Waa Kuma Dr. Axmed Xuseen Ciise?

 

 


Marka hore Dr. Axmed Xusseen Ciise waa aqoonyahan heerka ugu sareeya ee lagu takhsuso ka gaadhay waxbarashada. Dr. Axmed waxa uu ka soo shaqeeyey laba xarumood oo ka mid ah kuwa aduunka u caansan xagga cilmi baadhista dhakhtirnimada iyo dawo baadhista. Muddo 12 sanadood ka badan wuxuu cilmi baadhe iyo professor ka ahaa Johns Hopkins University Medical School iyo Johns Hopkins School of Hygiene and Public Health. Johns Hopkins wuxuu ka mid yahay xarumaha caafimaadka ee ugu caansan dalka Maraykanka. Ka dib Dr. Axmed wuxuu muddo afar sanadood ah ka shaqeeyey xarunta cilmi baadhista ugu caansan dalka faransiiska ee loo yaqaan Institut Pasteur ( ama Louis Pasteur Institute). Hadaba Dr. Axmed wuxuu itnaaba ka doorbiday inuu dalkiisa hooyo u shaqeeyo isagoo ku laabtay 1998 isla markaana ka furay gudaha dalka xarunta IPRT (The Institute for Practical Research and Training).

IPRT waxay ahaa mac-hadkii u horeeyey ee ku dhiirada in shirar caalami ah lagu qabto Somaliland gudaheeda taas oo ay bilawday mar aan Internet iyo telefoon fudud iyo Huteelo dadka lagu dejiyaa midna jirin, 1998kii waxay isugu yeedheen Shirweynihii Kowaad ee Aqoonyahanada Somaliland si ay aduunka u tusaan inay Somaliland tahay meel nabad ah oo degan oo caadi ah isla markaana wax walba suurto


galin karta. Machado badan ayaa ilaa maanta ku dayda talaabadaa oo si fiican u sameeya shirar iyo aqoonisweydaarsi labadaba. Waxa mudan in dadkii markaa ku dhiiraday inay ka qayb galaan shirkaa u horeeyey ay ka mid ahaayeen aqoon yahano badan oo maanta Somaliland ka shaqeeya sida Guddomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirahman Cirro. Waxa kala oo mudan inuu Madaxweynaha Somaliland Mudan Daahir Riyale Kaahin uu dhawaan ku dhawaaqay qabashada shirweyne aqoon yahan oo kala tala bixiya ayaatiinka Somaliland.

Waxay noola muuqataa inay talaabadii Axmed qaaday 7 sanadood horteed loo arkay dan. Sanadkii 2002 Dr. Axmed Xussen Ciise waxa uu ku guuulaystay inuu Bandhig Caalamiya ka dhex sameeyo Congress ka Maraykanka halkaas oo ay isugu yimaadeen Safiiro, xildhibaano, aqoon yahano tiro badan. Dad badan baa ku tilmaama Bandhigaasi inuu indhaha u furay dadka iyo dawladda Maraykanka.

Hadii aynu dib u yar jaleecno waa kuma Axmed Hussein Taariikdha hadaynu dib u yar raacno Dr. Axmed wuxuu ka mid yahay halgamayaashii ugu waaweynaa ee ka soo shaqeeyey aduun weynaha. Waxa lagu tilmaamaa inuu ahaa dadkii ugu miisaanka badnaa ee Jeelka Labaatan Jirow ka soo Saarey kooxdii UFFO, iyo Madaxdii Sar-sare ee Kaligii Taliyihii Siyaad Barre xidhay oo ay u horeeyaan Ismacill Cali Abokor, Cumar Carteh Qaalib, Cabdi Ismaciil Duse, Sulayman Nuux iyo maxaabiis kale oo badan iyada oo markii u dambaysay Xukuumadda Maraykanku siidayntooda ku xidhay macaawinadii caadiga ahayd oo ka badanayd markaa 21 milyan oo doolar.

