Waa in talaabo sharciya laga qaada kuwa shaydaanku ka hadlinayo ee loo gacan haadinayo

 

 


Talo Qaran baa loo baahan yahay sidii midnimada dalka iyo kala danbaynta loo ilaashan lahaa


Waxaan salaamaya saxaafada dalka iyo dhamaan shacabka Somaliland meel uu joogaba.Waxa a jirta sida laga dheehanayey saxaafada iyo mareegaha shakhsiyaad la wada yaqaan oo ku ba aqaya in dalku u baahan yahay talo qaran oo laysu yimaado si dalka loo badbaadiyo, ma xuma marka hadalka sidaa loo dhigayo, laakin waxaad mooda shakhsiyaadkaas inay isu haystaan in ay dadka reer Somaliland caqligooda ku ciyaari karaan, laakin waxaanu u sheegayna inay iska dhaafaan sheekaooyinka gaaban ee markiiba soo xidhmaya ,meelna aan gaadhayn.

Laga bilaabo tan iyo intii Dawladan Siilaanyo ay dalka la wareegtay qof walba oo muwaadin dh ab ah oo damiir wadaniyeed lihi wuu arkaa waxay dalka ku soo kordhisay sida ay u arkaan meel aha wax ka khaldameen ee u baahn in la saxo. Somaliland waxaa u dhalatay dawlad dhegaha ka furaysatay af ku xooglayaashi ayey u dhaqaaqday danahii shacabkeeda iyo u adeegidooda.

Horumar la taaban karo ayaa dabo iyo dacal ka muuqda dalka waanu socdaa , waana loo han w eyn yahay. Waxaa soo noolaaday kartidii iyo hamuunti muwaadinka, waxa markii ugu horaysay dalka dib ugu soo guuray muwaadiniin nooc walba leh oo doonaya inay dalkooda ku noolaadaan waxna la qabsadaan, sababteedana waxaa leh talaabooyinka ay qaaday dawladani.

Waxaa mar keliya xaga hore ee horumarka soo galay magaaladi BerBera ee haaadku ka duula yey laba sano ka hor , ma u malaynaysa manta in dadkii doonayey inay Berbera maal gashada an la kala horayo.

Waxaa keenay dawladan , ma u malaynaysa inaanu maanta yididiilo iyo raynrayn kaga gama'a no dalkayagii hadaanu nahay qurba jooga, waxaa kuu cadaynaysa sida aanu madaxweynahaya ga u soo dhawayno mar walba uu dalka yimaado halka berigii hore madaxweyne iska daayo ay wasiiradu naga dhuuman jireen ileen waxay noo sheegaan ma jiraane.

Hadaba raga manta cabaad iyo qaylo shaydaan ka dhamaatayoow , Somaliland way dhaqaaqd ay ee yaan lagaa tegin , shakhsi aan xisbi mucaarid ah metalin oo meel uu siyaasada dalka ka soo galo la garanayn ayaa na dhega barjeeyey, hadii haebel lagu yidhaahdo saaxiib naguma filna , anaga waxaa wax noo sheegi kara nin meel ku qoran oo masuul ah , ninkii aan ahaynoow aanu runta kuu sheegne mar walba oo aanu meelaha codkaaga ka maqalno waanu kuu xishoo na, hadii aad wax isla hayso siyaasada dalku qof walba oo muwaadina way u furan tahay ee w axaa lagaa rabaa inaad soo marto ama ka mid noqotid golayaasha iyo xisbiyada loo sameeyey.

Waxaan dadka reer Somaliland ah u sheegayna oo ku baraarujinna in ay midnimadooda ilaasha daan , waxay haystaan dawlad ay codkooda ku doorteen , hadii ay diidaana ay codkooda ku ridaan karaan . Wixii intaa dhaafsan waaxaanu aragna nin meel waayey oo leh igama qudhunto igama gubato. Waxaanu leenahay saaxiib kala danbayn ayeynu halka ku soo gaadhnay, ee da dka ha loo tudho . Bal adigoo aya ah ayaa shir qaran ku baaqaya , xaq uma lihid ,waxaad ku xad gudbaysaa wixii dadkani ku heshiiyey , dawladana waxaa ku waajiba inay adiga iyo nooca kula midka ah ay talaabo sharciya ka qaado.

Cagtii soo joogso laga kari waayo ceeb bay uga dhaadhcdaa, hadhow waxaa ka danbayn doon ta madaxweyne cafis ku sii daa. Shaydaan iyo meel daran baa laydinka yeedhaya. Hadaad Federal tahay shacabkani beri hore ayuu isu tashaday ee ha ku wareeerin , hadaad kursiga doonaysana dariiqiisa soo mar waxba muska dabadiisa ha isku qarine.
 

 


Somaliland ha noolaato
Wadaniga dhabta ah alow dhawr
 

 

 

 

 

Ali Jama
alijama555@yahoo.com