Waa Hees wadaniya oo cusub,magaceedana la yoidhaa, "sharaf dawladnimo," soona baxday July 25,2010

 

 

 

Waxaa erayada Heestan sameeyay ,  Mowlid Aden  (Qolqol), laxankeedana waxaa ku ladhay Cab diraxmanIbraahin, muusiga waxaa raaciyay,Al ustaad Maxamed Karaama.Waxaa ku luqaynaya fanaanka codka macaan, Cabdilqaadir -Aj


 


Shacabkaygan bilan
shuushkiyo allow
shakigiba ka saar

****

Shidadii horiyo
shar wixii ahaa
shifo daawadeed

****

Daraad sheelided
shalay yeelkadeed
maanta shawrideed

****

Neefba shookadiyo
shilalkuu gala
misna lagu shidha

****

Shaal quruxsan iyo
sharaf dawladnimo

 

 

Shacabkaygan badan
wax u sheegidood
waa shay muhima

****

Geelaba shubaal
ceel looga shubay
hees loogu shaqal

****

Shar waxii ah iyo
shaydaan ku daa
aniguna shintiris

****

Khalaawaad u shiday
shaadali u qubay
shifadaada nabad

****

Shaal quruxsan iyo
sharaf dawladnimo

 

 

 

Mowlid Aden  (Qolqol)