Waa Goorma.........?.

 




In ay Somaliland yeelato Ciidan Qaran oo tiro iyo tayo cadawgu kaga maago leh dalkuna isku halayn karo waa arrin muqadas ah waase hadii....


Tan iyo maalintii Aadamuhu raad dhaqaajis ahaa ama u foofi jirey qadhaab-raadsiga ee waxbadan oo uu kaga duwanaa xayawaanka duurjoogta ah ee deegaanka kula noolaa aanay jirin oon ka ahayn inuu intay doonto ha leekaatee adeegsanayey caqliga iyo fikirka eebe kaga fadilay inta kale. Iyadoo tan iyo waagaana ay la jaanqaadaysey baahiyihiisa kala duwan iyo Duruufaha adag ee ku xeeran una baahan sidii uu kaga gudbi lahaa haday noqoto mid cududeed iyo hadii aanay caqli ka maaraynayaba, si uu uga badbaado halis naftiisa la soo derista oo ku soo kedisa isaga oo aan ka tabaabushaysan, halistaas oo kaga imaan karaysay xayawaanada dibad galeenka ah amaba aadame kale oo dhigiisa ah oo markaa doonaya sed-bursiino isaga oo isbidaya inuu ku dhaamo tiro ama tayo gundhigna u ahayd noloshii markii Aadamuhu teel-teelka ahaa.

Maanta oo aynu joogno qarnigii 21aad majirto wax weyn oo arintaa iska bedeley oon ka ahay in sidii loo kala hor ilbaxay loo kala aqoon korodhsi iyo aalad wacnaaday la isu muquuniyey la isuna gumaystey; iyadoo tirada laba kooxood oo loolan dhexyaalaa u kala xarrago qaataan una kala libeystaan iyadoo sida ay u kala tiro badan yihiina aanay wax door ah ka cayaarayn sidii casru-jaahiligii balse adeegsiga Aaladaha iyo Aqoontu yihiin kuwa doorka ugu weyn ciyaaraya laguna kala hagaagayo aakhara lacabka.

Intaa hadaan kaga gudbo Araartii guud una gonda dego ujeedada aan ka leeyahay maqaalkan.Tan iyo maalintii Somaliland la soo noqotay madax-banaanideedii waxaa lagu taamayey dhismo Ciidan Qaran oo hadii ay soo food saarto ammaan-daro gudaha iyo dibadaba ah noqda kuwo lagu dhaadan karo oo dalka ka samata bixin kara waxyeelo soo wajahday laguna halayn karo jiritaanka muqadaska ah ee Qaranka Somaliland.

Waxaa hadaba isweydiin mudan. Maxaa ka qabsoomay, heerkee buu se gaadhsiisan  ya hay tayada Ciidan ee dalku?Iintee bayse leegtahay cududiisa milateri oo uu ka caabin  ka rta cadow kugu soo hamaansadey? Taas waxaan u dhaafayaa jawaabteeda xukuumada dalka ka arimisa iyo waxay kaga tala gashay hadii ay timaado maalin adagi.

Waxaan xasuustaa marar madaxweynuhu la hadlayey kooxo ciidamo ah oo tababar  milat eri ku soo qaadatay meelo dalka dibadiisa ah kula dardaarmayey inay noqon doonaan  ko oxdii u horeysay ee noqota saraakiishii hogaamin lahayd ciidanka qaranka lana siin doono derejadii u horaysay ee dalka laga bixiyo. Way wanaagsantahay waana wax loo baahnaa maxaase ka qabsoomay? Miyaa laga kaaftoomay?. Waxaynu ka wada dhergsanahay in saraakiishii hore ee ciidamadu ay noqdeen wax dhintay iyo wax gaboobey. Sidaas  darte ed ay lama huraana tahay in la helo ciddii bedeli lahayd. Hadiiba se la helo. Maxaa lagu kala xadeynayaa hadaanay jirin derejo iyo waayo aragnimo hogaan Ciidan oo lagu kala dambeeyo .

Waxaan meesha ka madhnayn in Somaliland ay gurada ugu jiraan dadbadan oo neceb  ji ritaankeeda oo hadii ay u muuqan weydo cudud ciidan oo lagaaga waabtaa ay taasi sahli karto in feedhahaaga la tirsado laguna soo dhiirado sidii loo carqaladayn lahaa  nabad  g elyada dhiiga faraha badani u daatay loona soo maray halgan dheer oo dhibtiisa lahaa. Maxaa lagaga talo galay hadii......

Mise waxaa la sugayaa intii albaabka ay inagu soo tumi lahaayeen kuwo geed dheer iyo mid gaabanba u fuushanaa inay hadimadeena ka taliyaan.Waxaan qabaa in goortaasi noqonayso goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen hadaan hadeer xalkeeda la helin sidii Somaliland u yeelan lahayd Ciidan Qaran oo tiro iyo tayaba lagu laab-qaboobi karo oon beri la qoomamayn wixii shalay la dhayalsaday.

Wabilaahi Tawfiiq.

 

 

hersi osman.
osam71@hotmail.com
Frankfurt am main Germany.