WAA MARAG MA DOON WAXQABADKA MUUQDA EE MA AYARKA GABILEY HADAAN LA IS INDHO TIREYN

 

 

WAXAD GAAR USAARTAN
WAXAD GAGI KA CAYDAN
WAXAD GEED XAJIIN BADAN
HOOSTIISA GAYSAAN.
RUUX QABYAALAD AAN GAYIN
OON HOOS UKALA GURIN DADKA
GUULAHEEN SIMAY.
GABILAY UUN KU WADA NOOL


...... Waxan aad ugu hanbalyaynaya Mayerka Maanta jooga Gabilay ee Garashada iyo Kartida Rabi ku manaystay, Hibo da gaar kaana Allah usiiyay anshax wanaaga iyo Walaalaynta Bulsh adiisa.

....... Mahamed Amiin Omar iyo Golihiisa Deeganka iyo dhaman Hawl wadeenada ay wada shaqe eya anba waa dad gacmaha isku qabsaday inay horumar gaadh siiyaan Magaalada iyo Dhama an Deeg aan.

WAX QABAD KIISII WUXU KA HORASYSIIYAY MAXAAD QABATAA EEN HORTA LA QABAN ???


FIKRADA OOD HESHO AYAA KA QAALISAN INAAD WAX QABATO. ADUUN KANA FIKRADAHA WAA LAYSKU QIIMEEYA WAANA LAKALA IIBSADAA.

...... M.Amiin wuxuu judhadii uu kursiga fadhiistayba wuxuu fikiradeeda iyo hawlgalkeeda ku dhaqaaqay sidu wax uga qaban lahaa waddada Halbawlaha u ah magaalada, hormartana Xarunta Magaalada laga Maamulo ee Dawlada Hoose.

..... Waxa uu markiiba ka hawl galay siduu uga dhigi lahaa nooca Casriga ah ee Rooga loo yaqaan. si anay18 may Dad waynaha iyo Ciidamada Gaardiga ku bixinaya anay Boodhka iyo hantaaqda ugu dhibtoon una hirgashay.

...... Waxa kale oo uu markiiba ku fikiray siduu u Bixin laha Lacago daymo ahaa oo ay Maamuladii hore kaga tageen Dawlada Hoose lahaayena Dad Rayid ahi iyagoo ubaahana waqti dheerna sugayeen.

...... Waxa kale oo uu fikiray sidii Hooyada Uurka leh ee Magaalada ku dhax Umusha ugu dhisi lahaa meel ay ku Umusho kiina waxuu Dhisme ku kordhiyay MCH horee yaraa.

......Waxa kale oo u fikradeeda iyo hirgalinteeda lahaa Laydhka Soolarka ee uu ku xidhay Kaantaroolada Magaalada kaason hore ujirin wax wayna soonkordhiyay xaga Amaanka.

...... Waxa kale oo uu fikiradiisa lahaa Garoonka Casriga ee Mow Farah ee dhismihiisu socdo si ay ugu kala nafisaan Dhalinyarta Magaaladu iyo in hadhow lagu qabto Ciyaraha Gobolada kiina waaka socda.

...... Waxa kale oo uu fikiradeeda lahaa sidii Magaaladan madoow ee Waraabuhu Habenkii dhex socda ay Laydh uheli lahayd. tiina waaka laydhka Solarkaa ka bilabay sidaana Magaalada uwada gaadhi doono.

.....waxa kale oo uu Fikrada iyo Hawlgalkeedaba laha Dhulka hantida guud ah ee Dadka gaarka ahi iska ooteen inuu ugu faaiideeyo Bul shada Gobolka uguna Baaqo in Cidii ku Maalggashanaysa Warshado 6bilood gudohood lasiinayo.

Taasina waa arin aan hore loo arag aadna umihiima in Bulshada Gobolku ka helidoonan Shaqo iyo manafacaad ba.

...... Waxa kale oo iyina Fikrad midha dhal ah noqotay in Magaaladi Jaga Buldhuqda ahayd ee Garanwaagu qariyay loo baneeyay wadooyin Magaaladiina loo qaybiyay 4 xaafadood oo afar xarumood oo Magaalada laga maamulo.

...... waxa kale oo uu Fikradeeda iyo Hawl galkeeda lahaa In Masaakinta la Nool Xanuunka Dhimirka Bisha Soonka ee Makhaayaduhu Xidhan yihiin uu uqabtay Dad Cuntada ukariya una qaybiya,Intaa waxa dheer adeegyo Bulshada ah oo farabadan sida dayac tir Dhismayaal qabyo aha iyo Qabashadii Ciyaaraha Gobolada ooy Ciyaartoyga Gabiley noqdeen ku wii ugu Nolosha wanaagsana Kalsonida iyo Guushana ku helay Mayarkooda.

......Wuxu Nooleeyay kalsoonidii Qurba joogta jecel Horumarka gobolka Isagoo Xidhiidh fiican lasameeyay. Taasina waxay keentay Daacadnimadiisa iyo Aaminimadiisu in Deeqihi Gobolka loo soo dirayay isaga la soo mariyo Arintasina hore Umay dhicin intii Masuuliyiin tii ka horeyay joogeen.

