Wada hadalka Somaliland iyo Somalia: Tab xeeladaysan oo Muqdisho dib loogu noqonayo (qaybtii 8-aad)




Madaama ay wada hadaladi Somaliland iyo Somalia dib u bilaabmayaan waxa aan halkii kasii waddi doonaa qoraaladaydii taxanaha ahaa ee qadiyada wada hadalka aan kaga faaloonayay. Ciwaanka qoraaladaydan sida aad akhrisateen amma ka dheehan karteen-ba aragti fog oo foojiggan ayaa keentay oo runtii aynu maantaba arki karno inay saxsaneyd madaama natiijadii wada hadaladii Somaliland iyo Somalia, ee hore u dhacay, ay noqotay in addunku u turjumto in ay Somaliland ka tanaasushay amma ka dabacday qadiyadii madaxbanaanidda sida wasiirkeena ariimaha dibadu Golaha Guurtida ugu cadeeyay. Hadaba badilka ciwaanka qoraaladaydani waxa ay ku xidhnaan doontaa jawiga uu ku qabsoomo iyo natiijada kasoo baxda wada hadalada loo balansanyay bishan January 15-keeda.


Intaas markaan hordhacaas ku dhaafo, waxa aan halkii kasii amba-qaadayaa qormooyinkii dam be ee aan ku tilmaamayay dalalkii kala baxay amma kala go’ay ee inaga horeeyay xaaladaha iyo dariiqooyinka ay ku kala baxeen. Waxa aan qormaddan kusoo qaadan doonaa South Sudan (Suudaanta Koonfureed) sidaan hore ugu balan qaaday. Dalka South Sudan wuxu ka mid ahaan jiray dalkii la odhan jiray the Republic of Sudan amma jamhuuriyada Sudan oo xoriyadda amma madax-banaani ka qaadatay dalka Ingiriiska 1-dii January ee 1956-kii.


Kacdoonadii dhaliyay gooni isku taaga South Sudan


Inkastoo ay Somalilanders-ku yidhahdaan South Sudan reer galbeedkaa dabada ka riixayay ilaa iyo madaxbanaanidii Sudan ka dib, xaqiiqadu waxa ay tahay in Ingiriiska oo gumaysan jiray dalka Sudan oo South Sudan iyo North Sudan oo isagu xukummo laakiin kala maamul ah (administration) oo Khartoum iyo Jubba ay xaruumo maamuleed u kala yihiin, uu isagu maamul qudha ka dhiggay 1946-kii si uu Masar iyo markaas Carabtii waqooyiga Sudan daganeyd iyo guud ahaan bariga dhexe uu dantiisa uga fushado. Mideyntii 2-da maamul markiiba waxa ay reer Konfureedkii Sudan ku dhalisay dareen aan wanaagsaneyn madaama aan lagala tashan. Dareenkii wuxu sii xoogaystay oo uu dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo reer Koonfureedku xaqooda ku raadinayaan isku badilay markii Ingiriiska iyo Masar heshiis ku gaadheen 1953-kii in Sudan xoriyad la siiyo.


Hadaba dareenkii xaq-duudsiga ahaa ee reer Koonfureedka Sudan qabeen wuxu dagaal milateri isku badilay 1955-kii ka dib markii la dhagaysan waayay dhawaaqoodii iyo in Koonfuurta Suudaan maamul gaar ah loo sameeyo. Dagaalada kala dambeeyay ee xoreynta South Sudan sababay waxa ay socdeen isku geyn 39 sanadood oo waxa ku naf waayay dad lagu qiyaasay ilaa iyo labba milyan iyo badh (2,500,000).


Dagaalkii iyo Heshiiskii koowaad ee koonfurta Sudan (1955-1972)


Dagaalkii ugu horeeyay wuxu qarxay sanad ka hor xoriyadii dalwaynihii Sudan oo waxa dhalata y jabhad la odhan jiray SSLM (Southern Sudan Liberation Movement) oo uu hogaamiye ka ahaa Joseph Lagu. Ka dib markii dad shan boqol oo kun (500,000) ahi ku naf waayeen dagaalkii, jabhaddii Koonfurta Sudan ee SSLM-na xoogaysatay, dhaqaalihii dalka Sudan-na horumar la’aan lasoo daristay, ayaa madaxwaynihii Sudan ee wakhtigaas Korneyl Gaafar Nimeiry aqbalay in uu la xaajoodo jabhaddii SSLM oo dadaal dhex-dhexaadineed oo ay ka hawl galayeen 2-ba urur oo la kala yidhahdo Golaha Adduunka ee Kaniisadaha (World Council of Churches, WCC) iyo Kulanka Kanisadaha Afrika (All Africa Conference of Churches, AACC) ay aqbaleen xukuumaddii Sudan iyo jabhaddii-ba.


