Waar Carraaloow joog! oo beesha cidla ha kaga dhaqaaqine caqli kale keen

 

Waa goor fiid ah, salaaddii maqrib ayuun baa markaa la tukaday. Aqalka Carraale, ge ed aan kaba durugsanayn ayaa waxa soo fadhiistay todoba oday. Carraale waxa uu fadhiyaa Ardaaga, waxa uu arkay odayaasha fadhiya geedkii weynaa ee qudhaca ahaa. Yaab iyo amankaag. Naa Canbarooy, adigaa iga indha fiiqane maxay ahaayeen dadka geedka inoo soo fadhiistay? Ma maantaad ii qirtay in aan kaa da'yarahay? Marka Geel loo heeso ayaad gorayo u heestaaye, da' kumaan odhane, oo haddaan wax kaa weynahayna gu' uun baan kaa weynahaye, maxay ahaayeen dadkaasi. Weydiimahaas iyo kaftankaasiba waxa uu dhexmaray Carraale iyo Ooridiisii Canbaro.

Inta ay Canbaro u dhaqaaqday dhankii geedka bay tidhi: " Dee waa todoba oday". Dee u tag odayaasha, kollay waa martiye. Yaa martiyaa? Beryahanba waan  dareen sanaa waxa ay beeshu la aamusnayd in ay u soo socdaan gurigayga waan  dareem ay, Geelaa inoo xaraysan baa rag damaaciyey, oo miyey ku dhici karaan.---Sidaa  wa xa yidhi Carraale oo giir iska kicinaya. Wax yar ka dib ayuu soo dhaqaaqay mid ka mid ah raggii geedka fadhiyey.

o Maxaa reerku ku soo hoyday

o Nabadqab baanu ku soo hoyannay

o Carraale, ninka kula hadlaya ma garanysaa?

o Maya waa kuma?

o Waa Cismaane, miyaad illawday raggii aad garta ku aamintay ee ku maqnaa in ay idin kala saaraan Kediye iyo Warfaa.

o Haa, haddaan gartay, oo miyaan la iska dayn, waxa aan moodayey in gartaa ay ka qanceen oo ay adhigooda iska raacanayaane. Weli ma waxbay tirsanayaan.

Intaa markii la is dhaafsaday buu Cismaan yidhi. Dee haddaanaad is yeelyeelayn, gar tii aad noo dhiibateen, waanu ku maqnayn. Qaabkii aanu idiin kala saari lahayn, waa aanu soo diyaarinay, ee diyaar garaw. Waxa uu Cismaan ku noqday odayaashii kale ee geedka fadhiyey. Canbaro oo aan markii hore wax hadal ah ku darsan, hadaladii dhexmaray Carraale iyo Cismaan ayaa tidhi. Eeyaahe, waa maxay dafiraada intaa  le' eg ee aad la soo taagantahay. Sawtii beeshoo dhami markhaatiga ka ahayd in aad gartaadii u dhiibatay todobadaa oday. Yaan lagula yaabine, mardanbe sidaa ha u  ha dlin. Canbaro oo cadho ka muuqato ayaa sidaa ku celcelisay. Balse Carraale, dheg  u ma dhigin, ee qorshe kale ayaa u deggen. Goor ay waa dhowaadkii tahay ayuu kacay. Canbarooy! Aqalka inoo furfur, yaan waxba la innoogu iman ee aan geela soo  daree riyee, dhakhso oo adhiga oodda ka rog.. Dhakso baan ku idhi, ha ii jeejeesan, rag is gurayee baa hore loo yidhi.

Canbaro, oo yaabban, baa tidhi: " xagge baad geediga inoo gelisay". Naa beelahaa  fe edha innagu haya ee aynu oodwadaagta nahay baan xoolaha u geynayaa oo horaan ula sii hadlaye adhiga soo dareeri. Canbaro oo yaab dhabannada haysata, balse aan jeclayn in ay odaygeeda la sii muranto baa adhigii soo dareerisay. Aqalkii baa ay  fur fureen, geelii baa la dareeriyey. Dhankaa iyo galbeed baa afka loo saaray. Maalin  dh an oo geeddi lagu sii jiray dabadeed baa, beel deggen meel xeebta qarkeeda ah lagu soo hoyday. --Asalaamu Calaykum---wa Walayku wasalaam, ee bal isu kaaya  shee ga. Waar!! nin la garanwaayo ma ahiye waa odaygii Beeldaajiyaha ahaa ee beesha reer Qudhax Qansax odayga u ahaa. Alla alla oo waa odaygiiye, oo maxaa dhacay ee aad xoolaha u soo rartay, ma abaar baa dhacday? Waar nimanyahaw laba nin baan isaga taagwaayey, beeshu sideeda kale waa ay i oggoshahay, oo wax alla wixii aan ugu taliyo waa ay igu raacaan. Xoolahaas na iyagaa i siiyey, oo maalinkasta waxa la ii keenaa laba neef oo geel ah, afar adhi ah, xataa qaar baa digaag ii keena. Waxa aan ku jiraa nicmo, ee labadaas oday ayaa beeshii igu diray, dee waxa aan ka baqay in xoolaha la iigu yimaaddo oo ay la wareegaan, waan ogahay oo wax kale uma soo dam iyo diglaha, aan geelaa ka ahayn. Sidaa waxa yidhi Carraale oo aad mooddo nin geel soo dhacay.