...... Waxa kale oo dhexda ku soo jira Fikrado iyo Waxqabad aan hore usoo marin Gobolka oo wax wayn ku soo kordhin doona Magaalada.
Aynu Bisinka u qabto.

WAXQABADKA ANAN HALKAN KU SOO BI KARAYN EE SANNAD GUDAHEEDD MAYERKA IYO GOLIHIISU KU FULIYEEN SOW IN AYNU INDHAHA UKALA FURNO MAAHA .
KUNA GARAB JOOGSANO SI WAX KASII BADAN AY INOOGU FULIYAAN.
Maansadii Abwaan (laabsalax) baa ahayd.


  HA KA GUBAN WALAALKA
WUXU LIBIN GUDOONSADO.
HANA NOQON QOF GAASIRA
GUUSHA ADAM TARAN SADO.


...... 40% Dadka Hargaysa Degani waa Reer Gabiley wax tar kooduna faalo mooye aan faa iido ulahay Gobolkooda, Abaartii ugu adkayd ee ka dhacday Goboka ee Aduunkoo dhan Qayla dha antu gaadhay waxa laga yaabay xagay ku maqnaayeen? marka laga reebo dhawr Ganacsato ah. maxaase looga waayay inay dadkooda dhibtu gaadhay usoo gurmadan?
Arintaasina waxay ku kaliyaysatay uun Dawlada Hoose,Ganacsatada iyo Qurba joogta.

..... .Qofku waa bini Adam isku dhamina ilaahay mooye Cid isku dhami ma jirto....balse Mayer Amiin umu Dhalan Nin Bulshada Reer Gabiley ukala Eexanaya Hanti Xaaranana Cunaya...... taasi wax jirana maha mana jiri doonta, waayo Amiin waa Inan Amana xafida ah oo Ku dhaqanka Diinta Rabayad ku soo qaatay Bulsha kala duwana lasoo Dhaqmay.
waxanan huba inuu malintuu ka tago Maamulkaa u katagi doono isagoo Xaaran ka Bariya.

...... Xaaran Cunaku isma qariyo Amiin waxa uu soo maray isagoo intan kayar tijaabooyin badan uu ku maamulay Hanti anu lahayn oo wax loogu qabanayo adeegyo Bulshada ah anu gacantiisa ku soo guray waliba aanu haysan wax shaqo ah, hadu Xaaran Cunayo taasuu Cuni laha.

CIDII WAXAN JIRIN KU EDEYSANA WAXAY KA DHIGAN TAHAY UUN DUCO FAKATAY HABAAR MA GAADHO.

============================


TALO GUUD OO REER GABILAYA.

...... Waxan kula latalin laha Dadka Cabashada TV yada lasoo taagan ee Lacagta Kastamka Kal a baydh ee Qaranka Soomaliland oo dhami leedahay ayaanu leenahay. waa wax lala yaabo! H adaad qaranka kasheegatana way jiran Meelo badan oo udiyaara in Kastamka laga dhigo, Gab ilay inta laynooga gooyana waynu wada naqaana.

...... 25 Sanno ee ugu danbeeyay Gabiley iyo ashkatada Dawlada Hoose way taagan tuhuun! Waxay uga taa gantahayna waa qalad ka qalad uun lagu saxayo ee Raad kii hore uun la raac ayo.

Hadii waqtiyadii hore ee dadku Bisaaradu kukululad ay Wax qabadkaba Fara laabka ka jeclaa yeen laga soo gudbay maha in wadadii hore uun la raaco.

...... Waxaa looga fadhiyay in inanka 25 jirka ah ee waqtigaa dhashay ee Cilmiga lehi uu ka fikr ad du wanaado Qayladii uu ku indha baraqsaday oonu halkii uun ka sii wadin.

HADII KALE WAXAYDIN NOQON QISO CARABIYA OO AHAYD ODAY CURYAAN AHAA AYAA MAR KA WAAGU BARYO ODHAN JIRAY AQALKA HORTIISA IFADHIISIYA..... ISAGOO ISKA DHIGAAYA QOF MISKIINA OO QARA FAYSANAYA.......ILAYN CIIL BAA KA HAYA DADKAA CAGAHOODA KU SOCDEE.....BAKOORAD UUN BUU QAATA YOO CIDI AGMARTABA LUGTA UUN BUU KA SUDHA SI UU UDHACO.
HADABA YAYNAN BAKORADA KU SO QABAN KOLBA KII BULSHADA WAX UQABANAYA.

......Dadka qaarna yaanay U arkin inan Mayerka ka difaacayo...... Eedo loo soo jeediyay balse waxan ka warbixina yuun waxqabadkii aan goob jooga u ahaa een soo arkay iyo wixii iga dan beeyay een Warbaahinta kaga bogtay.

Wabilaahi Tawfiiq.
 

 

 

Amina Aw Jaamac Mumin
Cardiff,UK