Waa sheekadii dumar waa ninkeed bila iyo ninkeed biiya- Qaybtii Tobnaad

 

 

MALA KUFAY KIBIRKII

Haybe wuxuu dhabanada haysataba oo yaab iyo fa jac lago’sanaadaba waxaa uu sameeyay oo isbarbardhigay marwadiisi dahabo ee dadba kawacan iyo minyaradiisii Xalan ee uu magaceeda kuraacay una bixiyay  roob la dhacda quruxdeda balse noqotay midaan quruxda looga hoosaynin kadib waxaa uu ogaaday inay gabadh iyo  ga badh la’aan isu yihiin islamarkaana waxaa uu isugu  yee dhay tokiisii intay wada tashiga lahaayeen kadib waxaa uu u sheegay inuu  ki braayay markii hore kibirkiina uu la kufay iyo dhibaatada kahaysata gurigiisa.

Iyagaa oo markahoreba dareensanaa oo ujuuqi waayay dhibaatada haybe dushiisa ka muuqata, waayo iyagu waxay ayidsanyihiin dahabo oo ma ogola inuu meel kale unuux nuuxsado haybe waxaa uu usoo jeediyaay dhaliilihii uu kaga tagaayay gabadhan,hadaanu sidaa yeelina way ku adkaan lahayd wayo dumarka barigii hore hawlyaridaa laguma furijirin ee tolbaa odhan jiray waxad ku aragtay afada sheeg aanu kula aragnee markaa imika isagoon awalba  tol kii isaga naag kale larabin ayuu isna dhaliilo usoo gudbiyay kadib haybe  wax aa uu tolkii kula tashay inuu furo gabadhan oo intaanay da’sadexaad udhalin hangool faraaro leh iskaga qabto, hadaba horaa looyidhi waxtarso waxbeel bay dhashaaye waxa uu kaqaday minayradiisi raad kulayl iyo  dawakhaad.

Haybe waxay ugu darnaan jirtay markastuu xasuusto taladii qiimaha lahayd ee marwadiisa dahabo markuu ushegay inuu guursanayo ay usoo jeedisay ee ahayd anigu guurkaad guursanaysa shido iguma hayee waxan kuu baqanaya adiga, kadib waxaa uu ku go’aansaday inuu furo waanu kadhabeyay oo way kala haajireen gabadhisii Xalan ee uu roobladhacda ubixiyaay, minyaraysata yna kuna noqotay ninkeed biiyada, Waxa hanti maguurto ah unoqotay  marw adiisi dahabo ee ninkeed bilada ahayd ilay horaa looyidhi (LAMA HURAAN WA A CAWS JIILAAL).



Waa tuma ninkeed bila?

Ninkeed bili waa gabadha marka la guursado ee ninku ka xoolo bixiyo gabati iyo yaradba ee ninkeeda loo wareejo inanta reerkeeda iyo inaanka reerkood uba dhisaan iskuna xooleeyan oo guri cusub u yagleelaan oo ay noqdaan  ree r meel degen oo yeeshay guri iyagu iskood iska leeyahiin maamulan karaan, waa gabadha sidii la doonayay ee xididkeeda iyo ninkeeduba ka filaayay bu xise noqota gabadh is gaadhsiisan.



Waa gabadha ceebta iyodhaliishaba iska dhawrta

Waa gabadha hadalka ninkeeda iyo hantidiisaba dhawrta ee ninkeeda dushiisa biyuhu kadaataan ee korkiisa laga dhaashto sidii dahabo oo kale had iyo jeer waa marwada ninkeeda laga dareemo widh widh iyo dhalaal badan oo aan hore loogu aqoon markuu inaanka ahaa.

Ninkeed bili waa marwada diiteeda iyo ninkeedaba isku ilaashatee ninkeeda ka dhawrta canaanta, hadalka qaloocan, hiifka, hatigaada, hadalada dhagidiidayda leh iyo dayacaba.



