waa maxay dirawalnimo waa maxayse gaadiid

 


 


In yar oo araaar ah hadii aan ka horeysiiyo, inta aanan duluc-da qoraalkeyga u dhaadhicin.Geeridu waa
xaq, qadarka allana cid hor joogsan karta ma jirto. Iyada oo ay arrintu sidaas tahay ayaa hadana bani-aadamku
geeri kasta magac u bixiyaa, Sida wuxuu ku dhintay shil Baabuur, Wadnaha istaagay iyo wixii kale ee la mid ah.

Hadaba, inta aynaan guda gelin jawaabta suaasha, waxaa iyana xusid mudan inaynu is-weydiino oo wax ka ogaano WAA MAXAY GAADIID?
Gaadiid waxa loo yaqaana wax allaale wixii meel ka dhaqaaqa ee socod meel kale ku gaadha. Waxaa dhaqaaqay waxa ku jira
Caruur aan caqli lahayn, Curyaan, Waayeel aan dhaqaaqi karin iyo xayawaan kale oo fara badan Qaar gur-guurta, iyo qaar socdaba.

Sidaas darteed ninka ama qofka wadaha ah (Darwal) ka ah waxaa laga raba oo xil ka saaran yahay inuu saxo khaladka ay galayaan Gaadiidkaas
aan kor ku sheegnay.(Darwalnimo waa sixitaanka khalad gaadiika kale).

Qofka masuuliyada intaas leeg gar-bihiisa la saaray, waxaa looga baan yahay inuu leeyahay aqoonteda, ugu yaraana sannad wax barasho ah u qaata,
marka horena waa in loo helayaa macalimiitii aqaanta lahayd, ee fahamsiin ama soo saari lahayd araday masuula oo garanaya hadba meesha
uu marayo xaaladeeda, iyo Ixtiraamka gaadiidleyda kale. Taasi waxay yareynd lahayd shilalkan dalkeeni aafeeyey.

Xilka Dawlada saarin wax ka mid in magaalooyinka dhexdooda aanu socodku ka badan Km 50, cida ka badisna ganaax aanu ka soo waaqasan
la saaro. hadii ay sheekadu noqoto gaadha anaga leh sidaa doonana waa u soconayaa, waxa imanaya khalad aan laga soo waaqsan karin iyo
wax yeelo fara bada.

Gbagabadii ilaahay ha ina nabad galiyo, laakin inaguna waa inayn dadaalna. ilahay wuxuu yidhi aan ku bixiyii meel leexsan seexo.



Maxamed Yuusuf Buux.

Holland