" Waadaantii Isha ka soo xumaataa, Darkay la Tagtaa!"

 



" Hal bannaan ku ragaadey
Oo Galool ruugga ka gaadhey
rawax waa ku kacshaa

Nin Abeeso rudhaana
Haddaanay ruuxda ka gooynin
riiq dambuu u dhintaa

Nin qabyaalad rabaystayna
kola rays kama gaadho e
rarankuu ku gubtaa!!"
Alle ha u naxariistee waa erayadii C/llaahi Suldaan

Waxa laga yaabaa, in dad badani maanta ku baraarugeen khilaafka xisbiga kulmiye iyo isjiidjiidadka guddoonka xisbiga iyo xukuumadda!
Waxase dhab ah, in uu kulmiye dhintay maalintii uu ogolaaday; in xubnihiisa iyo ergooyinka shirweynihiisaba lagu qaybsado qabyaalad iyo qoloqolo.

" Afar qoloba mid keentay
waxay soo dhoodhoobeen
waa dhaankii dabagaale
ee dhirfacaawga lahaa!"
Gabayaa soomaaliyeed ayaa tixdaa laga dhaxlay.

Waxa dhab ah, in wax kasta oo qabyaalad iyo qudhun lagu saleeyaba lagu kala dhaqaaqi doono; sidaa Kulmiye.

Haddaba, haddii aynnu qawaaniinta dalka u taalla ee qoran dharaarba qurub tuurno oo aynu qabyaaladdda distuur ka dhiganno, goor aan habeen iyo dharaar midna ahayn ayaynu kala yaaci doonnaa- haddii aan Ilaahay inna badbaadin!

Horaa loo yidhi, " Alif kaa xumaaday, Albaqarah kaagama hadho." Waxaynu taa uga jeednaa, illaa maalintii aynnu calanka qaadeenee 1960kii; xukuumad kasta oo Soomaaliyeed meeshay doontaba ha ka dhisnaatee, waxa sal u ahaa, tollay yaa reer hebelaa!

Waxa mudan in la iswediiyo, ujeeddada aynnu xisbiyada u dhisanno ama cid u dooranaa waxay ku salaysan tahay:

" Magacuba I deeq
mar haddaan mudane
soo doortay
oo aan muquuniyey
raggii madaxa taagaayey"

Eeg buugga qab iyo qabiil

Bal waxad u fiirsataa xilliga doorashooyinka, siyaasigeennu muxuu ku ololeeyaa? Ma barnaamij dhab ah ayuu inna tusaa oo aynu ku dooranaa? Ma dadnimo iyo diid buu inna tusaa? Mise hab iyo hannaan kale ayuu yaqaannaa oo uu cod innagaga helo? Jawaabtu waa maya...maya!

Nin baa inankiisii oo uu u hanweynaa ku arkay xaal carruureed iyo wax aanu ka filaneyn, markaasu yidhi isaga oo yaabban, " Waar ma ninkii aan is lahaa Dayrta u guuri, ayaa Like qotay!"

Waxa taasi ka dhigan, waar ma xisbiyadii aynnu is lahayn ummaddu qabyaaladda iyo qudhunka ha kaga baxdo; ayaa iyadii mabda' ka dhigtay!

" Qabyaaladi waa qoqobe Jaan
oo lagu qadhaabtaaye
Waa quful uu Ibleys ku xidhay
Qoomka aan nahaye"

Eeg buugga Qab iyo Qabiil.

Guntii iyo gebagebadii, hadday xisbiyadu baaba'aana waa innoo qabyaalad; hadday jiraana waa innoo qabyaalad!

Waraabihii hasha candhada ka goostay, nirigtiina faruuryaha goostay; wuxu yidhi, " Maxay ka nuugi, maxayse ku nuugi".

Arrintaasi waxaynu uga dan leenahay, mar haddii ay xisbiyadeennee ka kori waayeen: Qabyaalad, hebelo isku uraaya oo fataatiirtii ku soo colloobey, guulwadayn iyo gardiidnimo- waxaynu ugu ooynaaba bilaash!!

Ilaahayow na badbaadi. Aamiin
 


C/llaahi Maxamed Cumar

Email: timacadd56@hotmail.com