Waa kuwama 7da siyaasi ee u tartamaya
mansabka madaxweyne ee JsL





Waxa aan xukuumada Madaxweyne Axmed-siiraanyo ugu baaqayaa inay hagardaamada ka day so saxaafada madaxabanaan,xoriyadiisana u soo celiso hawl-wadeenkii Saxafi.Maaha Madaxwe yne inaad xalaashato talaabooyinkii aad shalay diidanayd ee aad ku hogaaminaysay banaan bax yadii Kulmiye sannadahii aad u mucaaridka ahayd.Waa arrin uu ka xishoodo muwaadin mujaahid ahaa inuu maalin walba saxafi si sharci darro ah jeelka loogu taxaabo.

Hadaan u daadago halkaan qalinka la doonaayay waxa dalkeena dhowaan ka bilaabmi doona do orashadii deegaanka oo xambaarsan 2 xisbi qaran iyo 5 urur siyaasadeed oo u tartamaaya 3da xisbi qaran ee dalka ka jiri doona,una tartami doona madaxnimada Jamhuuriyada Somaliland had ii Eebe idmo.

Waxaynu ognahay 7daa urur/xisbi siyaasadeed inay kala hogaaminayaan ugu horayn xisbul xa akimka Kulmiye waxa la filayaa Muse Biixi Cabdi inuu noqon doono musharaxa koobaad,xisbiga mu caaridka ah ee UCID waxa rasmi uga sharaxan aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen,urur siyaasadeed ka Xaqsoor waxa si rasmi ah uga sharaxan Mujaahid Xasan Ciise Jaamac,urur siyaasadeedka Um mada waxa u sharaxan Dr.Gaboose,Urur siyaasadeedka Wadani waxa u sharaxan gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro,Urur siyaasadeedka Rays waxa musharax ka ah Xasan Gafa adhi,Urur siyaasadeedka Dalsan isagana waxa musharaxa koobaad ka ah Ismaaciil Yare.Horta 7d aa siyaasi ayaa la filayaa inay u tartamaan kursiga uu maanta ku fadhiyo Madaxweyne Axmed-siiraanyo.


Markaa kursiga ay u tartami doonaan siyaasiyiintaasi waa aayaha dadka iyo dalka,waxaana shac abka ku haboon inay qiimayn ku sameeyaan siyaasiga ay masayrkooda iyo dalkaba ku aaminaya an.Sidaa darteed waxa aan muwaadiniyiinta JSL u daynayaa jawaabaha waydiimahan hoos ku xa riiqan:



1.Waa kuma Mudane Muse Biixi Cabdi ?
2.Waa kuma Mudane Jamaal Cali Xuseen ?
3.Waa kuma Mudane Xasan Ciise Jaamac?
4.Waa kuma Dr.Maxamed Cabdi Gaboose ?
5.Waa kuma Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ?
6.Waa kuma Mudane Xasan Gafaadhi ?
7.Waa kuma Mudane Ismaaciil Adam ?

 


Waxa aan ku dardaarmayaa muwaadiniyiinta isku dayda inay jawaab celin ka dhiibtaan inay ka fogaadaan eex ,nin jeclaysi , qabiil iyo urur/xisbi  ee ay ku saleeyaan danta dadka iyo dalka.

 


 

 


Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL