Waa Sheeko Taxane Ah oo magaceeda la yiraahdo Isbedel Doon

 

 

Cali yare waxa uu ahaa wiil dhalinyara oo dadaal badan Salaa di ma dhaafi jirin, Wakhigiisana waligii ma dayacin waxaa uu mar walba ku dadaalaa jiray  Waxbaras hadiisa iyo sidii uu u gaadhi lahaa heer jaamacadeed una noqon lahaa qof cilmi leh oo dadka anfaca , reerkoodu wuxuu iska ahaa Reer danyara, wax hantiya waxay ku dhaadan jireen Guri yar oo laba Maqsina oo Magaalada koornaheeda ku yaal iyo Dukaan yaroo Jeeble ah oo xaafada ku horyaal, galinka danbe marka uu cali yare ka soo baxo bareefadka ayuu hayn jiray tukaanka yar halkaasi oo uu kasoo saari jiray qayb nolol maalmeedka ka mida, gaar ahaan waxa uu ku dadaali jiray inuu kasoo saaro dukaanka yar Dirayska Ciyaalka iyo Bisha Iskuulka,


Dukaanka yar ka sokow Cali Aabihii wuxuu caano Maalaa xoogiisa,badanka wuxuu ku shaqeeyaa inyaroo xirfada oo uu barigii Ololihii qarjajac ku bartay waxaanu Reerka ka hayaa kaalin adag oo lagama Maarmaana, in kastoo uu yahay da’a  xa nuunana yara jilciyeen hadana wuu shaqeeyaa oo Maalin kali ah ma Nasto balse wuxuu ku hami wayn yahay in Inankiisa Cali yare uu ku nasan doono oo uu ka  sha qayn doono hawsha Reerkooda sifiicana u ga soo bixi doono kaalintaas.

Cali waa wiilka ugu wayn waxaanu sanadkan ka baxayaa dugsigii sare oo wuxuu Dugsigii dhexe ka baxay Saddex sano ka hor, waxaanu ka mid ahaa dhawrka Arday ee Galaaskooda ugu xariifsanaa uguna dadaal badnaa , dhawr jaaisadood ayuu qaatay wakhtigii uu dhiganayay Dugsigii Dhexe iyo kii Hooseba, waxa uu xiisayn jiray Maadada Xisaabta oo uu aad u jeclaa. Had iyo jeer marka uu Macalinku su’aaal waydiiyo Ardayda sida il-bidhiqsiga ayuu uga dhex boodi jiray si degdegana u furfuri jiray Masalooyinka Xisaabta ah ee ay hadi iyo goor ardaydu ka cawdaan ee ku dawakhaan ,


Iskuulka ka sokow wuxuu dhigan jiray Bareefad uu xisaabta ka dhigan jiray iyo mid uu luuqada English-ka ka dhigan jiray, Habeenkii halka ay dhalinyarta qayrkiisa ahi ka tagi jireen meelaha lagu caweeyo ee ay Dumarka iyo Ragu is dhex yaacayaan iyo Fagaarayaasha lagu kulmo , isagu Ficilada noocaasa kama ag dhawaaan jirin, balse dhawr wiil oo aad u dhawrsoon ayay Masaajidka kitaabka  Buluuqul  Maraa mka kasoo wada marsan jireen, Waxaanay Dhalinyartan Fusuqa iyo Fasahaadka ku caanbaxay ku xaman jireen inuu yahay SUUFI balse Dhaleecaynta caynkaas ah dhag uma dhigi jirin ,


La soco qaybta labad ..........................
 



 

Fuaad Abdilaahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com