Wada hadalka Somaliland iyo Somalia: Tab xeeladaysan oo Muqdisho dib
loogu noqonayo (qaybtii 4-aad)
Qaybta 4-aad ee qoraalkaygan taxanaha ah bal waxa aan ku eegi doonaa
jawiga ay dadka reer Somaliland, siyaasi iyo shicib iyo mucaarid iyo
muxaafid-ba, ku qaabileen heshiiskii Ankara. Sidoo kale, waxa kaloo
aan ku eegi doonaa aragtidii caalamka, ee aan hore idinkusoo sheegay
siday u turjumteen wada hadaladan, in heshiiskii Ankara wax ka
badilay iyo in uu sii xoojiyay turjumadoodii aheyd in Somaliland
qadiyadeedu wax fog aheyn.
Sidaan hore idinkusoo tusaaleeyay heshiiskii Ankara iyo kii ka
horeeyay ee London (Chevening House) isku mid ayeey ahaayeen oo
haddii ay wax ku kala duwanaayeen waxa ay aheyd odhahda (wording).
Waxa kaloo muhiim ah in qodobadii heshiiskii Ankara ay kuwa hoos
usii dhigaya qaranimada Somaliland iyo culeyska wada hadalka
ahaayeen marka loo eego kuwii Chevening House sidaan kusoo
faah-faahiyay qaybtii 3-aad ee qoraalkaygan.
Iyadoy sidaas tahay ayaa hadana dadka reer Somaliland, siiba
xukuumaddu, ku tilmaamtay heshiiskaas GUUL usoo hoyatay Somaliland
oo waxa TV-yada iyo saxaafada kala duwan dood lasoo hor
fadhiisanayay dad iyagu rabbay siday xukuumaddu ugu dhigtay uun inay
dadku u qaataan qodobadaas. Waxa aan isleeyahay, waxa sabab u aheyd
soo dhaweynta qodobadaas dadku ay soo dhaweeyeen, habkii Turkey-gu u
qaabilay waftigii Somaliland ee uu hogaaminayay madaxwayne Siilanyo
oo qayb ka aheyd xeeladaha Somalilanders-ka lagu dajinayo iyadoo
hadana Turkey-gu qarsaneyn sida uu u arko Somaliland. Iyana waxa
saaxada siyaasada Somaliland ka maqan mucaarid tafsiiri kara oo
waynayso ku eegi kara qodobada lagu heshiiyo iyo guud ahaan ficilada
diplomasiyadeed ee xukuumaddu ku wajahayso wada xaajoodka lala
gallayo Somalia iyo iibgeynta qadiyada Somaliland. Waxa aad moodaaba
in siyaasiyiintii Somaliland muhiimada siinayaan ka qayb noqoshada
gudida wada hadalka ee ayna ahmiyad-ba siineyn natiijada wada
hadalka oo mucaaridka laftigiisu kala simanyiin xukuumadda wajaha
diplomaasiyadeed ee waxan loogu yeedhay wada hadalka Somaliland iyo
Somalia.
Dhinaca caalamka waxa xusid mudan war saxaafadeed madaxtooyada
Turkey-ga kasoo baxay April 13-keedii ka dib markii la saxeexay
heeshiiskii 7-da qodob ahaa iyo kulankii uu madaxwaynaha dalka
Turkey-gu ku qaabilay madaxwaynaha Somaliland iyo madaxwaynaha
Somalia. War saxaafadeedkaas oo lagu shaaciyay heshiiskii 7-da qodob
ahaa ayaa waxa hordhac u ahaa qoraal kooban oo tilmaamayay in
madaxwaynaha Turkey-gu qaabilay madaxwaynaha Somaliland iyo
madaxwaynaha Somalia. Qoraalkaas oo kalmado ay ka mid yihiin
Republic of Somaliland amma Jamhuuriyada Somaliland ku qornaayeen oo
runtii ahayd markii ugu horeysay ee dal caalamka ka tirsani qoro
kalmadahaas ayaa hadana waxa uu sheegayay in 3-da madaxwayne ka
hadleen sidii looga gudbi lahaa xiisadda u dhaxaysa wakhtigan
xaadirka ah Somaliland iyo Somalia (quote: The three presidents
discussed how to overcome the current conflicts between Somaliland
and Somalia). War saxaafadeedku qayb kale wuxu ku sheegaya in
kulanka 3-da madaxwayne yahay tallaabadii ugu horaysay ee loo qaaday
sidii mushkilada ka dhaxaysa Somaliland iyo Somalia loogu dhameyn
lahaa wada hadal iyo wanaag. Waxa war saxaafadeedkan ka muuqda in
Turkey-gu ka dharagsaneyn 2-da dal waxa ay isku haystaan oo uu ku
wareersanyay (confused) xoogana uu saarayo uun innuu heshiisiiyo oo
ay isku noqdaan.