 

 Sii dayntii maxaabiistaa ka dib lacagtaa macaawinada ahayd haddana looma siidayn ee Kongresska maraykanka ayaa mar labaad is hortaagtay, waxaana si weyn uga ololeeyey Dr. Axmed Xuseen Ciise oo Congresska maraykanku arrintaasi kala tashadeen. Sannadadahani ugu dambeeyey marka laga hadlo, Dr. Axmed Xuseen Ciise,isaga oo aan cidina ka dambayn laakiin ah Xogahaya Arrimaha Dibedda ee KULMIYE wuxuu safar is daba joog ah ku maray min Waqooyiga


Maraykan ilaa Koonfurta Asia ilaa South Afrika. wuxuu intaasiba u doodayey Aqoonsiga Somaliland. Axmed Xusseen waa xubnaha fara-kutiriska ah ee la is odhan karo hadii ay Hogaankan dalkan qabtaan waxay u maamuli lahaayeen sida dalalka reer galbeedka loo hogaamiyo Dr. Axmed Xuseen Ciise wuxuu xidhiidh sokeeye la leeyahay saraakiil sare sare oo ka tirsan golayaasha dalka maraykanka, xubno muhiim ah oo ka tirsan labada xisbi ee dalka maraykanka ka taliya ee Jamhuuriga iyo dimuqraadigaba, wuxuu xidhiidh sokeeye la leeyahay xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka maraykanka Miss Condeleza Rice oo aqoon badan ka dhexayso. Dr. Axmed Xuseen Ciise wuxuu dhawr jeer ka qayb gallay doodo kulul oo ay yeelanayeen aqalada congresska iyo senateka kuwaasi oo lagu lafa guraayey arrinta mandaqadda geeska afrika, wuxuuna sidoo kale ka qayb gallay shirar doceedyo uu soo qaban qaabiyey guriga gaashandhiga dalka maraykanka ee loo yaqaano Pentagon, kuwaasi oo uu dhammaantoodba si qeexan ugu sharaxaayey saraakiisha maraykanka qaddiyadda madax banaanida Somaliland inay tahay muqadas oo ah mid ay shacabka somaliland doorteen.

Dr. Axmed Xuseen ciise wuxuu sidoo kale xidhiidh sokeeye la leeyahay madax badan oo afrikaan ah, wuxuu doodo siyaasadeed kaga qayb gallay dalka koonfur afrika, isagoo lagu casuumay dood cilmiyeedyo uu soo qaban qaabiyey xisbiga tallada dalka koonfur afrika haya ee ANC (African National Congress). Dr. Axmed Xuseen Ciise wuxuu ku leeyahay beesha caalamka sumcad aad u balaadhan, oo uu ku kasbaday aqoontiisa, xirfadiisa iyo miisaankiisa, wuxuu kaalinta koobaad kaga jira shakhsiyaadka fara ku tiriska ah ee ka soo jeeda mandaqadda geeska afrika ee maraykanka iyo midawga yurub ay kala tashadaan arrimaha afrika.

 

 Dr. Axmed Xuseen Ciise waxaan aaminsanahay haddii uu ku guulaysto tartanka madaxtooyada ee Somaliland inuu muddo kooban somaliland ku gayn karo beesha caalamka, kana midho dhalin karo aqoonsi buuxda oo maraykanka, midawga yurub iyo dalalka afrikaanku ay siiyaan somaliland. Dr. Axmed Xuseen Ciise wuxuu uga aqoon badanyahay Madaxweyne Rayaale, Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe siyaasadda casriga ee dunidu ku dhaqanto iyo weliba siyaasiyiinta dunida maanta ka shaqeeya. Waxaan ka codsanayaa golaha dhexe iyo ergooyinka xisbiga Kulmiye inay muujiyaan xilkasnimo iyo geesinimo una doortaan Dr. Axmed Xuseen Ciise inuu noqdo musharaxa u tartamaya jagada madaxweynimada ee xisbiga Kulmiye.

 



Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Bristol, UK.
Mobile: 00-44-7903579211
E-mail: diridhaba@gmail.com