Kulammo badan oo 2-da dhinac yeesheen ka dib, isla markaana dhex-dhexaadinayeen WCC iyo AACC, waxa ay ku kala saxeexdeen jabhaddii SSLM iyo xukuumaddii Sudan bishii March ee 1972-kii magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia heshiiska loo yaqaano Heshiiskii Addis Ababa (Addis Ababa Agreement).


Heshiiskaasi oo soo afjaray 17 sanadood oo dagaal ah, wuxu sababay in dastuurkii dalkii Sudan la isku odhan jiray la badilo oo markaas Koonfurta Sudan la siiyo maamul madax-banaan (Southern Sudan Autonomous Region) ee laakiin ka mid ah dalwaynihii Sudan.


Muddo 11 sanadood ah ayuu heshiiskii Addis Ababa nabad galyo keenay inkastoo tacadiyadii ay reer Koonfureedku tirsanayeen heshiiskaasi wada daboolin taasoo sababtuna aheyd dalwaynihii Sudan oo sidiisaba ahaa dal milateri ka taliyo xasilooneyna. Heshiiskii Addis Ababa wuxu si buuxda u burburay 1983-kii markii madaxwaynihii Sudan mudane Gaafar Nimeiry uu amar sharciyeed soo roogay kaasoo uu dalkii Sudan kaga dhiggay dal sharciyan Islaami ah (Islamic State). Halkaa waxa ka bilaabmay dagaalkii 2-aad ee sokeeye ee dalkii Sudan oo waxa samaysmatay jabhaddii la odhan jiray SPLA (Sudan People’s Liberation Army) ee uu hogaamin jiray John Garung. Waxa xusid mudan in SPLA aaminsaneyd midnimada dalwaynihii Sudan intii horoo dhan taaso aad ka garan kartid magaca ay la baxeen.


Dagaalkii labaad iyo heshiiskii labaad ee Koonfurta Sudan (1983-2005)


Dagaalkan oo 22 sanadood socday wuxu maray marxalado kala duwan iyo kulanno badan oo la iskugu dayayay in heshiis laga gaadho dagaalkaas. Waxa xusid mudan in 1986-kii, ka dib markii furfurnaan siyaasadeed ka hirgashay dalka Sudan oo xisbiyo siyaasadeed ka hirgaleen, in heshiis ay wada galeen SPLA iyo xisbi la odhan jiray DUP (Democratic Unionist Party). Heshiiskaasi wuxu dhigayay in la laalo sharcigii Islaamiga ahaa (Sharia Law) isla markaana la qabto shirwayne qaran oo Dastuur lagu diyaariyo laakiin waxa diiday heshiiska in uu ansixiyo Raysal-Wasaarihii Sudan ee wakhtigaas mudane Sadiq-Al-Mahdi. Taasi waxa ay keentay in xisbigii DUP uu ka baxo xukuumaddii Sadiq-Al-Mahdi, rajadii SPLA ka qabtay Sudan midaysana ay halkaas ku hadhay. Dhacdadaasi waxa kale oo ay keentay inay SPLA taageero siyaasadeed ka hesho qaybihii kalee mucaaridka ahaa ee Sudan iyo jabhadihii kalee jiray inay is xulafaystaan.


Xooggii milateri iyo kii siyaasadeed ee SPLA gudaha Sudan ka haysatay waxa soo afjaray Korneyl Cumar Xasan Al-Bashir oo 1989 talada dalkii Sudan kula wareegay af-gambi milateri. Cumar Xasan Al-Bashir isla markiiba wuxu bilaabay innuu jabhadii SPLA iyo kuwii kalee jiray-ba kala qaybiyo oo wuxu isticmaalay fikirka awood sheegashada ah ee kala qaybi si aad u hogaamiso (divide and rule). Siyaasadaasi waxa ay keentay inay wiiqdo xooggii jabahadii SPLA oo milatirigii Al-Bashir iyo maleeshiyaad-kii uu kasoo uruursaday jabhadihii la dagaalamayay waxa ay weerar baaxad leh oo ay qaadeen July 1992-kii ay gacanta ku dhiggeen xaruumihii fadhiisinka u ahaa SPLA. Dagaalkaasi waxa uu sababay khasaare baaxad leh waxaana Koonfurta Sudan dib uga bilaabmay addoonsiga dadka. Taasi waxa ay keentay in indhaha reer Galbeedka (The West) soo jiidato taageero-na SPLA ka hesho dalalka bariga Africa ee Ethiopia, Eritrea iyo Uganda.


