Waa maanso la magac baxday , ILAWSHA DHAWAA DADKAYGU
 

 

 

 


BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM.


Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan Timacade Media Group, iyo Hawl wadeenadeeda shar afta leh, marka labaad salaan iga gaadh siiya dhamaan reer somaliland ka dhab ta ah, een daad ka is raacinayan, jecelna jiritaan keena.

waxaanan u rajaynayaa Guul iyo Gobo nimo joogto ah, iyo dabaal dag wanaagsan ciida 18 may. . Idin koo iga raali ah, halkan waxaan kusoo lifaaqay, Maanso la magac baxday ILOWSHA DHAWAA DADKAYGU, waxay ka hadlaysaa dhibaatooyin ka soo noq noqday, iyo dhibtaa maalin walba sab abaysa Geerida dadkeeni, oo runtii ah wax laga naxo , ila eega maansada:

 


 


Ayaan daranoow dad kayga
Ayihiisii miyuu iloobay
Albaabada may su ooday
Intuu ablaydii la booday
Adhax da mays ku gooay
Adoon si miyaan u baah-day ?
Saw kan alwanaaya maanta
saw tan aqoontii habaowday
Askari beeleed haleelay
Indhii aqoonta awday
Haddeer ayao laa,anta taagan
Agoonta iyo dumar ka ooyay
Awoow good ubad ka laayay
Abahood irid ku ooday
Adeer kood daawanaayo
dawladdi afkeedi jooq na
Odayna maba adeego
Ilaahay agtiisa mooyi
Ayaamuhu inay ka toosi
La arkaa inay agtooda
Ayaan tu mar kale hagaag to

*****

Aroor walba oohin taagan
Aroor wal ba mayd la aasi
Aar goosi iyo colaad dan joogta
Ambad kani reer ka hays ta
Hadduu geeli kala arooray
Ayax beertii ku foofay
Addoon si hadduu bilaab may
Arligani yaa habaaray?
Afwayne maxaan u sheeg tay?

*****
Ayaan daranoow dalkaygu
Aqoon darana dad kiisu
Ilawsho dhawaa agoontu
Aabahay miyaan u aaray?
Adax da kii i gooyay
Afoofay suntii shisheeye
Gawracii shaly aroor yo
Iyagoo nool qaar la aasay
Maantana hadaan arooro
aafadu halkay taali doonto
Aar koodi xageen u raaci ?

*****

Hadaan alwanaayo maanta
Ibtilo hadaan ag joogo
Afakayga hadaan ilaasho
Ambad kaa hadaan ku eego
oofin waayo abaal kii mujaahid
Ayaamuhu kala astaysto
Ubad kii albaab ka jiidho
Abaaraha dad kii ku eego
Kaligay hadaan arooro
Aqal dheer kali samaysto
Aroos wacan uun ahaado
Ayaan daraneey naftayda
Aqoontii xaggeen u leexshay?

*****

Ilaahoow inaan afeeftay
xumaantii agteeda diiday
Alif kii inaan bilaabay
Albaqrana aanan joojin
ALM, kusoo egaaday
Alxamdu aan ku ooday
Ayaan daran aan tilmaamay
Agoontii inaan u hiishay
Awoodi halakaa is taagtay
Ilaahoow adaa arkaaya

*****

 

Abdulkhaliq Mohamed