Wada-hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya oo Mar kale dib u dhacay illaa January 2014-ka

 



Hargeysa (TNN):-Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa daboolka ka qaada y in dawladda Soomaaliya ay ka dalbatay Somaliland iyo Turkiga in mar saddexaad dib loogu dhig o wada hadaladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya oo loo balansanaa bisha December ee food a innagu soo haysa.

Wasiirku waxa uu sheegay in Soomaaliya ay soo codsatay in wada hadaladii dib loogu dhigo illaa bisha January ee kal-dambe, sababo la xidhiidha dhibaatooyinka ka taagan dalkaas dartood.

Md. Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlayay arrintaasna waxa uu yidhi “Turkigu aad iyo aad ayay u gu jirraan oo ay wax noola wadaan Somaliland iyo Soomaaliya, aadna waanu ugu faraxsan nahay wada hadalada ay fududeynayaan iyo kaalinta ay kaga jiraanba, hase yeeshee wadahadaladii dib ayay u dhaceen Bisha December ee inagu soo fool leh ayay markii hore yidhaahdeen waayo dhibaatooyin badan baa ka taagan Xamar. Imikana waxay na weydiisteen inaanu December-na dib uga dhigno oo wada hadaladii la qabto bisha January ee sanadka 2014-ka.”

“Sidaas ayay na soo weydiisteen Soomaaliya annaga (Somaliland ) iyo dawladda Turkigaba, wakh tina wali lama cayimin ee labada toddobaad ee ugu horeeya bisha January ayaannu isla soo qaa dnay, waxaanan ka wada shaqaynaynaa sidii haddii ALLE yidhaahdo aanu wakhtigaas isku arki lahayn,”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo caawa u warramayay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.

Wasiirka oo la weydiiyay sida uu yahay xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu yidhi “Xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya waa laba wadan oo jaar ah oo cilaaqaad ka dhaxeeyo ayaanu nahay. Waxaanu doonaynaa inaanu wada hadaladda iyo wala altinimadda wadno oo caalamku noo arko dad degan. Waxaanu ka shaqaynaynaa annagu (Somali land) inaanu walaaladayada Xamar iskaashi la samayno, wada hadaladayaduna noo socdaan oo aanu farsamadeeda keeno sidii aanu u kala tagi lahayn.”

Md. Maxamed Biixi Yoonis waxa kale oo uu ammaanay dawladda Turkiga oo uu tilmaamay inay ka go’an tahay inay Somaliland wax la qabsato, waxaanu sheegay in weftigii dhawaan yimid Somalil and ay si rasmi ah u shaaciyeen inay Hargeysa ka furan doonaan qunsuliyad isku xidha wax wad a qabsiga labada dal.

Wasiirku waxa kale oo uu intaas ku ladhay in Ganacsato Turki ahi ay daraasad ku sameeyeen So maliland isla markaana ay balan qaadeen inay mashaariic waaweyn oo maalgashi ku sameeyaan Somaliland.

Wada hadalada u socda Somaliland iyo Soomaaliya ayaa muddo laba jeer oo hore dib u dhacay sababo la xidhiidha mashaakilka siyaasadeed iyo wacdiga adage e Soomaaliya ku sugan tahay darteed, waxaanay noqonaysaa markii saddexaad ee wada hadalladani baaqdaan.
 

 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliand