Waa Kuma Bashe Awil H Omar

Waxaa maanta igu kalifay inaan qalinka qaato oo aan wax
yar ka idhaahdo hadalo mudo badan laga sheegayey
Bashe
Awil H Omar, oo mudooyinkan danbe qolyaha mucaaridku iyo
war xumo tashiilku weerar iyo aflagaadooyin qaawan kula
dul kufayeen.
Bashe oo aniga saaxiib ahayn ilaa caruurnimadii
inkabadan 30 sanona saaxiib ahayn, ilaa dugsigii dhaxena
ka wada dhiganay Sheekh Madar, waxa aan odhan karaa waxa
uu yah ay dhalinaradii faro ku tiriska ah, ee ka faaidey
wadamada reer galbeedka hadii ay noq on lahayd dhinaca
wax barasho ama shaqoba.
Dhalinyarada soomaalida intooda badan ee ku nool
wadamada horumarey wax faaido ah kama korodhsadaan
wadamada ay joogaan ee hore u maray hadii ay noqon
laheyd tacli inta bilaashka ah ee xaga Technolajiga,
Engineerinka Scienceka ama Dhaqaalaha iyo Gan acsiga
waxa keliya ee ay ka faaiidaan waa dhaqan xumo iyo wax
laga xishoodo iyo weliba bur bur ay naftooda u horseedaan
hadii ay noqon laheyd dhinaca nolasha, diinta iyo
dhaqan kaba. Waxaaana inta badan loogu magac daraa ama
tilmaamaa dad nolosha ka dhacay.
Bashe waxa uu tacliintiisa sare ee uu kula jaan qaaday
wadamada horumaray, waxaana uu ka qalinjabiyay jaamacada
sadexaad ee dalka ingiriiska ugu sareesa, ee la yidhaah
Univeristy College London UCL
(London
University) waxaana uu ku takhasusay maadada da
Chemistry. Waxaa uu
ka helay Scholarship Jaamacada
Manchester University isaga o o sii wata tacliintiisa, wuxuuna uu
MSc
ku
sameeyay
Petrochemistry.
Waxa markiiba shaqo uu ka helay Shirkada ugu weyn dunida
ee sameesa qalabka ama m achiinada caafimaadka lagu
baadho, ee magaceeda la yidhaah
Thermo Fisher
Scientific, ee xarunteedu yahay dalka
USA. Halkaas mudo
10 sanadood ah uu ka shaqeenayay isa ga oo ah
Research
Scientist. Ka dib waxa ay shirkadiisu u soo wareejisay
dalka Ingiriiska magaalada
Manchester 2007 kii, waxaana
uu halkaa ku sugnaa mudo 4 sanadood ah, int ii aanu u soo
wareegin
Narobi.
Muduuyinkaa uu degenaa
California iyo
Manchester ba waxa uu
Bashe Awil H Omar
ku l ahaa hanti
guryo, oo labada magaaloba isagu markaa ka iibsaday.
Waxa hadaba aan ma anta jecelahay in aan qoraalkaygan ku
cadeeyo in
Bashe Awil Omar yahay ninka nolasha nocaas
leh soo maray, hanti iyo aduunbana lahaa isaga oo aan
Sodagii Ahmed Silanyo k a ahayn dalka Madaxweyne. Isla
markaana ahayn nin maanta quud ka daya shilimaadka iyo
cashuurta islaanta masaakiiinta ah, ee laamida
tamaadhada ku iibinaysa laga soo uru rshay.
Waxa Bashe u dheer intaas, in uu ku darsaday dhaqan
wanaag, karti badan, furfurnaan iyo isagoo ah nin aad u
kaftan badan oo jecel wadankiisa hadana leh dabeecad
wanaag san. Saaxiibkay oo ah nin ingriisa oo aan meel ka
wada shaqeyno ayaa ku sifeeyey Bash e inuu yahay (very
intellectual).
Hadaba waxaan rabay inaan wax yar u sheego nimanka
caadeystay inay muwaadiniin reer Somaliland ah sida
(Bashe Awil) ay wax ka qoraan oo
daacayado raqiisa iyo
hadalo deel qaaf ku ah,
dhaqanka iyo
diintaba ka sheegaan
naceyb ay u qabaan wanaaga iyo horumarka wadankan
gaadhay darteed ay ninkii wax wanaagsan umadiisa iyo
dalkiisa u qabanaya ay been iyo xaasidnimo ay ka xun
yihiin horumarka dadka reer Somaliland ku talaabsanayo
ka hor istaagaya (Waciyaadu Billah).
Ummadana waxa ugu
xun ka kula nool ee aad moodayso inuu wax kula doonayo
hadana guusha kaa xisdiya.
Maanta ma qabato reer
Somaliland in loogu yeedho magacyada da dkii shacabkan
xasuuqa u geystey ee magaalooyinkeenii wax aynu dad iyo
duunyo lahe yn baabiyey. Ragii xasuuqay aabayaasheen,
adeeradeena, abtiyaasheen, hooyooyinke ena, wiilasheenii,
hablaheenii iyagoo weliba xalaaleystay hantideenii iyo
guryaheenii.
Suaasha aan maanta weydiinayo Mustafa Abdi ninka la
yiraahdo iyo kuwa la midka ah w axa weeyaan maxaa maanta
caruurtii aabayshooda la laayey ee
Moorgan,
Ali samatar
iyo Gaani
laayeen maxaa loogu sheekeyn doonaa oo loo
sheegi doonaa? Waxaan oran lahaa inta aad muwaaadin reer
Somaliland ah oo wadankiisa doonaya inuu wax u qabto ku
misaaleysaan dadkii xasuuqa geystey walaalayaal
ilmaaderayaal aan cadawga reer Somaliland ee had iyo
jeer doonaya inay wadankan ku soo celiyaan gacantooda
aan me el uga soo wada jeedsano oo xaqooda u raadino
agoomaha iyo, rajayda dada yar ee wa alidiintooda loo
laayey isir naceybka.
Guul
Somaliland
Ciid Farah Cabdi (Ciid Carab)
Abdir77@gmail.com
|