Isna waxa war saxaafadeedkan ka daba qaatay, oo kolay ka jawaabayay
dacwad ay Somalia war saxaafadeedka madaxtooyada Turkey-ga kasoo
baxay ka gudbisay, ra’isal wasaaraha Turkey-ga bishii April
16-keedii. Mudane Tayyip Erdogan, isagoo heshiiskii Ankara iyo guud
ahaan dib-u-heshiisiinta Somaliland iyo Somalia ka hadlaya ayaa waxa
uu yidhi: “Waxa ii muuqata rajo ku aadan midaynta Somaliland iyo
Somalia”.
Sidoo kale, ka hor wada hadalkii Ankara, bishii March 13-keedii,
waxa isna ka hadlay qadiyada Somaliland, wasiirka ariimaha dibada ee
dalka Turkey-ga, Md Ahmed Davutoglu, wakhtigii uu madaxwayne
Siilanyo socdaalka ku taggay dalkaas. Ka dib kulan uu madaxwaynaha
Somaliland la yeeshay ayuu wasiirka ariimaha dibada ee Turkey-gu
yidhi: “Taageerada uu Turkey-gu siiyo qaybaha kala duwan ee Somalia
oo dhan, lagu daro xitaa Somaliland, si istaraysa ayeey usii socon
doonta, Somaliland-na muhiimad gaar ah ayeey Turkey u leedahay
sababtuna tahay xidhiidhka taariikhiga ah ee kasoo jeeda wakhtigii
Cismaaniyiinta.” Isagoo hoosta ka xariiqaya u heelanaanta karaamada
qaranimo ee Somalia, wasiirka ariimaha dibadu wuxu iftiimiyay in
Turkey sii waddi doonto taageerida dib-u-heshiisiinta, daganaanshaha,
barwaaqada iyo horumarka dadka Soomaaliyeed.
Heshiiskii Ankara dabadii, waxa si xawli ah u socday qaban qaabada
shirkii Somalia loo qabanayay ee ka dhacayay London. Maalin ka hor
shirkii London, 6-dii May, waxa isna ka hadlay qadiyada Somaliland
ku-xigeenka xoghaya guud ee qaramada midoobay Mr Jan Eliasson oo
isagoo adduunka ugu baaqaya inay Somalia taageeraan yidhi: “Xoojinta
daganaanshaha iyo ammaanka dhulka dawladu maamusho waxa ay usoo
jeedin doonaan xagga dawlada gobolada gooni u goosadka ah, wuxuuna
rajo la’aan ka muujiyay aqoonsi Somaliland hesho.” Isagoo hadalkiisa
sii wata waxa uu yidhi Mr Jan Eliasson: “Waxa Africa iyo dunidaba ka
jirta xaasaasiyad laga qabo in dalal u kala googo’aan sababo la
xidhiidha Isir, diin iyo qabaa’ilo. Maan arag calaamado muujinaya
inay isasoo tarayso taageerada aqoonsiga Somaliland”. Mr Jan
Eliasson waxa kaloo uu ka hadlay, bishii May 11-keedii, go’aankii
Somaliland ku diiday ka qayb galka shirkii London oo isagoo ku
dhararinaya Puntland sheegay in madaxwaynaha Somalia ka codsaday
inay raacaan laakiin ay leeyihiin, waa Somaliland iyo Puntland-de,
himilooyin ka sareeya maamul goboleedka oo ka sareeya inay ka mid
noqdaan nidaam federal ah.”
Hadalada caalamka kasoo yeedhaya waxa si joogto ah u barbar socda
hadalada dawlada Somalia ee wada hadalkan adduunka iyo reer Somalia-ba
si cad ugu qeexaya inay midnimadii Somalia (oo ay u jeedaan markaas
Somali Republic) dib usoo celinayaan. Weedhahaas cul-culus ee
adduunka iyo Somalia-ba kasoo yeedhaya dawlada Somaliland iyo
xisbiyada qaran-kuba wax jawaab ah oo munaasib ah kamay bixin. Waxa
aan qaybtan 4-aad kusoo gunaanadayaa maah-maah Hollandis (Dutch) ah
oo odhanaysa QOFKII AAMUSAA WUU OGGOLAADAY (Wie zwijgt stemt toe).
La soco qaybta 5-aad oo aan kaga faaloon doono heshiiskii ugu
dambeeyay ee Istanbul ka dhacay July 8-deedii iyo waliba bal in aan
isbarbar dhig ku sameeyo dalalka qadiyadeeno kale soo maray ammaba
ku jiraa diplomaasiyada iyo siyaasadda ay u wajaheen amma u wajahan
ka midho dhalinta himiladooda qaranimmo iyo siday Somaliland u
wajahayso.
Iid Xasan Aw Muuse,
Somaliland Activist
iidsl@hotmail.com
|