“Wadahadalladii lagu Qabtay Turkiga waxay ahaayeen kuwo lagu Qancinayay Somaliland” Wasiirka Daakhilaga Soomaaliya

 


Muqdisho (TNN):- Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheeg ay in wadahadalladii dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ku dhexmaray dalka Turkiga ay ahaay een kuwo lagu qancinayo Somaliland.

C/kariin Guuleed oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa sheegay in wadahadalladu ay ka soo baxeen saddex qodob oo uu ugu muhiinsanaa mid ku saabsan maamulka hawada Soomaaliy a, taasoo guddi gaar ah loo saaray.

“Wadahadalladii ka dhacay Turkiga waxay ahaayeen kuwo lagu qancinayo Somaliland si ay qay b uga qaataan midnimada Soomaaliya, waxaana kasoo baxay saddex qodob oo midkood uu ku saabsanaa maamulka hawada dalka Soomaaliya,” ayuu yidhi wasiirka.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in guddiyo ka socda labada dhinac ay u saareen ka soo sha qeynta sidii lagu maamuli lahaa hawada Soomaaliya oo ay dhawaan dowladda Soomaaliya kala wareegtay Qarmada Midoobay.

“Guddiyo labada dhinac ka kooban ayaa loo saaray sidii ay uga soo shaqeyn lahaayeen habka lagu maamulayo hawada Soomaaliya,” ayuu yidhi wasiirka oo aan sheegin halka uu saldhiggood u noqonayo guddiga, inkastoo warkii ka soo baxay shirka lagu sheegay in guddigaas uu saldhig giisu noqon doono Hargeysa.

Maamulka Somaliland oo horay ugu dhawaaqay inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale ayaa si aad ah u soo dhaweeyay qodobka maamulka hawada ku saabsanaa, iyagoo sheegay in  uu wax ka bedeli doono go’aankii ay horay u gaartay Somaliland ee ku saabsan maamulka hawada Soomaaliya.


Source: GGN