Waayaha Nolosha – Qoraallo Googgoos Ah
W/Q: Axmed Iid Aadan

 


Waxan halkan inoogu soo gudbinayaa qoraallo kala duduwan oo aan waqtiyo kala duwan qoray, kuwaas oo ku saabsan arrimo nolosha la xidhiidha oo si uun innoo khuseeya suugaa nina aanay ka madhnayn.


I.Silsilad Maanso

Silsilad maanso waxa lagu qeexi karaa dood maanso oo dhex-marta ugu yaraan laba abw aan, taas oo ay maansayahannada ay dhex-martaa ay kaga doodaan arrin ay ku kala ar agti duwan yihiin, mid bana uu u arko si ka duwan sida uu ka kale u arko.

Suugaanta soomaalida waxa laga heli karaa silsilado badan, waxana silsiladahaa ugu caans an Guba, Hurgumo, Siinley iyo Deelley.

Siinley waxa ay ahayd silsilad qurux badan oo si qurux badan loogu dooday. Waxa wada bi laabay abwaanka caanka ah ee Cabdi Aadan Xaad “Cabdi Qays” iyo Maxamed Ibraahin Wa rsame “Hadraawi”. Silsiladdani waxa ay ahayd silsilad hufan oo ay garasho iyo aragtiyo aad u wanaagsani saldhig u ahaayeen. Mar waxa ay u ekayd jacayl mar kalena siyaasad. Af-Soomaali tayo leh ayaa wax lagu cabbirayey. Sarbeebi kama ay madhnayn, falsafadi kama ay madhnayn, kaftan kama uu madhnayn, halxidhaale kama uu madhnayn, xiisaha bulshada soomaaliyeed ee dhegaysataana in kor u kaco mooyee marna hoos uma dhaco.

Maansada sidaas u quruxda badan waxa ka qayb-galay maansayahanno waaweyn oo caan ah, hase yeesho ee berigaa dhallinyaro u badnaa. Waxa ka mid ah raggaas Cabdi-Qays, Ha draawi, Gaarriye, Xaaji Aadan Afqallooc, Siciid Saalax, Ibraahin-Gadhle iyo maansayahanno kale oo tirsi leh. In kasta oo uu maansayahan kasta oo silsiladdaa wax ku darsadayba kaali n fiican ka qaatay, haddana maansayahannada ay kaalmahoodu ugu muhiimsan yihiin ugun a xiisaha badan yihiin waa Cabdi-Qays iyo Hadraawi, siiba Cabdi-Qays.

II. Rag Yaa U Kibir Badan

Waxa la yidhi, waxa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan beri u yimid nin murti badnaa oo la odhan jiray Sheekh Maxamuud Cali Qablax. Sayidka ayaa doonay in uu in uu wax ka ogaado xikmadda Maxamuud lagu sheegay, dabadeed wuxu Sayidku yidhi: “Maxamuudow rag yaa u kibir badan?” Maxamuud waxa uu ku jawaabay: “Kolba ka u ladan”. Sayidka ayaa haddana weydiiyey: “Rag yaa u caqli xun?”. Maxamuud wuxuu haddana ku soo koobay: “Kolba ka u ladan!”

Weydiimahaa Sayidka iyo jawaabaha Maxamuud Cali Qablax oo la isku daray ayaa waxa ay noqdeen murti dadka yaqaanaa marka ay u baahdaan ay soo qaataan, halkii ku habboonna ay u adeegsadaan. Waxa dhici karta in loo wada bogi karo murtidan amase lagu kala aragti duwanaan karo. Arrintaas waxa aan ku dhaafayaa waa qof iyo aragtidiis.

