Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaalia, Iyo Dareenka
Dadweynaha
Xukuumadda Dimoqoraadiga ahi waxay kursiga ugu fadhidaa
waxa loo yaqaan sharciyadda (Le gitimacy) taas oo laba
qaybood ah, mid DISTOORI ah iyo mid MOORAL ah. Tan
Distooriga ahi wa xay ku fadhida distoorka dalka u yaalla
oo ah heshiis la kala qortay, Shacabka iyo maamulka
da wladda ee markaas jooga. kaas oo ah waxa shacabku kula
xisaabtamo xukuumaddiisa, waxii ay ku ballan qaaday
fulinteeda, ka gaabis iyo ku xadgudubkaba Distoorka,
hadday dhacdo. Taasi waa arrin la wada yaqaano. Middase
dadka inta badani aanay aqoonin oo aad tan hore uga sii
muhiimsani waa tan MOORALKA ah ama macnawiga ah. Maxay
tahay, siday se u shaqaysaa?
Sharciyada dhinaceed MOORALKA ahi waa kalsoonida
dhextaalla dadweynaha iyo madaxdiisa. kalsoonidaas waxaa
lagu metalaa sidii dhul cagaaran oo doog leh, oo isha,
dhegta iyo maskaxd uba ku raaxaystaan, dhulkaas oo u
dhexeeya dadka iyo madaxdiisa. Marka xaalku sidaas yah ay,
wax kasta oo go’aamo ah oo madaxdu gaadho ayaa dhegta
dadweynaha markay ku dhacd o waxay samaysa falcelis
wanaagsan oo sida geedo caleenle u ifaysa. Markaas wax
kasta oo madaxda laga sheegaa xattaa hadday tahay wax ka
duwan waxay filayeen dadweynuhu wuu la jaan qaadaa oo ma
shraysto. Haddiise madaxdu gasho khaladaad badan oo
isbiirsada, waxaa halkaas ka bilaabma shaki iyo dib u
gurasho kalsoonidii lagu qabey madaxda. Mar haddi taasu
dhacdo waa in la daweeyo si deg deg ahna madaxdu isu
saxdo. Haddii taas la waayo maxaa dh aca. Sida taariikhda
lagu soo arkay, waxa samaysma bartii ugu horraysey ee
dhul lama degaan a oo aan biyo iyo bad midna lahayn oo
isha, dhegta iyo maskaxduba ku basaasto. Dhulkaas lam a
degaanka ahi maalinba maalinta ka dambaysa ayuu sii
balladhaa, oo dhulkii markii hore wada cagaarka ahaa
sidu maalin walba ugu soo durkayo ayaa baaxaddiisu wada
gaadhaa dhulkii ca gaarka ahaa. Markaasu cunaa wax alla
waxii kalsooni ahaa ee ka dhexeeyey dadka iyo mada xdiisa.
Marka halkaas la gaadho, ayaa waxay culimadu tidhahdaa
waxaa dhammaday sharciya ddii madaxdu ku fadhidey kursiga
dhinaceedii MOORALKA ahaa, waxaa soo hadhaa waa dhinacii
Distooriga ahaa oo keliya. Wixii intaas ka dambeeyaa waa
xukuumadda oo adeegsata qoriga, askariga iyo xabsiga oo
ayaguna ugu dambaysta howl-gab noqda.
Maxaa haddaba lagaga hortagaa si aanay taasi u dhicin.
Waxaa hor iyo horraanba madaxda ku waajib ah in ay si
cilmiyeeysan u deristo (waa tan dimoqoraadiga’e, illayn
tan kalay umaba baahna dhadweynaha iyo dareenkiisa
toona’e) dareenka shacabka, si maalinle ah, si
todobaadle ah, iyo si bille ahba. Waana in la ogaadaa
meesha irbbadda qiyaasta heer kulayku marayso iyo
dhinaca ay u janjeedho. Taas la’aanteeda maxaa dhaca oo
taariikhda lagu hayaa:
1) in dadweynuhu dhegaha ka furaysto wax kasta oo ka soo
yeedha dhinaca xukuumadda xita a hadday tahay wax danta
dadka u fiican.
