Waa Maxay Waddaninnimo

 


Waxaan salaamayaa dhammaan ummadda waddaniyiinta ah ee muwaaddaniyiinta somaliland. Salaantaas haddaan ka gudbo, waxaan qoraalkaygan ku soo qaadanayaa akhristow waa maxay waddani? Haddii su,aashaas jawaabteeda aynu u fiirsanno ma adka, sida aynu wada ognahay dhulkan ilaahay ee aynu korkiisa saarannahay ummad waliba meel ayay ka degtay ama ay ku nooshahay oo ay la bexeen magac u gaar ah oo lagu yaqaanno oo ay maammul u samaysteen oo dabadeena ay ka raadsadeen arsaaqaddii ay ku noolaan lahaayeen, markaas kuwii iimaansaday meeshaas ay adduunka ka degeen ilaahayna wuxuu u fududeeyay in ay kala soo baxaan wixii ay ku noolaan lahaayeen iyo wixii ay ku deggenaan lahaayeen , laakiin kuwii aan aamminin dhulkii ilaahay adduunka ka siiyay waa kuwa maanta qaxootiga lagu sheego ee kolba waddan kale u yaaccaya sharafna aan ku haysan, kuwa ay meeshoodii ugu tegeenna si liidata ugu hoos nool.

Haddaba haddii aynu is waydiinno goorma ayuu qofku waddani noqonkaraa waxaa kuu muuqanaya in uu qofku la yimaaddo sifooyin dhawr ah tusaale ahaan waa inuu qofku imaan leeyahay oo qalbigiisu marwalba xasuusanyahay ilaahii abuuray, waa in uu qofku iimaansadaa meesha uu ku noolyahay ama dhulkiisa uu dadka kale ka leeyahay, waa inuu ogaadaa in dhulku isku mid yahay oo uu ka simanyahay khayraadka ku jira, waa in uu qofku nololqaybsi la sameeyaa muwaadinka ay waddanka ku wada noolyihiin oo uu ula dhaqmaa sida walaakiis ama walaashii oo ay meel uga soo wada jeestaan wixii dhibaato ah waa in uu qofku ogaadaa in khayraadka dhulkiisu gacantiisa ku jiro oo uu ka fikiro sidii uu ugala soo bixilahaa kana ilaaliyaa waxkasta oo dhibaato u gaysan kara waddankiisa waa in uu qofku qiiradiisa dhulkiisa kaga horraysiiyaa qabiilka uu ka dhashay, waayo haddii aanad waddan lahayn oo aanad ilaashan qabiilkuna qiima yeelanmaayo, markaas akhristow waxaa halkaas kaaga muuqanaysa inta qofka iimaankiisu ka maqanyahay meesha uu ku noolyahay khayraadka dhulkiisuna in uu ka maqanyahay.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa qoraalkaygan waddamada hore u maray waxay taas ku gaadheen mudnaanta ay siiyeen dhulkooda iyo sida ay u aammineen ciiddooda ay ku barbaareen waxna ugala soo baxeen markaas walaallayaal waxaad ogaataan in uu dihinyahay dhulkeennu oo uu sugaayo dadkiisa sidii ay wax ugala soo bixilahaayeen waxaanu ka mid yahay dhulka Somaliland waddamada ugu qanisan ee goormuu dadkiisu hoos u eegi? waa su,aal furan.
 


Wa billaahi Tawfiiq

 



Deeq Cabdi Digale

Bolton UK