III.Waddani iyo Sicirbararka

Warsaxaafadeed taariikhdu markii ay ahayd 19-kii Diisambar, 2015 la faafiyey oo uu soo saaray xisbiga WADDANI ayaa waxa uu sicirbararka la sheegay in uu dalka ka jiro ku eed eeyey xukuumadda. Haddii uu sicirbarar jiro maxaa sababay waa in horta la isweydiiyo.
Sicirbararka arrimo dhowr ah ayaa sababa: arrimahaa qaar ka mid ah waxa ay ka dhashaa n suuqa xorta ah iyo xoogagga ka dhex-jira (Demand and Supply). Qaar kalena waxa ay ka dhashaan tallaabooyin ay xukuumadda markaa jirtaa qaaddo. Markaa xisbiga WADDANI isaga oo aan soo bandhigin baadhis ku saabsan waxa sicirbararka keenay uun buu xuku umadda dhalliil ku qaadqaaday. Taasi markaa waxa ay u ekaan kartaa dhalliil saldhiggeedu yahay kaambayn.
IV.Ka Fog Siyaasad

Qofku marka uu dhinto arrinkiisu waa laba mid uun: in uu iilka ku bedbaado iyo in lagu ciqaabo. Waxa ka dambaysa aakhiro. Aakhiro dad badan baa inta cidhibta iyo foodda la qabto naarta madax-madax loogu tuuri doonaa sida ay diinteennu innoo sheegtay. Qaar baa inta naarta lagu tuuro tiirar lagu xidhxidhi doonaa oo weliba lagu dabooli doonaa, markaasay aad u bislaan doonaan. “Berrise waxay la iil tegi allaha baaqiyaa garane; qofkaan daaqad boos le`eg jannada uga bannaanaanin; waxa ba`ay nin baynoow cadaab lagu bisleeyaaye”.

Waxa aan uga socdaa in uu qof kastaaba garansanaado in ay xisaabi dambayso. Dadka siyaasiyiinta ah ama dadka talada ummadda haya iyaga taxaddir dheeraad ah ayaa la gudboon, waayo xoolo ummadeed oo si sharci-darro ah lagu qaato ama dulmi la sameeyo iyadoo awoodda dawladda la adeegsanayo adduunkana waa lagu khasaarayaa, aakhirana dambarkeedu waa jahannama iyo dogob naareed.

V.Shaqada Siyaasadda

Dadka shaqo-doonka ah ee shaqooyinka u tartama waxa la weydiiyaa in ay aqoontoodu shaqada ay doonayaan dabooli karto iyo in kale. Waxa kale oo la weydiiyaa waayo-aragnimo shaqo oo dhawr sannadood ah oo shaqooyinka ay doonayaan la xidhiidha. Qof aan aqoontii loo baahnaa iyo waayo-aragnimo lahayn shaqo looma qaato.

Shaqada siyaasadda ee waddankeennu waa shaqada keliya ee aan aqoontii ay u baahnayd iyo waayo-aragnimadii waxtarka noqon lahayd aan la isweydiin ee la iska galo uun. Waa halkii abwaankiiye, "Waa macnaha aakhiro seben midabbadiisiiye".

VI.Haweenay Fikiraysa.

Haweenay akhriska iyo qoraalka ku wanaagsan oo u dhalatay dalka India ayaa waxa ay ka hadashay dabeecadaheeda wax-akhriska la xidhiidha. Waxa ay tidhi: “Haddii uu qof iga codsado in aan kula taliyo buug fiican oo uu akhriyo waxaan dareemaa mas’uuliyad weyn. Waxa ay arrintaasi u eg tahay sida qof iga codsaday in aan kala taliyo qofkii uu jeclaan lahaa oo kale”.

Waxa kale oo ay sheegtay in ay jeceshahay in uu had iyo jeer ka ag dhowaado buugga ay akhriyeysaa. Waxa kale oo ay sheegtay haddii uu qof kala furo buugga ay markaa akhriyeyso oo uu eego halka ay akhriska marinayso in ay u aragto arrin xadgudub ah oo la mid ah sida qof, qof kale la sheekaysanayey oo sheekadoodii ay si qarsoodi ah cidi u dhegaysatay.

Waxay tidhi: “Waxan doonayaa in ay carruurtaydu qabatimaan wax-akhriska, maxaa yeelay akhriska buug fiicani waxa uu qofka ka dhigaa mid maskax badan, aqoon leh, ereyo badan garanaya, xirfaddiisa waxqoristu ay horumar samayso isla markaasna si fiican u fikira”.

