SHASHAFO

 


Waan didn salaamay dhamaan Timacade groub iyo hawl wadeenada sharaf ta leh, waxaan halkan kusoo lifaaqay Maan so la magac baxday SHASHAFO, waxay daba socotaa, SHUKUX SHUKUX.

Waa maanso daba socota, Shukux shukux , lana magac baxday shashafo
Caraaloow adaan sheelinoo, shiin kii soo dhigaye
Shukux Shukux warkeedii helnoo, Shaafi nagu deeq ye
Shan midh luu intii uu yiqiin, dhaaf tay sheekaduye
Hadii aad shucuur teena wacan Sharaf ku maamuus tay
Hadii aan suaalaha shariban, sheeda laga raacin
Hadii aan shariir kii indhaha, Aragu shay baadhin
Shamadaha hadii aan la nicin, xumahan shuuqaaye
Shaki ma leh inay leexatoo,Shaani loo helaye
Shalay wixii layga digay, saw ma shushubanayso
Shashafada halkii lagu arkaba, saw shilin ki may raacin
Hasheenii shinkeedii galee, shacab ku dhawraayay
Halkii aan shucuur toosan iyo, sharaf ka eegaynay
Rag baa shakaal adag ku xidhay, inay shidays taan
Sheekada halkaa lagu qarsaday, iyo shuuqan dami waayay
Odayadan wada shawrayee, shaal ka wada qaatay
Garaad shiilan niman kaan ka rabay, shardna noo yiil
shashafada rag baa qaatayoo, Magacii sheelaaya
Xumahay kusoo shaac baxeen,Ubad ki shaydaan ku
Sharaf iyo aqoon tii la tuur, shiikh da taladiina

Shaarubaha libaaxii lahaa, Shaash kii laga xiirye
Dhurwaa baa shabeel loo dhigay,kuna shaqeeyaaye
Shamacii ifttimaayay iyo, Shamis kii soo muuqday
Shuqul kii Siyaad baa hadeer, shaacii laga qaadye
Nin xumaha shiilaaya oo, Shaadh qabiil xidhani
Shacnigii garaad kiyo suldaan,Shaabad lagu jiid
Shilin baa la dhaafsaday aqoon, sheekhii diintanae
shaadir bay habeen kii xidhaan, iyo waxaan la sheegayne
Shirix yada rag baa muudsadoo, cunay shariir yii dheh

Shalay wixii na soo maray xumaan, Dhiigu shalax leeyay
Shimbiraha ragii soo cunee, Diin ka kala shiilay
Maan tana shisheeyayaa hantiya,Shaadh inoo xidhanae
Shookaan ta kuwii noo qabtee, Shacab ku soo door tay
Geen yadaan shakaal kii ka furay xadhiga shaydaan ka
Ha shirirabaan kuwii aan lahaa ,xumaha maba shuays taane
Sharcigii kuwaa laalayoo, Shay ba meel dhigaye
Shan-ba-cayn Rag baa loo xidhay shiikiyoo maqane
Shaani maa mariin loo dhigay, Meherna may sheegin
Iyagaa shukaan sade garaad mana sharays taan
Sharad wuxuu ka yaalaa,halkaa shacab kii loo raray

Shan ka roon warkeedii hadaan shay ka yara tab to
Odaya dan shalaadaaya iyo, sheekhan laga baydhay
Maan tana shir baa loo qabsaday, waana shay adage
Sheekh iyo shariif lagu heshii inay shidays taane
Shanshadii rag baa qaatayoo, shiilay madaxiiye
Shurg baa xumaan lagu yahoo, Shaaci laga qaadye
Shantarad waa cayaayire haday wada shaxaysaa ye
Shamacii inoo baxay, Rag baa shiikhiyoo helaye
Shashafay ka door teen, inay shilin ka qaataane
Shacab kii sidii buu cidluu shawryaa wali dheh
Sharad wuxuu ka yaalaa, Shicib ka heeraya
Wa bilaahi tawfiiq

 



Abdulkhaliq Maxamed