WAAR HARGEYSA WAA CAASIMAD LA WADA LEEYAHAY EE EEXDA XIRSI YEYNA XAQQA IDINKA LEEXIN

 


Waxa ayaamahan socda niman Burco bari ah oo si walba wax u qaloocinaya iyagoo dalka ka door bidey difaaca nin gar daran oo kibrey iyana aan hadh u jiideyn. Ninbaa qoray reer Hargeysow wa an aragnaa duulaanka ku heysaan Xirsi..waa yaab ah yaa reer Burco kaga hanti iyo maal badan H argeysa yaa ka sheegta. Waar intaad is leedahay gardaro qaawan qari magaalda cid kale heyska siin. Illeyn haddaad sidaas ku wado waa la kala yeelan oo sida Xamar ayey noqon cidda ugu bdan ee wax ku waayeysaana waa Burco.

Leydin kama xigo, idinkaa dhistay oo maal gashada. Dahab Shiil , Indhodeero, Ilma Xarbi, Camuudi, Genel iyo diilaaliinteeda, Iskuulka Xirsi, Ilma Xashiish iyo iyo..Qadana ha iloobin..cidi kama sheega to. Dadka uu Xirsi dhibta ku haya ma aha reer gooni ah ee waa qarankoo dhan. Waxa ka cabanayaa waa bari iyo galbeed oogo iyo waqooyi.

Ogaada in in badan oo wax ka qortaa qaladka xukuumadda iyo Xirsi inay yihiin reer Burco oo walib a dhinaca bari ah. Ha iloobin INa Raage, Aqoonyahan Jiir, Axmed Rooraaye, Xildhibaan Rayte. Xirsi dalkoo dhan ayuu ku xad gudbaa, dalkana weynu wada leenahay. Waana waajib inaynu wadajir wax ku toosino.

waxba ina heysta oo ninkii aynu dooranay waa ka bas, Xirsina falyaa, iyo cabsi galiyaaba illeyn wa a kii lahaa waxan damcay inaan Rayaale toogtee, odoyguna waa da' oo gabowgu waxuu wataa fuleynimo, laga yaaba inuu Oday siilanyo muxbuus u yahay Xirsi..haddaba halkuu reer Burco bari ay odayga xoreyn lahaayeen ayey bulshadii tusayaan qabyaad qawan oo badownimo ah. Xaasha ma aha reerku dhammaan sidaas laakiin inta aamusan ayaa sidan u sawirtay oo ah inta badan ee nala fikirka ah bal se afka xidhay.

Kuwaas ayaa laga rabaa inay odayga u hiiliyaan ooy wiilkan uu maxbuuskam u yahay ka xoreeya an, dalkana badbadiyaan, magaca reerkan ilaliyaan, haddii kale idinkoo wacan ayaa xumaan leydiin barkin, dibna u helimeysaan hoggaan dambe ood qabataan.
Waar bal dhugta waxa heysta aqoonyahan Jiir ee xabsi aan xukum lahayn lala dabo joogo.

Mantana waxa la weeraray tuulada Abdaal ee dariiqa Berbera ku taal, waxa loo sameeyey reer Saaxil Xirsi kale, Cali Xoor Xoor ayaa booliska toos kugu dalbaaya deedna waa kalboosh. Waligey maan is lahayn tan oo kale ayaa dhici. Dad toban ka badan ayaa lagu xidhi maxaad rayigiina ugu taageerteen Gaolaha afhayeenka uu ka yahay nin ku culus deegaanka Ibraahim Dhegoweyne. Waa adduunsi weyn oon loo dul qaadan karin, waana raadkii Xirsi.

Madaxweyne waan kuu duceeya.
 


Cabdi Xaji Axmed
hargeysawi@ymail.com