Wadada u dhaxaysa kalabaydha iyo wajaale , ayaa 600M ee ugu horeeyey maanta la dhamaytirey iyo Maareeyaha Hay'ada Wadooyinka oo ka hadley

 



Maareeyaha haayada wadooyinka Somaliland prof xasan cali cismaan oo uu weheliyo taliyaha qaybta boliska gobolka gabiley saleebaan...


Tog-wajaale (TNN):- wadada isku xidha kalabaydha iyo wajaale ayaa maanta la dhamaystirey 600m ee ugu horeeyey. Wadadani oo ay hirgalinayso haayada wadooynka Somaliland, ayaa bulsha da ku dhaqan gobolada Somaliland iyo dalka itoobiya ay baahiweyn u qabeen. Wadada ni oo ha lwable u ah isu socodka ganacsiga dalalka Somaliland iyo itoobiya, sidoo kale waxaa wadadani aad u isticmaal gaadiidka sida badeecadaha kala duwan ee ganacsiga .

Maareeyaha haayada wadooyinka Somaliland prof xasan cali cismaan oo uu weheliyo taliyaha qayb ta boliska gobolka gabiley saleebaan u baxleh. Ookusugnaa goobta wadada,ayaa warba ahinta halkaasi kula Hadley, waxayna baaqa u direen gaadiidley isticmaash wadadaasi.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley taliyaha qaybta gobolka gabiley saleebaan ubaxleh ducaale waxaan dadweynaha iyo gaadiidleyba ugu baaqay inay dhawraan oo ay ixtiraan amarada injineerada dhisaya. Waxaanu yidhi “ runtii maanta waa farxad hadii wadadii wajaale ay wajigeedii hore inoo dhisan tahay, waxaan baaq udirayaa gadiidey dhexmara wadada la dhisayo ee aan ka joogsan, talaabo adag ayuu ka qaadeynaa, dadkana waxaan leeyahay la sheqeeya injineerada .” ayuu yidhi taliyuhu

Gabogabdii waxaa halkaasi ka Hadley maareeyaha haayada wadooyinka Somaliland prof xas an cali cismaan, waxaanu umahadc eliyey shaqaalaha haayada wadooyinka sida wanaagsan ee ay hawsha u wadaan, waxaanu la dardaarmey gadiidleyda dhexmara wadada oo la samay nayo waxaanu yidhi “ waxaan maanta aad ugu faraxsanahay wajigii koowaad ee wadada oo maanta 600 M ee ku horeeyey maanta la dhamaystirayo, waxaan u mahad celinayaa shaqaa la ha hawshan u dhabar adeygay, runtii shaqaalaha Haayada Wadooyinka waxaa ka go'an inay sida ugu quruxda badan u dhamaystiraan, waxaan gaadiidleyda wadada oo la samayna yo dhex mara leeyahay iska feejignaad oo dhawra sharciyada aya shaqaaluhu idiin sheega an.” Ayuu yidhi maareeyaha haayada wadooyinka

Si kastaba ha ahaatee wadadani oo halbawle u ah isu socda ka labada dal eesomaliland iyo itoobiya, ayaa dabaaoli doonata dhibaatadii ay ku qabeen gadiidleydu wakhtiyada roobabaku da,ayaan, halka qaarna ay ku gadoomijireen, qaarkalena ay ku dhex xanibmijireen. Dhismaha wadadani ayaa waxaa aad u soo dhaweeyey bulshada ku dhaqan
gobolka gabiley.
 

 



C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Tog-wajaale ,Somaliland