2) Dhaqdhaqaaqa warka (information) oo dhinac keliya ka
socdo, waa marka war kasta oo xuk uumadda ku lidi ahi uu
suuqqa wax kala iibsiga wararka qiimo weyn ku yeesho,
xattaa haddu be en cadd oo muuqata yahay, dadku way u
dheg raariciyaan, sida taariikhda lagu soo arkay.
3) waa marka dadweynuhu iska xidho warbaahinta dawladda,
helkeediina dhegaha loo furo wa r-baahinta ka soo
horjeedda iyo brobogaandhaha ku lidka ah xukuumadda.
4) waa marka xanta iyo buunbuunta god-daloolooynka
Xukuumaddu noqdaan quraacda, qadada iyo cashada
dadweynaha, oo had iyo goor ay dhegaha ku dhacdo
hadalado dhiilo wada sida, ma maqasheen maantana waxaa
dhacay, xattaa haddii aany waxba dhicin oo suuqqa
wararka qiimo xad dhaafa ku yeesha. Markaasna, afka ama
luuqada keliya oo lagu wada hadlaa, (waa xukuumada iyo
dadweynaha’e) noqoto is-eedayn, is-huruuf iyo isweyrasi
hadalo abuuri kara isqabad gacan ka hadal gaadha kara.
Taasina waxay sii balladhisaa masaafada u dhaxaysa
labada dhinac, dadweynaha iyo xukuumadda. Marka halkaas
la gaadho waxaa dhacda in dadka iyo xukuumadooda ”fiintu
kala dhex mirato”. Waxaa markaas dhaca oo taariikhda
Aadamaha lagu soo arkay in go’aanqaadashada xukuumadu ku
soo ururto dad aad u kuuban, waana arrin dunida looga
yaqaan ‘Power Centres, sidii ka dhacday talisyadii Jamal
cabdinasir, kii Jacfar Numayri, kii Siad Barre, kii
Mingistu Hayle Mariam IWM). Markaas ka dib baa waxaa
is-cunta qayb ka mid ah Sharciyaddii ay xukuumaddu
kursiga ugu fadhiday dhnaceedii Distooriga ahayd.
Markaas bay Xukuumaddu isku daydaa in ay war baahinta
xorta ah cuna qabatayso, sharciyo gaara oo xakameeyana u
samayso. Markaas weeye marka la gaadho waxaa loo yaqaan
keli-talisnimo oo ayada nafteedu leh heerar kala duwan,
laakiin nuxur ahaan burburisa dawlad-dhiska iyo
qaranimadaba, waxana la gaadhaa waxa loo yaqaan fashalka
dawladda (Failed State). Haddaba, marka la leeyahay
xukuumaddu dadkeeda ha la tashato, waxaa loo jeedaa in
laga hortago in aan xaalku hakaas gaadhin. Somalidu
waxay tidhaahdaa ”talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma
noola”.
Wada hadallada Somalia iyo Somaliland
Arrinka wadahadalada Somalia iyo Somaliland waa arrin
qaran oo aad u weyn sidaas darteed waxaa ka furan
su’aalo loo baahan yahay in laga jawaabo. Taas
macnaheedu ma ahaa dedefayn iyo diidmo toona, ee waa
arrin ka qoto dheer. Xaalku wuxuu daarranyahay in
dhacdooyinka socoda la hoggaamiyo ee aanay ayagu ina
hoggaamin. Waxaa la yidaahdaa, aqoonyahanka kaalintiisu
waa hoggaaminta dhacdooynka, halka siyaasiga kaalintiisu
tahay maamulidda dhacdooyinka. Waxaase muhiimka ahi waa
hoggaaminta dhacdooiynka. Maxaa yeelay, haddii aan
dhacdooynka la hogaamin, markaas ayaga ayaa ku
hoggaaminya, taasina waxay ka dhigantahay in aad
dhacdooyinka iska daba socotid.
