WAA LAGA DUCAYSTAA AMMAANTA CISMAAN HINDI

 


CISMAN HINDI TUUG BEENAALE AH
 

Ducooyinka wacan waxa ka mid ah in Alle inag dhigo kuwa asxaabtoodu akhlaaq iyo daacad ku sifooba. Waxa afaf badan lagu yidhaahda maahmaah odhanaysa ninkaad baranayso u fi irso inta ag joogta. Shinbirba shinbirkiisa ayuu la duula. Waxa maanta aan ka xumahay in nin mas' uuliyad aad uga weyn uu u dhiibay odaygii la doortay si ay ka tahayba, inuu isna waa Xirsiye ku dhaqmo talaabooyin dadkii ka fogeeyey.

Kolka inta wanaagsani kaa orodo waxa kugu soo hadha inta xun. Waxa maanta Xirsow ku amaanaya waa rag aan loo sheegeyn Soomaliland sababta ay kugu amaanayaana waa adiga ooy kuu arkaan nacas amaanta beenta jeceyl , hiilna ka doonta kuwa la nacay iyo kuwa ilkaha isku garaca, aan ka libiqsan meel raqi taalo, sida dhurwaagana aan hadka waxba u reebin.

Kolka nin tuug ihi ku amaano nin shariif ihina ku caayo waa leys gartaa oo nafta lala xisabta ma, waana ramadaan aakhirkeedi ee naftaada la xisabtan, cibaadadana ku dar ficil iyo inaad nolashaada ku dhaqdo, yeyna ka noqon caado iyo is tus. Ha ka muuqato amaanada aad heyso iyo maamulkeeda.

Wax badan ka odhan mayo oo internedka ninka google gujiya magaca Cismaan Hindi, waxa u soo baxaaya Cismaan oo Kulmiye ah iyo waxuu ku yidhi Riyaale, Cismaan oo UDUB ah waxa uu ku yidhi Siilanyo, Cismaan oo wiigag ka hor shir jaraaid ku qabtay Hotel Crown oo leh waa in 7 Cisho gudaheed xukuumaddu go' aan ka gaadha qadyaddii HUBAAL.

Haddaba Hubaal weli qadyadeedi wey taagantay waxayna u muuqataa inay ka mid tahay waxa la kala iibsaday. Allaa caadil ah oo Hubaal xaqqeed wey heli, amba Cismaan ha iibsado oo cid kale ah. Waxa Cismaan xeerin wayey inanka dhalinyarada ah ee maalin walba uu dagaal aan arxan lahyn uu galiyey waa Diridhaba oo walaashi dhashay hiil abtinimana ku dhintay. Weynu ognay halka uu la gaadhay Xirsi iyo waxa uu ka qorayba. Isna maanta waa iib.

Cid waliba ha ku amaanto waa cey ee amaanta dadbaa ku wacan qaarna amantoodu waa cay. Haddaad Xirsow taas kala garan weydo, caqli xumada waxay ka dhalataa kibirka iyo yareysiga aad yareysato dadka qaladka uu sheega ee wanaaga kula jeceyl. Kibirku caqliga iyo aragtidaba wuu kaa qaadaa, duceyso oo Cismaaan Hindi, Boqor Buur Madow, Boqor Raabi, Cabdi Dheere ( Wasiir Xigeenka Difaaca), Kaysar ( Safiirka Wareega), Ina Abees ( Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada), Cabdifataax ( Wakiilkii Ireland ee Riyaale),ummaddu wey taqaan. Ammaantoodana waa cay, adey kula jirta. Waa iga talo ee dib isagu noqo nin dhalin yar ayaad tahay oo mustaqbalkaaga u tudh.Cid kale wax ha tarin ee naftaada ka fogee mag ac xumada ifka ah iyo cadaabta aakhiro.

Madaxweyne waan kuu duceeya, waana aakhirkii bisha Ramadaan. Alle ha ku tuso kuwaad aamintay iyo sidey magaca iyo taariikhda kaga dilayaan.

 

 



Cabdi Xaji Axmed
hargeysawi@ymail.com