GABAYGII XILDOON

 


 


Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan Timacade Groub iyo hawl wadeenada sharfta leh,iyo dhamaan umadda reer somaliland.Idin koo iga raaliya waxaan halkan kusoo lifaaqay gabay kor ku xusan,oo so qoto dheer uuga hadlayaa somaliland iyo xaalkeeda barakaysan.fadlan ila eega idin koo mahadsan

Abdulkhaliq Ali



Waa maansado la magac baxday (XILDOON KA REER YUTUB) waxay si qoto dheer uuga hadlay saa, arinka Somaliland oo ku socda kii LIBERIA, waagii madawga la soo celiyay, ayay dib u qab sadeen dalkii lagu soo celiyay, maantana Somaliland waxay gacan ta uugu jirta ninman Madax ka soo xiirtay Yurub, oon waxba xeerinayan,sidaa iyo akhris wanaagsan.

 

 


Boqol madaxa soo xiirtayoo
Yurub kusoo xiiqay
Iyo boqol xaafaddii laga soo eryoo
Ubad ki soo xooray
iyo Boqol xirababaaan lahayn
Wada xunbaynaaya
iyo Boqol xaraaradii heshoo
qaad u xilanaaya
iyo Boqol xisaab toodu tahay
xagasha soo buuxo

*****
iyo kuwii Gaal kuba xidh-xidhay
Xuluf ibays raacay
Iyo boqol xanuun qarinayoo
wada xaraamaaya
iyo qaar xildiid loo shidiyo
Xumaha dhiilaysan
Xigaal iyo sokeeyiyo kuwaan
ehel ba soo xeerin
kuwii xadhiga laga soo furfuray
Xagashu soo daacdayIyo
kuwo xabsiga lagu soo hoyoo

*****

xeerku qaban qaayay
Intaas baa xilkii lagu taxoo
Xaajadii dilaye
Xagee baan ka doonayaa garaad
Xaal ku waa halise
Dad nimdu xishood bay lahayd
Lagu xurmeeyaaye
xanaaniyo kalgacal bay mudnayd
Lagu xanaan shaaye
xayo iyo karaamuu nafluhu

*****
Garasho xeer shaaye
xeer beegti baa loo ogaa
Geed ka loo xulae
Xil-kas baa aqoon lagu ahaa
Lagu xujoobaaye
Kol haddii xaqqii laga tagoo
Baadil la xurmeeyay
Kol haddii xalaashii la nacay
Xumaha loo baydhay
xaraan tii hadday boobayaan

*****
Lana xaalaystay
Kol haddii xariif iyo mid xumi
Xusul ka duubayso
Kol hadii xaragadii la yidhi
Qaawi xubin taada
Kol hadday wixii loo xishaba
xaal ku dhiba keeno
Adduun yadi xadhkaha goosatoo
Xiisa-heed dhemay

*****
Xarka galay aqoon tii wacnayd
Sharfti xaaramay
Xilal kaa dhurwaa lagu taxee
xagar ka loo dhiibay
Mid I xiga, midkaa xagashay qabsaday
Kuna xisaab doona
Xanaf tiyo dhibaatada kuwaa
Diir ka xaganayaa
Danyartii kuwaa xuubiyee
xadhiga noo qoolay

*****

Xulufaysigaa hebeen iyo dharaar
xabag ta boobaaya
Garashadaa aqoon lagu xanibay
Xiin kan dami waayay
Qabiil kani xawaaraha socdee
Xeerki jabinaaya
Xareedaa habeen iyo dharaar
Xeebta ku carawday
Xunbadii geelaane dhalay haddii
xamas ti loo diiday

*****
Xoor keedi maan deeq haddii
Xooxba laga waayay
Garaad kaa xilkii sii gayee
Naga xishoon waayay
Xamxamta iyo falaada kuwaa
Xumaha saydhaaya
Been taa xariir lagu dadee
Xilaha doonaysa
Xagal daaca maatida heleey
Xiigday gabigeed ba

*****
Xulad kaa kaymaha la sudhay
Xagar kan qiiqaaya
Goleyaashan xeer kii hagraday
Xaab ka guranaaya
Guurtidaa Xilkee dii gabtee
Xerada noo buuxshay
Xod-xodasha qabiil kiyo wax daran
Ragga xumaha beeraaya
Culimadana xisaab tii badalay
xoogsiga u baydhay

*****
Dhagan kaa xijaab tee midkale
Haatan lagu xiiqay
Xusbigaa qabiil nimo rabee
Garashadii xooray
Xoriyaddii haddii laba nacooy
Xaabadaw guratay
Xaggii ay u ciirataba haddi
Xulad ku qiiqaayo
Geed kii xinjiraha lagu beeray baa
Haatan xaalufaye
Maxaan ka xiiqaa Maxamadoow aduun
Xiisii dhimayye