Waa sidee caafimaadka bulshada Soomaaliland?
Caafimaadka dalkani Somaliland
waxa uu soo maray marxalado adag oo mid waliba waayaheeda lahayd tan
iyo 18 may oo ay lasoo noqotay madaxbanaanideeda waxa ay xaalada
caafimaad ee dadweynuhu ahayd mid aad u liidatay maadaama ay
burbureen xarumihii iyo haayadii caafima adka waxaana iyana la
ilaabi Karin inay meesha ka baxeen dhamaan tiirarkii nolosha sida
Amm aanka oo faraha ka baxay taasi oo ay sababeen dagaaalo sokeeye
oo dalkani ka curtay Ka dib xalintii khilaafaadka beelaha iyo
shirkii Borama waxa ka dhashay Dawlad ay doorteen Oday dha
qameedyada beelaha Somaliland taaasi oo lagu doortay Madaxweynihii
labaad ee uu yeesho dalkani Maxamed X.Ibraahim Cigaal waxaana dib
loo yabyabay inta badan laamihii dawlada oo ay ku jirto Wasaaarada
Caafimaadka wixii intaasi ka danbeeyayna xaalada caafimaad waa ay
kasoo raynaysay iyadoo ay Wasaaradu kusoo shaqay marxalado aad u
qalafsan oo aan ka xusi karno xataa mar aanu xafiiska u sareeyaa
qalabaysnayn. Sidoo kale xarumaha caafimaadka sida cusbitaalada iyo
xanaanooyinku waxaay ahaayeen kuwo burbursan isla markaana sifiican
aan u wada shaqayn .
|