Ninkeed bili waa gabadha isgaadhsiisan ee loo yaqaan marwada amaba xaaswal waalka

Dumarku iskuma jiraane ninkeed bili waa marwada tolkeeda iyo xididkeedaba xeerisa

Marwadu waa gabadha gurigeeda dhixirka u xidhatee gurigeedu noqdo damal hadhwayno lagusoo hirto

Waa gabadha mudane iyo marwaba xaqa iyo sharafta ay kamudan yihiin taqaan, waa afada tolka iyo xididkuba kamahad sheegtaan ee marka ninkeeda raga kale xamanayaan layidhaahdo (waar niyow ninkii hebel maaragteen korkiisa laga subkanayaaye niyow tolow muxuu cunay ee kuwa kale ee ogi ugu jawaaben waar afo nasabuu heloo marwo ah oo sidaa kadhigtay) waar iska daa ninkii hebel gabadh iyo maa haa gabadha uu helee.


Marwadu waa ta wakhtigeeda kulumisa gurigeeda, ubadkeeda, iyo ninkeeda


Wakhtiyaday gurigeeda kusugantay waa ta samaysata hararka sida isku jooga,shanlaha,sadexlaha,googoska, waxaa kaloy diraarsadan oosamaystaan kabada,aloolka, abjadka,karbashka,kooraha, dhinca kale waa gabadha soo hata ee tidcata xadhkaha rarka awrta lagu isticmaalo sida  yeesha caynka bayda ,dabarka,hogaanka, iyo xadhkaha guryaha lagu dhiso,lagu raro,ama lagu xeero sida xeerarka taxayaasha dhigaha iyo udbaha laysugu taxo iyo kuwa lagu sameeyo cawsaska ee laga sooho maydhaxda iyo xiga.


Ninkeed bili waa afada gurigeeda illa xidhee uduga iyo carfiga ka soo  kamkam aya qof kastoo geel daaq u jiraa sanka la sooraco sida saxansaxada roobka

Waa afada afkeeda kadhawrta nasabcayga, tolcayga iyo aflagaadada.waa marwada wax kastoo ilahay kukeeno cudur iyo caafimaadba tidhaahda Alxamdulilaah

Waa marwada hadii ninkeedu camalwaayo ama qutaldaruurigooda soo  heliw aayo ee wakhtigu ku yara adkaado waata niyada udhistee tidhaahda xaaji Allaa weel madhan buuxsha kabuuxana madhiya ee anaga hanoo warwarin ilaahaybaanu macsuun unehee

Ninkeed bili waa gabadha looyaqan marwada, xaaswalwaal, raaliyo, raaswayn , waagabadha intaaso sifo yeelata ama loogu yeedho

Waa afada sodohdeed subag ugu falaxashee sodogeedna casaryaha ugu roonata.ee sidii aabeheed oo kale u ilaalisa

Dumaashiyadeedna soorta kahaqabtirtee ay kuso hirtaan, ninkeedana  agtee da aan lagawaayinee markuu gaajaysanyaay iyo markuu dharagsanayayba taqan sida ubadkeedana ukolkoolisee isna qofkastuu is yidhaahdo uyeedhba magaceeda ugu yeedha wanaaga iyo xubigay gashatay awgii. Waa afada  ub adkeeda dayactirtee wadka mooyee wadeecada kadhawrta

Waa afada magaca aabeheed, hooyadeed, walaalehed, iyo ka tolkeedba  dha wrta hablohoodana magac wanaagsan uhorseeda ee lasoo hidoraaco jidaal dheerna laga soo haybiyo

Waa marwada ninkeeda iyo ubadkeeda cimrigeeda ku agdhamaysata ee aan marnaba kadudin gurigeeda waayo waxay xeerisaa rerka guursaday iyo kay ka dhalatay labadaba.



Waa afada marka ninkeeda oo daalan kana yimi shaqo markuu soogalo  kutidh aahda xaaji hore usoo dhaaf oo fadhiso iskna Saar kabaha oo naso markaa aad wax cuntid ee caruurteedana kutidhaahda hooyo aabihiin wuu  daalan yahay oo wuu inoo soo shaqaynaaye haku qaylinina ee soodhunkada oo ka kaalaya kadib biyahana udhiga haysku qaboojiyo hooyo aabihiine.

La soco qaybta 11aad……………..
 


 

 

Qalinkii Nuura Maxamed Cali
Nuura_happy@hotmail.com
Burco Somaliland