Odayaashii uu la hadlayey mid ka mid ah baa ku yidhi. Miyaanaad ka baqayn in lagaa daba yimaaddo? Wuxuuse ugu jawaabay---Miskiin waar cid iga daba imanaysa oo xoolahani u tirsanyahay ba ma jiraane ii haya xoolahaas oo xero iigu sameeya. Waan ku noqonayaa, bal gego cidla ah waxa ay ka qaadaan aan aragnee Kediye iyo  Warf aa.

Xoolihii baa xero loo sameeyey, geelu badanaa saddex boqol kor buu u dhaafay. Adhi guna shan tiro wax baa dheer. Lo'da ayaa 200 madaxa la gashay, digaaga  hadal  ko odaba daa. Maalintii danbe ayaa Carraale iyo odayaashii uu xoolaha u dhiibtay  wa dahadal jilbaha isdhigeen. Geed weyn baa la hoos fadhiistay. Kuye... Xoolahaas idinka ayaa ka mas'uul ah, haddii aan Carraale ahay oo aan dhinto xoolahaas carruurtayda iyo Ooridayda ayaa iska leh. Tol aad wax ka siisaan yaanuu jirin, waa reer Carraale oo qudh ah. Markuu intaa yidhi Carraale buu oday buuran oo malaa beesha u oday ahaa hadalkii qaatay oo yidhi: " Adeer, miyaan xoolahan dad kuu dhiiban? Miyaan lagu dilayn haddii aad ku noqoto?. Labadaa weydiimood ka dib buu Carraale hadalkii boobay oo yidhi: "Waar war ma haysaane, cid igu qabsanaysa xoolahan ma jirto. Marka aan ku noqdo iska daa dil la i dilo'e waxa aan idiin ballan qaadayaa in beeshii oo bannaanka tuban oo qadoodi ah ay caleemo qoyan igu soo dhawayn doonnaan. Waxa aan idiin hubaa kuwa xoolahan leh ee iyagu ii dhiibtay in aanay maalin keliya ila xisaabtamin, ee weliba waxa ay ii tumayaan sacabka. Taasaa hubaal ah.

Odaygii buurnaa baa yidhi, waar annagaba sacabkaa naloo tumaaye, laakiin  xoolaho oda waan ku hor cunaaye ee sida tuugga kalama baxsado. Haddii aad sidan u  baqan ayso oo xoolihiiba aad ku aamini weyday beesha dhexdeedii sideebaad ugu  noqonay saa nabadqab. Wallaahi in dagaal lagaala hor iman inta aad leedahay sacab iyo mash xarad baa la igu soo dhoweynayaa. ---Carraale oo yara shakiyey baa yidhi bal  sadd ex maalmood i marti geliya anigaa soo tallami doona'e. Waayahay baa lagu kala  hoy day. Odaygii Carraale waxa uu la tashaday islaantiisii Canbaro. Eeyaa Canbaro, kollay marka geel loo heesaad gorayo u heestaaye, bal tali-- Oo maxaan ku taliyaa  sowdi gaa innaga soo raray beesheennii ee cidlada inna wadhay, gartii laguugu maqnaana waadigaa iska xumeeyey.----Garteebaan xumeeyey, waad arki doonaa oo waxa ay noqonaysaa Alxamdu li laah ama Rabbil caalamiin, car ha noqon waydo----oo maxay kala yihiin? Dee haddii garta aan helo waa Alxamdu lillaah, oo helay gartii haddii la iga helona waa Rabbal caalamiin oo Kediye ama Warfaa midna xerada geel ugu iman maayo, xataa xabbad digaagad ah dhulka innoogama ay dhicin. ----Oo waxa aad leedahay aynu ku noqonno beesheennii? Haa sidaasaan ku leeyahay---Goorma?---- ilaa 20 caanamaal iska naso Canbarooy. ---Waaryaahe Carraale! waar maad joogi, beeshiina cidlaad kaga dhaqaaqdaye caqli sidaa, dhaama keen. Sidaa waxa tidhi Canbaro oo la yaabban talada odaygeeda.

Maxaa ka danbeeyey? Bal aynu dhawrno maalmaha xiga iyo Oday Carraale in uu soo noqdo iyo in kale. Haddii uu soo noqdo, gartii yaa heli doona?

Nabad iyo Caano

 

 

 

Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf
Sweden/gacanlibaax2001@yahoo.se