JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

 

Hargeysa (TNN):-Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu til maansado xubnaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya

Qaybta 21aad



Dr. Muuse Qaasim, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah: Waa ku dhowaan 70 jir reer Gabiley ah oo aan mansab sare oo siyaasadeed hore u soo qab an. Waa dhakhtar sida la sheegay ka saaqiday ku-shaqaysiga mihnadda dhakhtarnimo ee caafimaadka dadka.

Dr. Qaasim

Waa xubintii ugu dambaysay ee ku biira liiska Golaha Wasiirrada xukuumadda haatan talada haysa, xilka wasiirnimo oo u muuqday mid aannu filanayna aannu waxa loo magacaabay Sab tidii toddobaadkan, waxaannu xafiiska ka tirsaday Arbacadii shalay inaadeerkii Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka mid ahaa wasiirrada Madaxweyne Siilaanyo sida gaarka ah ugu dhaa dan jiray, balse ay si kedisa isugu seegeen khilaafka cakiran ee waqtigan ka dhex aloosan xi sbul-xaakimka KULMIYE oo ay ku kala aragti duwanaadeen.

Waxa lagu sifeeyaa nin xariif ku ah siyaasadda fadhi-ku-dirirka loo yaqaan iyo muranka meel aha dadku ku kulmaan, waxaannu ka mid ahaa taageerayaashii xisbigii burburay ee UDUB xi lligii uu xukunka hayey suuqa uga jiray cambaaraynta xisbiga KULMIYE ee hadda u hibeeyey xilka aadka u culus oo si adag uga caayi jiray makhaatadaha marfashyada lagu qayilo.

Sida xogaha laga helay iftiimiyeen waxa uu xilka wasiirnimo ku helay nacayb xad-dhaafa iyo aflagaadayn joogto ah oo uu habeen iyo maalin suuqyada uga jeediyo sannadkii u dambeey ey Guddoomiyaha KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo waqtigan loollankii ugu adkaa u dhexeeyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay si adag ugu dagaallamayaan midkooda noqon doona murrashaxa jagada madaxweynaha ee xisbigooda uga qaybgalaya tartanka doorashada madaxtooyada ee la saadaalinayo inay dalka ka qabsoonto sannadka soo socda ee 2015.

Waxa kaloo xogahaasi tilmaameen in magacaabistiisa xilligan oo degdeg ahayd uu ku lug lahaa Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xubno Golaha Xukuumada ku jira oo ay saaxiib ku yihiin colaadda siyaasadeed iyo la-dagaallanka inaadeerkood Muuse Biixi oo sida la sheegay uu Dr. Qaasim si weyn ugu talax tago dhaleecayntiisa suuqa madaw ah ee aan saxaafadda iyo dibadda u soo bixin.

Sidoo kale, waxa la sheegay in dad aad u badan ku dhibsadaan af-xumo uu caadaystay inuu hudheellada iyo marfashyada lagu qayilo si aan tudhaalo lahayn ugu maago maalinba cidda loo adeegsado, isla markaana hab-dhaqanka noocaas ah geysiisay inay marar badan gacan ta isula tagaan rag ka damqada caytankiisa oo lagu tilmaamo mid macno-darro u badan.

Waxa lagu xantaa nin aan mabda lahayn oo hadba loo adegsado aflegaadada suuqyada ee siyaasiyiinta isku beesha yihiin iyo sidoo kale adeege dhega-nugul oo aan hankiisu dhaafsii snayn u adeegida dad dano gaar ah wata oo uu saaxiib kula noqdo aflagaadaynta maalinba cidda ay siyaasad ahaan is-hayaan, aqoontii iyo xirfaddii dhakhtarnimo ee uu bartayna ka doortay hawl aan munaasib ku ahayn oo dhaawac weyn u geysatay sharaftii iyo karaamad

iisii qofnimo. Waxa kaloo lagu xantaa inuu isagoo da’daas ah ibriiq lagu caytamo u noqday rag aad uga da’yar, aqoontiisa oo kalena aan lahayn. La soco wasiirka xiga…..

 

Xigasho: wargeyska Jamhuuriya