Waa
Maan Guracan iyo Garasho Jaan
Taladaan la ruugin waa lagu
rafaada, waxaan uga socda oo aan uga jeeda si da dhibta yar ee
wixi la soo dhisaayay dhowr iyo tobanka sano Dahir Riyaale iyo
wasiirkiisa Arimaha dibadu C/laahi Maxamed Ducaale u minjo
xaabiyeen taasina waxay muujinaysa siyaasada aan ku dhisnayn si
cilmiyeeysan iyo mu staqbalka fog aan higsanayn se ku qotanta
danaha shakhsinimo kana aradan danta guud ee dalka.
Madaxweyne Riyaale miyuu ilawsanyahay in dalka uu madaxweynaha ka
yah ay aanu ahayn dal aan beesha caalamka ka haysan ictiraaf, marka
uu leeya hay waanu ka maaranay caalamka, mida kale miyaanay ka
mid ahayn mabaa didi loo dortay in uu geed dheer iyo geed
gaabanba u koro sidii uu dalkan icti raaf ugu soo heli
lahaa,teeda kaleeto madaxweyne riyaale maalinba ma dha n buu u
tukanaya marka uu safarada qarashka badan ku baxayeen ku iman
aayay wadamada dibada sida uu inoo sheegana uu ku soo koobo
”Qadiyada dalka ayaan iib gaynaya si aynu beesha caalamka uga helno
ictiraaf iyo kaal mo” hadii uu ka marmaayo xidhiidhka beesha
caalamka muu qarashka faraha badan ee ku baxaayay safaradaas
caasimada dalka ee biyo laanta loogu dhi manaayo biyo ugu
galiyo.
Himilada kowaad ee ay higsanayaan shacabka Somalilander-ku waa sidii
ay beesha caalamka uga mid noqon lahayen,siday himaladaas ku gaadhi
lahaayene waxay u soo mareen jaran jarooyin kala gadisan
saldhigeeduna yahay hanaanka xisbiyada badan ”Dimuquraadiyad”laguna
soo khatimaayay habkan casrige diwaangalinta ”tiro koobka
codeeyaha”si ay uga soo baxdo tiro sugan u jeedadeeduna tahay in la
helo doorasho xalaala oo la ogsonaan karo inta codaysay si ay ugu
qancaan sadexda xisbi iyo beesha caalamku. U jeedaduna maaha xisbi
hebel dalka madaxweyne ha ka noqdo,se waa sidii aynu u iib gayn
lahayn qadiyadeena beesha caalamkana uga heli lahayn ictiraaf taama.
Madaxweyne Riyaale waxa uu inoo sheegay in aanay Somaliland u
baahnayn beesha caalamka iyo kaalamadooda ay inaga caawiyaan xaga
doorashada, taas badalkeedina wuxu ina yidhi suuqa ayaan ka soo
amaahan lacagta doorashada lagu galaayo, se duqu wuxu iloobay ama si
badheedha u gees maray in himilada shacabku higsanayaan ay ka
weyntahay doorasho ay isaga,Siilaanyo iyo Faysal bar bartisiiyaan
hayaankuna yahay sidii ay beesha caalamka mar uun ay Somaliland uga
mid noqon lahayd xubin ka mida. Kala warla Xukumada Riyaale iyo
Shacabka Somaliland.
Waxa wax laga yakh yakhsoodo ah oo meel ka dhac ku ah shacabka
Somaliland hadaladi uu ka jeediyay shirkii ja`raaid ee uu qabtay
wasiirka arimaha dibadu C/laahi Maxamed Ducaale hadaan ka soo qaato
weedho ka mida hadaladii uu halkaas ka jeediyaya waxa ka mid ah.
“Waxa dhawaan la iiga yeedhay oo codsi iiga yimid Congress-ka
Maraykanka guddida Arrimaha Afrika, shirkaasi mabdi’iyan waan
ogolaanay, laakiin waxaanu ogaanay in arrintaasi xeelad kale ku
jirto oo la doonayo in la inagu wada hadalsiiyo Inaga iyo Maamulka
Somalia, Markii aan la tashaday Madaxweynaha iyo xukuumada waxa la
yidhi ka joog waanu ka joognay oo waanu diidnay.
Waxa dhacday in Guddoomiyihii
Guddidaasi uu yidhi haddii Somaliland ay shirkaasi iman weyday waanu
go’doomin doonaa Somaliland, waanu ku khasbi doonaa inay ku noqdaan
Somalia, axsaabta kale markii aan diiday in faraha loogu yeedhay rag
uu ka mid yahay ninka sheegta Xoghayaha Arrimaha Dibada ee KULMIYE
oo uu tagay sawirana la galay”
Wasiirku miyaanu talada ku darsan in ay fursad dahabiya tahay in
maanta Somaliland oo aan la ictiraafin baarlamaanada aduunka ugu
weyn uguna quwada badan mid ka mida arinteeni lagaga doodayo,
dooduna ay ina dhex taal dalkii aynu ka gonay ee Somalia, taasina
waxay soo dadajin lahayd in wadamo kale ay arinteena hoos u eegaan.
Ta kale ka sii daran wasiirku maanu ogayn in Maraykanku yahay dawlad
quw ad ku leh caalamka oo dhaawac weyn inoo gaysan kara haday ahaan
lahayd kaalamada dhaqaale iyo ta siyaasadeedba, wasiiraw sidaas
miyaa ku tahay wasiirki arimaha dibada,sidaas miyaa kula tashatay
madaxweynaha iyo xuku mada, Waa maan guracan iyo garasho jaan.
”Ruq ninkii laha dabada hayo walee ma kacdo”
Mida labaad Xisbiga Kulmiye waxa uu dib u soo celinaya fursadaas
qaaliga ee uu lumiyay wasiir ku sheegu, waxaanu Kulmiye heegan u
yahay ilaalinta dan aha qaranka, gaarna ka haya wasiirada aan
tayada iyo garashada lahayn ee siyaasada ku dhex asqooway si uu u
asturi lahaa. Hambalyo ayaanu leenah ay Xoghayaha arimaha
dibada ee Xisbiga Kulmiye.
Xukumadyahay Soo bari galey land gurusel gado guuxiisa mood gob
inaad ku tahay geeska afrikow, waa maan guracan iyo garasho jaan.
Abdifatah O. Abdi (Abdi
Kling King)
Oslo Norway
Kling_king@hotmail.com
|