Intuu dagaalkaasi socday waxa ay dalal badani oo waliba Africa ahi isku dayeen inay dhex-dhexaadiyaan SPLA iyo xukuumaddii Sudan. Dalalka Masar (Egypt) iyo Libiya ayaa 1999-kii usoo bandhiggay 2-da dhinac qorshe dib-u-heshiisineed laakiin waxa ku gacan seedhay SPLA madaama qorshahaasi meesha ka saarayay ammaba ayna ku jirin in dadka Koonfurta Sudan ay u madax-banaanaadaan aayo ka talintooda (Self-determination).


Wuxu dagaalkaasi socdaba waxa ugu dambeyntii ku guulaystay in ay qorshe heshiis lagu gaadho soo saaraan urur-ka IGAD siiba ay horyaal ka ahaayeen dalalka Kenya iyo Ethiopia. Waxa magaalada Naivasha ee dalka Kenya John Garung iyo Cumar Xasan Al-Bashir ku saxeexeen bishii January ee 2005-tii heshiiska loo yaqaano “Heshiiska Dhamayska tiran ee Nabadda” (Comprehensive Peace Agreement). Heshiiskaasi wuxu dhigayay in dagaalku joogsado, ciidamada lakala gurto, khayraadka iyo tallada la qaybsado afti-na laga qaado dadka Koonfurta Sudan in ay madax-banaani qaataan iyo in ay kusii jiraan dalwaynihii Sudan. Waxa xusid mudan in October 2007-dii SPLA xubnihii ugu jiray xukuumaddii Sudan ay ka baxeen madaama ay xukuumaddii Al-Bashir fulin wayday qodobo ka mid ah heshiiskii Naivasha oo ay ka mid ahaayeen in ciidamadii Sudan lagasoo saaro degaankii Koonfurta. Taasi waxa ay keentay, ka dib cadaadis kaga yimid SPLA iyo dhex-dhexaadiyaashi xukuumaddii Al-Bashir, in January 2008-dii shan iyo toban kun (15,000) oo ciidan ah lagasoo saaray Koonfurta Sudan, geedi socodkii heshiiskii Naivasha-na uu dhamaystirmay 9-kii January 2011-kii markii la bilaabay afti-dii ay dadka Koonfurta Sudan ku cabbirayeen rabbitaankooda qaranimmo. Natiijada aftidaasi waxa ay noqotay in 98.83% ay u codeeyaan madax-banaani oo markaas sababtay in reer Koonfurta Sudan iyagoo wada ilmaynaya ay u dabaal daggan calan saarka Jamhuuriyada Koonfurta Sudan 9-kii July 2011-kii.


Su’aashu waxa ay tahay maxay Somaliland ka baran kartaa geedi socodka amma dariiqyada ay 2-da dal ee Eritrea iyo South Sudan, iyo dhammaan dalalkii lasoo noqday madaxbanaanidoodu, amma ka go’ay dalalkay ku jireen, ku gaadheen himiladoodii qaranimo. Khibrada aynu ka dheehan karnaa waxa weeye, oo udub dhexaad geedigoodaas u ahaa, waa mitidnimo (determination) iyo qorshe qota dheer oo ay ku xoojinayeen waxa ay kaga duwanyihiin dalkii iyo dadkii ay ka go’een. Waxa kaloo aynu dalalkaas iyo guud ahaan taariikhdu-ba markhaati inooga yihiin in umad dal ka go’day amma ka baxday, oo samaysatay dal kale dabadeedna magac ulla baxay, aanay dib uga noqon go’aankoodii qaranimo.


Qormadan gunaanadkeedu wuxu yahay oo aan umadda reer Somaliland kula dardaarmayaa in jahawareerka siyaasadeed iyo maamul wanaag la’aantu tushuush inagu furin oo meelo kale la inooga gacan haadin ee aynu miciinsano mitidnimo iyo midnimo dhexdeena ah waayo taasaa hubaal ah inaynu guul ku gaadhayno.


La soco qormadda 9-aad iyo natiijada wada hadalka 15-ka January haddii ilaahay yidhahdo.


Wa bilaahi tawfiiq,

Iid Xasan Aw Muuse,

Somaliland Activist

iidsl@hotmail.com

London