Waxa kale oo ay sheegtay qofkii ka codsada in ay u yara dhiibto ama amaahiso buug ay akhriyeyso in aanay codsigaa ka aqbalayn. Waxay tidhi: “Codsiga jaadkaas ahi waxa laga yaabaa in uu igu kelifo in aan qofka u iibiyo buug la mid ah ka aan haysto ee uu iga codsaday in aan u yara dhiibo. Marnaba dhici mayso in aan qof u dhiibo ama ammaahiyo buug aan gacanta ku hayo”.

Innaga dadkeennu hadal uun bay ka shaqeeyaan oo in ay wax fiican qabtaan inta badan kuma dadaalaan, qofkii in uu wax wanaagsan qabto isku dayana waa ay niyadjabiyaan.

VII.Maahmaah Gabay Lagu Daray
Abwaannada Soomaalida qaar ka mid ah ayaa maahmaahda mararka qaarkood si qurux badan u adeegsada, oo inta ay farsameeyaan maansooyinkooda ku dara. Maahmaahda caanka ah ee ah “Libaax nin ganay iyo nin galladay kala og” waxa beri hore si qurux badan gabay ugu daray Faarax Cismaan Kowto oo yidhi:

Libaaxuba nin ganay waa yaqaan guutaduu timiye,
Gibilkiisa nabarkii ku dhaca geydhi loo dhimaye,
Hadduu soo gadaalkaco asuu nolol cid gaadhsiiyo,
Geshigiisa wiilkii qabuu foodda geliyaaye.

VIII.Adkaysiga Geela

Geelu abaarta waa uu uga adkaysi badan yahay xoolaha kale. Maansayahan Axmed Caynoosh ayaa beydadkan gabayga ah ku sheegay in marka adhigu baxo, lo’duna ay tabaalowda uu Geelu yahay ka ugu dambaysta soo hadho ee waxtarkiisa loo aayo. Waxa uu yidhi:

Marka adhi tirsiimadii hadheen dhaqasho loo tooyan,
Ee tacab ninkii moodayow lo'i tabaalowdo,
Ee Nugul tubaha ceelka iyo taagan yahay goob xun,
Ee waxa duleeddada laf togan tacajab loo yaabo,
Toobkaha hadhuubka ee la shuban Teeyoy adigaa leh.

IX.Af-Soomaali Gurracan Baa Lagu Heesaa

Heesaha dambe ee waqtiyadan danbe la sameeyo lana qaado, iyada oo aan miisaankooda la eeginba, haddii loo fiirsado afsoomaali ahaan bal inay si fiican oo naxwe ahaan sax ah macne buuxana leh u samaysan yihiin iyo in kale. Waxa marar badan la arkayaa in ayna afsoomaali ahaan meelaha qaarkood sax ahayn ama naxwe ahaan u khaldan yihiin. Haddii miisaankooda la eegana dhalliiluhu waa ay sii badanayaan.

Waxa yaab leh khaladaad yar yar oo fudfudud oo mararka qaarkood uu qofka caadiga ah ee aan maansayahanba ahayni arki karo in ka samaynaya iyo ka qaadayaaba ay arki waayaan. Dabadeedna waxa aad maqlaysaa iyada oo la leeyahay “abwaanka qarniga” ama “fannaanka qarniga” ama “alfannaan,” iwm.

X.Hadal Ay Munaafaqadi Ku Jirto

Reer Soomaaliya hadalkooda ku saabsan Soomaaliland waa uu is buriyaa. Mar waxa ay yidhaahdaan: “Soomaaliland iskuma fillaan karto haddii ay gooni isu taagto.” Mar kalena waxa ay yidhaahdaan: “Idin kama maaranno oo waannu idiin baahannahay ee aynu mid ahaano.” Marka ay leeyihiin idin kama maaranno iyagu iskuma filnaan karaan sow ma aha macnaha qarsooni? Waa hadal ay munaafaqdi ku jirto.

Dhammaad
…La soco qaybo kale
 

 


W/Q: Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com