Sidaa darteed, waxaa loo baahanyahay in laga jawaabo
su’aalo badan oo ku aaddan wadahadallada Somalia iyo
Somaliland. Su’aaluhu waxay noqon karaan dhawr qaybood
oo kala duwan kuna aaddan wada hadallada, Sida kuwan,
mitaal ahaan:
Qaybta koobaad, ”khayr waxba ku yeelo ee shar u
tooghay”:
Maxaa keenay arrinka wada haddallada, labaatan sano ka
dib, maxaase qolyaha keenay uga jeedaan, ma dhabaa in
Marakanka iyo reer Yurub ay doonayaa inay geeska Africa
isaga baxa an sababta oo ah dhaqaalahoodi oo xumaaday. Ma
dhabaa in aqoonsiga ay maraykanku Muqd isho seeyeen looga
jeedo in ay dadkooda u sheegaan, dawlad baa xamar jirta,
si ay uga baxsa daan kharashka ay ku bixiyaan AMISOM. Ma
dhabaa inay Muqdisho ka jirto dawlad loo dhan ya hay oo
waari kartaa, yaase Somalia lala hadli karaa, ma
Muqdisho, mise Puntland oo ayadu dh ab ahaantii ay ka
jirto dawlad dadku soo dhistay, qaadatay habka
dimoqoraaddiyada xisbiyada badan, Puntlaan oo xud iyo
dano badani inaga dhexeeyaan. Sidee iyo koormaa ku
habboon in wadahadalo Somaliland cid kale la gasho IWM.
Qaybta labaad ”Colka wadhaf ma lagu deye”:
Ma loo qaadan karaa in soo jeedinta Ingiriiska ee
wadahadalada iyo ka insaxinta gole Caalami ah ay tahay
tallaabadii ugu horraysey ee bulshada caalamku u qaadday
in si nabada ay u kala baxaan Somaliland iyo Somalia.
Markaasna ay tahay in aynu dhamman, Xkuumad iyo Shacaba
wada taageerro. Ma loo qaadan karaa in aqbalaadda, ay
markii ugu harraysay, madaxda Som alia qaar ka mid ahi
aqbaleen wadahadlo, oo sidii labadii dawladood ee
lixdankii israacay ay had da u wadahadlaan fursad ahmiyad
gaara leh. Maxaa markaas xaggeenna meel inooga
yaal la,IWM.
Qaybta Saddexaad oo ah, awooddeenna, qiimaha warqadaha
aynu haysano ee la hortegaynu cadowga iyo saaxiibkaba,
si aanu qaddiyadeenna u daafici karro, waqtiga
wadhadallada, waqti ga nabadda iyo waqtiga colaaddaba, Ma
siyaasaddeena debdda, mise tan gudaha, mise labada wada
jirkood yaa mudho dhal noqon kara, waa keese labada
midka mudnaanta lihi (priorities) IWM.
Qaybta Afraad, ”Dagaal lama galo haddii adaan lahayn
xulafo la isku hallayn karo”, wadahadalladu waa qayb ka
mid ah diblomasiyada, waxaana la yidhaahdaa,
”Diblomasiyadu waa dagaalka oo qaab kale loo maamulay,
waana qaybta ugu muhiimsan ee dagaalka”: Maxaynu
saaxiibo dunida ku leenahay, hadday gobolkan geeska
Africa tahay iyo hadday tahay Afrikada kale. Iyo hadday
tahay dawladaha Barwaaqo Soornaka Ingriisa, oo anigu aan
ogahay in aynu saxibo badan ku leenahay, kuwo kale oo
saaxiibo noqon karana waa jiraan, haddii laga sheqeeyo.
Iyo hadday tahay dadyawga kale ee nabadda iyo
dimoqoraadiyada jecel, Urruada iyo Axsaabta reer Yurub
Maraykan, iyo Africa nafteeda kuwa dimoqoraadiga ah,
IWM.
Haddaba, miyaanu arrinku u muuqan in waqti la soo
gaadhay ay tahay in Xukuumadeenu tixgeliso inay talada
badsato, waxaan odhan lahaa waa in la hawlgeliyo
aqoonyahanka somaliland iyo xatta aqoonyahano kale oo
saaxiibo la ah qaddiyada nabadda iyo dimoqoraadiyada
Somaliland.
Qoraa Aadan Muuse Jibriil
Email:
admjibril@hotmail.com
|