab dalka ku cusub,dadkuna
aad u fahmsanayn,guddida doorashooyinka qarankuna habka
ay u dejiyeen inuu diiwaan gelintu ku hirgalo waa hab baal
maarsan heerka faham ee wadaniyiinta gaar ahaan intooda
aan nasiibka u helin inay wax qoraan,akhriyaana.

Waxa kale oo dhibi ka joogtaa shaqaalaha gudida doorashadu isoo xushay inay hawshaa diiwaan gelinta fuliyaan oon khibrad hore u lahayn hawsha iyo deegaanada ay ka fulinayaan
wadaniyiinta ku nool oo tuhun soo kala dhex galay.

Taasi waxay dhalisay inay wadiniyiinta ku nool waqooyiga
gobolka maroodi-jeex,awdal,sanaag iyo togdheer ay cabashooyin xoogan ka muujiyeen,ha ahaato habka uu u socdo ama shaqaalahaba ha noqotee.Waxa soo raaca iyadoo ay qirteen
gudida doorashooyinka qaranku inay saxaafada Somaliland
aanay ka qayb gelin hawsha balse si qaldan ay uga qayb
geliyeen shabakad ka mid ahay dalka aynu jaarka nahay ee
Somaliya.

Hadaba wadaniyiinta waxan ku boorinayaa inay culayska
saaraan siday isu diiwaan gelin lahaayeen,si ay xalaal
kuugu noqoto Somalilander-ka aynu sheeganayno,kagana
duwanaatid dadyawga kale ee dalka soo galay,kugulana
nool dalka.

Taasi waa talaabada ugu horaysa kol hadii aanu maanta jirin hab dawali ah oo lagu garan karo wadaniyiinta Somaliland marka laga tago hab beeleedka.

Marka labaad,waa diyaarinta wadaniyiinta doorashooyinka
soo socda siinaya xaqa codaynta,sida dadayawga kale ee
aduunku u codeeyo.Sidaa darteed hadii ay shacabka Somaliland
doonayaan inay horumar ka sameeyaan dhinaca habsocodka
dawlad ku dhisan dimuqraadiyad waa innagu waajib inaynu
hirgelino diiwaan gelinta wadaniyiinta,arrinkaasina gacanta
wadaniga ayay gacanta ugu jirtaa ee maaha mid dawlad
gacanta ugu jirta,awoodeedana wadaniga ayaa iska leh.

Waxa hadaba haboon inaynu ka digtoonaano erayada
dhabar jabka ku ah jiritaanka qaranimo ee Somaliland,
kuwaas oo ah aniga,annaga,deegaankayaga,gobolkayaga
diiwaan gelin iyo doorasho ka dhici mayso! Hadalada
iyo aragtiyaha noocaas ahi waxay ka tarjumayaan inaanay
wadaniyiintu danta guud xil iska saarayn balse ay qadarinayaanshaqaalaha oo deegaankooda ka soo wada jeeda,si kharashka ku baxaya diiwaan gelinta ay u hantiyaan.

Waa ayaan daro inay wadaniyiintu dhinacaa kala mid noqdaan dawladii ay ku eedayn jireen inay jeebka uun ku shubtaan xoolo qaran.

Gudida doorashooyinka waxa ku haboon inay tix geliyaan
hab-dhaqanka deegaanada iyo la shaqaynta aqoonyahanka,
madax-dhaqameedka iyo duqayda ay wadaniyiintu wax ka
maqlayaan,hab isku dhaf ah ayaa looga baahanyahay inay
u eegaan shaqaalaha hawsha loo dirayo inay fuliyaan.

Waxa iyaduna lagama maarmaan ah deegaanada ay abaartu
ka jirto il dheeraad ah in loo yeesho,lana qorsheeyo sidii ay diiwaan gelintu uga fuli lahayd,deegaanada xeebaha iyo
buuralayda iyagana in hab loo dejiyo sidii ay uga suurta geli lahayd diiwaan gelintu.Waqtiyada gobolada loogu talo galayna dib u eegis lagu sameeyo,waayo,goboladu way kala balaadhanyihiin, waanay kala hawl culusyihiin,sida gobolada Sool,Sanaag iyo maroodi-jeex.

Waxaynu u xiiqnay inaynu aduunka ka helo aqoonsi,dibad-yaalka iyo gudahuba waxay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen sidaynu aduunka uga dhaadhicin lahayn horumarka aynu qabsanay, xaqna u leenahay gooni isu taaga.Hadaba innagoo taa ka duulayna aynu maantana ku darno oo hirgelino diiwaan gelinta wadaninimada Somaliland,si ay inoogu suurta gasho doorasha- yoonka soo socda ee madaxweynaha iyo deegaanada.

Maanta wadaniyiinta waxan xasuusinayaa inay tahay diiwaan
gelintu cadaynta jiritaankiina iyo xaq u helida codbixinta,sidaa darteed waa in guntiga dhexda lagu xidhaa oo qodxaha laga ilaaliyaa suurta gelinta diiwaan gelinta.Balse waxii qaladaad ah ee ka yimaada gudida doorashooyinka wa in si deggan looga wada hadlaa,isku duubnina lagu xalilaa.

Gudida doorashadana waxa qasab ku ah inay tix geliso goboladu habkay doonayaan inay u suurta geliyaan diiwaan gelinta.

Wada tashi ayay Somaliland ku xaqiijisay jiritaankeeda.



Hussein Badmah

Köln,Germany